Gudniinka gabdhaha iyo fasaxa xagaaga!

7

Iyadoo hada uu bilowday fasaxa xagaaga oo dad badan ay u safrayaan wadankoodii hooyo ayaa waxaa soo baxday fadeexad ku saabsan gudniinka gabdhaha. Warbixin uu qoray wargeyska Norrköpings Tidningar ayaa lagu sheegay in la ogaaday in 60 gabdhood oo dhigta iskuulada magaalada Norrköping lagu sameeyay gudniinka ilaa bishii maarso.

30 gabadhood oo wada dhigata isku fasal ayaa la sheegay in dhamaantood la wada guday, iyadoo 28 ka mid ah gabdhaha lagu sameeyay gudniinka fircooniga. Gudniinka gabdhaha ayaa waxaa lagu ogaaday baaritaan caafimaad oo uu sameeyay iskuulka iyo hay’ada socialka.

Khatarta gabdhaha in la gudo ayaa la sheegay in ay siyaado fasaxa xagaaga iyadoo waalidiinta qaar ay gabdhaha u kexeeyaan wadankii hooyo iyagoo ka dibna soo guda.

Petra Blom Andersson oo magaalada Norrköping u qaabilsan caafimaadka ardada ayaa sheegay in ay waalidiinta ku wargaliyeen in haddii ay la soo noqdaan gabdhaha oo la guday ay xabsi gali doonaan.

Gudniinka gabdhaha nuuckasta ayaa mamnuuc ka ah Sweden. Ma ahan markii ugu horeysay ee ay soo baxdo fadeexad la xiriirta gudniinka, iyadoo horay waalidiin Soomaali ah xabsi iyo ganaax loogu xukumay ka dib markii ay gabdhaha gudeen.

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here