Göteborg: Safiirka Maraykanka oo ka qayb galay kulamo looga hadlayo Soomaalida

Waxaa waqtiyadii ugu danbeeyey caado ka noqotay wadankan Sweden shirar iyo kulamo looga hadlayo xaaladda iyo arimaha dadka Somalida ee ku dhaqan wadankaan. Dadka ka hadlaya ama ka taliyaana aysan ahayn dadka ay qusaysay ama aan ehel u ahayn aqoonna u lahayn Somalida balse ay ka qeyb galeen dad sheegta inay yihiin kuwo aqoon u leh dadka Somalida. Taasoo ay keentay midnimo la,aanta iyo kala daadsanaanta dadka somaliyeed oo aan lahayn hogaan si guud u matala.

Shirarkaasi kuwii ugu danbeeyey waxaa ka mid ahaa laba shir oo isbuucaan ka dhacay magaala madaxda labaad ee Gothenburg wadankan Sweden. Labadaas shir mid waxaa soo qabanqaabiyey hayadda isku xirka iyo dhaqaalaha ee gobolkan. Iyo kan labaad oo uu soo qabanqaabiyey maamulka gobolkan iyo Ambassadoorka maraykanka u fadhiya wadankan Sweden ee magaalada Stockholm.

Labadaas shirba waxaa arimaha Somalida uga qayb galay ama lagu casuumay Eng: Aliyare Gaani Abdi oo ah maamulaha shirkadda guryaha Gardstens bostad ee magaaladan Gothenburg ahna Guddomiyaha ururka Somali Skandinavian Association.

Shirka koowaad ayaa waxaa looga hadlayey arimaha Somalida cusub ee joogta dalka iyo ehelkooda loo keenayo ama imanaya sidii loogu heli lahaa degaan, caafimaad iyo waxbarasho gaar ahaan caruurta iyo dhalinyarada iyo sidii ay u dhexgeli lahaayeen dadka iyo systemka wadanka. Waxaa kaloo looga hadlayey sidii kuwa jooga wadanka loogu samayn lahaa shaqo. Waxaa kaloo si aada looga hadlayey dhibaatada ay keentay kala maqnaanshaha iyo kala fogaanshaha ehelada iyo ilahooda kala maqan oo noqotay dhibaatada ugu balaaran ee haysata dadka somalida.

Shirka labaad waxaa soo qabanqaabiyey maamulka magaaladan Göteborg iyo ambassadoorka Maraykanka u fadhiya wadankan Sweden Mr Marek Brizezinski iyo haayadda is dhexgalka magaaladan (Integrations rådet). Shirkaan ayaa isagana waxaa looga hadlayey habka ay ula macaamilaan maamulka gobolku dadka ajnabigaa gaar ahaan dadka somalida. Waxaa shirkan inta badan looga hadlay arimaha Somalida iyo siday ula dhaqmaan maamulka gobolku. Danjiraha ayaa ku dheeraaday systemka wadanka sweden sida ay u adagtahay inay dadka ajnabiga ahi usoo dhex galaan gaar ahaan Somalida, meesha ay haday tagaan wadamada Amerika iyo Canada lagu yiraahdo kusoo dhowaada wadankiina marka ay iska soo dhiibaan ama kasoo galayaan xaduudaha ama airpoorada wadamadaasi.  Halka Sweden laga weydiiyo su,aalo aad dadka u argagax geliya. Arintaas ayaa dadkii kasoo qayb galay shirka aad ugu riyaaqeen maadaama ambassadoorka hadalkiisa uu taabanayey runta.

Danjiraha waxuu kaloo sheegay inay dadka Somaliyeed yihiin dad aktiv ah ama firfircoon xag walba oo aad u dadaala. Tusaale waxuu usoo qaatay inuu booqasho u tagey magaalda Minneapolis ee USA dhowr asbuuc ka hor una u kuur galayey xaaladda dadka Somalida ee ku dhaqan Amerika waxuuna sheegay inay somalidu yihiin dad aad u ganacsada aadna uga qaybqaata horumarka dalka Maraykanka.
Waxuu kaloo sheegay in bishii oktober 2012 ay 6 dhalinyaro somaliya ay ka qalin jebiyeen kuliyadda waxbarashada Poliska magaalada Minneapolis oo keliya taasna ay ku tusaydo qaladka inuusan ahayn Somalida deggan Sweden balse uu jiro culays ka haysta Somalida systemka wadankan Sweden.

Shirka ayaa waxaa lagu soo gunaanaday inay Sweden wax ka bedesho arimaha is dhexgalka bulshada oo ah mid aad u adag inay soo dhexgalaan dadka wadanka ku cusubi.

Faafi mowduucaan

Akhriso mowduucyo kale oo xiiso leh...

11 Responses

  1. warsame says:

    Asc. Waa arin wanaagsan marba hadii ay ogaadeen qaladka inuusan aheyn dhanka soomaalida bal uu yahay systemka Sweden oo soomaalidu ku adag , tusaale ahaan afkooda oo si u qaab daran runtii iyo dadkooda oo ah dad xerxeran inta badan iyo ganacsiga oo canshuur fooqal caqli ah la dul dhigay. Laakin inshaa Allah xal ayaa imaanaya meelna sidee tahay ayaa leeska ekeesiiyaa. Hala dadaalo walaalayaal. Asc.

    U codee: Thumb up 3 Thumb down 0

  2. Sawda says:

    asc way ficintahay inay xalada rasmiga ah ogta inta somalida lakiya la eedaynyo

    U codee: Thumb up 2 Thumb down 0

  3. dulmiga ka dhiidhi says:

    acs asxaabeey runta aan isku sheegno somaalida ayaagaa hormar rabin iyo wax barasho wataa runta meeshaa taallo
    mida 2 aad aniga waxaan ku noolahay finland sxb walagayna maanan maqal guudoomiyahan aad sheegeeysaan ururka soomalida Skandinavian Association. waligaa maad maqashay uru soomaaliyeed oo xafiiska shaqada la xisaaabtamaya oo shaqa idinkaga soo dhicinaya .
    tan 3 aad inta badan uururada soomaaliyeed waxaa asaas u ah qabiil kaa uu nabi muhammed(scw) uu 1434 sano kahor umadii kala dagaalmay oo uu tirtiray afaara qabiilnimo
    anigu waxaan is dhahayay waxaaa soobaxaya dhalinyaro arintaaa ka dhiidhisa laakiin ayagiibaa midida baabkeeda haya
    tan 4 aad waan awoodi karnaa in aan kukacno dadkaan magacyadeena ku qaraabta waan jooji karnaa dulmigaan aan wadono sidee u hormareynaa dadkeena 80% waa dad dumiga taageera waxa caqligalayo maahan in aan 80% ama kabadan in aan dulmi isku raacno
    markaas baa eeykaste iyo wariye kaste sharafteen u gafaa
    walaalyaal aan isbadal la´ imaanno

    U codee: Thumb up 4 Thumb down 0

  4. simmy says:

    Soomaalida Scandinavia kunool, weligood ma gaarayaan Soomalida ku nool North America, UK iyo Australia. Taasna waxaa ugu wacan wadamada Scandinavia waa kuwo yar yar oo system xir xiran leh. Meesha wadamamada kale ay yihiin kuwa furfuran dhinac walba, shaqada, ganacsiga iyo dadkuba.

    U codee: Thumb up 4 Thumb down 0

  5. cabdi casiis says:

    malmahan somalida lee laga hadlaa lee maxawa arintaan ma fahmin hadal lee la wada wadankaan dhaqan ayu leeyahay iyo sharci somali darteedna ma loo badalaayo

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  6. mohamed says:

    asc waan ku salamay jimcaale bacda salaan waxaan doonayaa in aan idin waydiiyo horta shirarkan waxaa lagaga hadlayaa dad kala maqan iyo famliy ee maxaa looga hadli waaayay dadka 5 sano iyo in ka badan bilaa sharciga ku ah wadanka dadkaas oo aan haysan waxbarasho iyo shaqotoona oo aan kharash fiicana qaadan oo haysan wax sharci ah oo xataa uu reerkisa ugu tago waxaa jira dad markii sharciga loo diiday oo reero hoodina waxay ugu tagaan waayay naaga hoodi ay kala tageen oo famligii sidaa ku bur buray markaa war dhiba dhib ka daran laakin taas mid ka daran ma jirto waayo kan ama gabadhan ciyaalki ka maqan yihiin waxay kari kartaa in ay u tagto oo sharci ay ugu tagtona way haysataa ama haystaa waa ninke markaa waar halaga hadlo dadka bilaa sharciga ah oo dhibta badan hayso asc

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  7. mohamed says:

    ha laga hadlo dadka bilaa sharciga ah ee 5 sano jooga wadanka

    U codee: Thumb up 2 Thumb down 1

  8. shugri says:

    asc somalida ku nool skanda nivia waligod ma garayan kuwa jogo canada ama america ama uk wayo wadankan wadama eey jogaan waa kuwa xir xiran oo aan fur fur nen that is why

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 1

  9. deqa says:

    RUNTII NINKAN AMBASADORKA AH AAD BUGARANAYA SOMALIDA SWEDAN AAD UMATAQAN WAXAA SOMALIDA ISKURAACDAY 2 ARIN MID WA DADMADOOW MIDNA WA DAD MUSLIM AH 2 NA AYAGA ISKUGUWACAN MID DAD MIDAYSAN MAHAN OO WAA DADKALA SOCDOO BOQOLKUMUNATI WATA NIN WALBA NGO BUU U ISTICMALAYA MIDAKALE WADANKODII BAY GABEN MDKALAN WAX UTARIMAYAN RUNTII CANADA AMA USA IYO SWEDAN IS ASASAGSANMAYAN WAYO WAA WADAN KAWAYN KADHAQALEBADAN KA DADBADAN AH DUNIDA WADANKA UGUXOGABADAN MURUQAGANA AAD WAXKUDHACSANAYSO MARKA MAGACA SOMALIDA DADKII MESHAN UGU HORYIMID AYAA WADO UJEXAY TIIBAANA HADA QOFKASTA SUGAYSA MARKA ANIGU WAXN DHIHILAHA NINKAS AMBAXASADORKA AADBUU UMAHADSANYAHAY MIDAKALE SOMALIDA WAXAN DHIHILAHA WADANKA NIMI DAGNAY CODKENA HADII AN MIDAYNO AWOOD AYU NOQON HADII ANAN MIDAYNA OO ANKALA SOCONO QASARA INUKUSUGAN DHIBKU WABADANA DADNOQONMAYNO QOFKASTA WADUUNAGADHIGANAYA MARKA SOMALIDU HA ISMIDAYSO RUNTII HALATASHADO AYAN ORANLA HADII AN NAHAY DAD ISKUTIIRSAN ANAGAN WAXBANALAKADHAGAYSANAYA DADKENUNA DAYACMIMAYOO DAWO CIDLA KAHELIMAYSO WAKAS MALINKASTA ILMAHENA LAQADAN CAQABADA NALORADIN XAGELAGU ARKAY DAD ISQABOO LAYSUDIIDO IYO RER LALEYAHAY 2 SANO MAYDAN WADANOOLAYN RUTNII WA DAMIIR XUMO INAGALAYNAKA ARKAY OGAADA WADO AYAN NOQONAYNA WALIGEEDNA WALAMARAYA WADADAAS HADII AYNAN ISKA GUFAYN NIN AYAA WILALDHAAY DUQ MARKII UGARAY AYUU ISUGUYERAY NINWALBOOW UL IIKEN AYU YIRI MARKI AYKENEEN AYUU ISKUXIRAY ULIHI WUXUU UDHIIBAY WILASHII MIDBA MAR KALAJABI WAKALAJABIN WAYEN MARKAS AYUU MID MID UGU DHIBAY HALMARAY KALAJABSHEN WUXUU YIRI AABO WAXAN IDIN DAR DARMAYA HADII AD ISKUXIRNATAN WAXAD ANAHAYSAN SIDA ULAHAS AN ISKUXIRAY CID IDINKALAJABINKARTA MALAHAN HADII ADSE KALA TAGTAN OO KALASOCOTAN WAXAAD NOQONAYSAN SIDA USHAAS ULAKAJABTAY MARKA SOMALIYEEY ISKUSOOLAABTOO SIDII ULAHAAS ISKUXIRMA

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  10. dagan says:

    Somalia an qabilkadhaman iskumatosyso hala ilawo qabiilka

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  11. usatad says:

    Asc walal wan idin wada salamay dhaman waxan rabay in aan fikradayda ka dhibto meshan waxayna ku adan tahay ruxa qora bogan mar walba wuxu dhaha mar walba hadi wax somalida khusayso ama somalida oga qayb galan dad aynan qusaysay ama aan ehel u ahayn aqoonna u lahayn Somalida.
    Waxay hadalkas u cadyahay in isaga un u na matalo waa waa ruxan qora bogan ayan ka hadlaya isagu waxbu qoraa ee ha ku ekado qoralkiisa fadlan dadkan la kulmay herkoda markad soo gadho hadal oo halagu yedho waa her lagadho ee ha khararin waxad un rabta in aad dhahdo anaa matala somalida ee shalay ayaad soo gashay dalkan ilahay amarkisu badana war isku xishoo oo saas wax u qorayso u firso si wax loo qorana madan so baranin wali ee qoralkaga un ku ekaw waa yaab walahay .

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0