Gudoomiyaha degmada Nässjo “Cunsuriyad ma ahan”

Dhacdadii aan shalay soo qornay ee ku saabsan soomaalida ku nool tuualada Forserum ee ka tirsan kamuunka Nässjö ayaa wali ku sii baahaysa warbaahinta Sweden. Xalay ayaa waxaa dood badan arintaan ka yeeshay telefishinada Sweden iyadoo uu ka hadlay wasiirka isdhexgalka Erik Ullenhag oo ku tilmaamay mid aan la aqbali karin.

Dhinaca kale, maamulka kamuunka iyo booliska ayaa arinta ka yeeshay kulan degdeg ah iyadoo looga hadlay in arintaan wax laga qaban doono. Gudoomiyaha degmada Nässjö ayaa dadka caraysiiyay ka dib markii uu ku tilmaamay dhacdada in aysan ahayn cunsuriyad balse ay tahay dhalinyaro caruur ah ficilkooda. Sababta ay dhalinyaradaan Soomaalida keliya u raadsanayaan oo gacan ka hadal iyo aflagaado ugu geysanayaan ayaa iska cad in ay tahay cunsuriyad. Duqa magaalada ayaa xitaa wargeyska Aftonbladet u sheegay in ay yaqaanaan dhalinyaradaan oo uu ku sheegay 5-10 qof oo da’dooda u dhaxayso 15-20 sano.

Midka mid ah Soomaalida ka shaqeysata Forserum oo lagu magacaabo Mohammed Diriye ayaa u waramay Aftonbladet isagoo sheegay in isaga laftiisa gacanta ay u qaadeen cunsuryiinta. Waxa uu sheegay in booliska uu arinta gaarsiiyay oo xitaa uu hortooda farta ku fiiqay ninkii gacanta u qaaday balse aysan boolisku waxba ka qaban oo ay warqado uun qorteen.

Arinta ugu daran ayaa haysata caruurta Soomaalida ee Forserum oo aan shalay iskuulkii tagin. Soomaalida ayaa hada waxaa duqa magaalada ugu hanjabay in lagu dacweyn doono Hay’ada qaabilsan iskuulada maadaama ay Sweden waajibtahay in waalidku caruurta iskuulka u diraan. Caruurta ayaa sheegay in lagu aflagaadeeyo wadada oo dhagaxaan lagu tuuray. Ereyada lagu yiri caruurta ayaa waxaa ka mid ah “neger” iwm.

Dhinaca kale dadka degmada ayaa u istaagay taageerada Soomaalida. Bogga Facebook ayaa laga abuuray bogg lagu magacaabay “Ja till somalier i Forserum” kaasoo ay ka mid noqdeen dad ka badan 700 qof. Waxaa sidoo kale la abuuray mid ka soo horjeeda oo loogu magacdarey “Nej till somalier i Forserum!” oo isagana ay ka mid noqdeen 200 qof. Habeenka Jimcaha ayaa la qorsheynayaa in degmada lagu qabto socod lagu taageerayo Soomaalida.

Xaalada haysata Soomaalida Forserum ayaa ah mid saamayn guud ku yeelanaysa guud ahaa Soomaalida ku nool Sweden. Haddii sida ay ku talisay jaaliyada Soomaalida ee tuuladaas ay isaga guuraan degmada waxay dhalin kartaa cawaaqib xumo weyn oo wada saamaysa Soomaalida. Haddiise ay u istaagaan xaqooda oo ay muujiyaan geesinimo iyo isku duubnaan waxay keeni doontaa magac wanaagsan. Soomaalida ayaa beryahaan dambe waxay noqdeen wado lagu socdo oo “wixii xunba xaawaa leh” laga dhigay. Soomaalida Forserum waxay u baahanyihiin taageero, waxaan ku talinayaa in loo gurmado oo loo muujiyo in aysan kaligood ahayn. Haddii aan ka cararno cunsuriyada, nagama harayso ee meelkasta ayay naga saarayaan.

Faafi mowduucaan

Jimcale

Asc ku soo dhawaada Somaliska.com. Waxaan rajaynayaa in aad ka faa'idaysateen mowduucaan isla markaana aad fikrado qiimo leh ku darsan doontaan. Xumaan, qabyaalad, aflagaado iyo arimaha siyaasada Somaliya waa ka manuuc halkaan. Fadlan aan iscaawino oo su'aalaha qofkii jawabaha haya dadka ha u faa'ideeyo. MAHADSANIDIIN!

Akhriso mowduucyo kale oo xiiso leh...

30 Responses

  1. magacega waa abdo maxamed says:

    waxaan u sheegayaa somalid ku nool magalad forsrum hadaa ka guurtaan magalad waxaa ceeb ay u noqoneesa somali magaceeda waa in la iska dhiciyaa oo haday ka hadlan gacanta lagala hadlaa gacant haday afka ka hadlan lagal hadlaa afk lakiin aniga waxan amin sanahay in dadka marka hore la garsiiyo maxkamad si deg deg ah oo boliska magalad xataa la dacweeyo oo hadho waxii somali ay geesato si loogu wayo denbiga somalid oo markaa gacan loola tago haday yahiin 20 ama50 waa in loo diyaariyaa 50 hadii leska celin waxay ku soo socotaa gabdha in lakufsado wayo ragii baaba cabsanaya waa in latusaa somali shar iyo kheer inay leedahay

    U codee: Thumb up 3 Thumb down 1

    • Najma says:

      Walaal waxaan qabaa in aan Meesa kumudaaraadno. ee ” Jimcaale” Anagu diyaar baan naay hadaan reer Göteborg naa ee walaal xaginna iska soo abaabula rer Stockholm. waa in walaalaeen somaloida kale aan taageernaa. wixii soomaali ah meesee Sweden kajoogaanba a isu koodiyaariyaan mudaaraad. pleas >Jaaliyada meesha dagan telkeeda ama meesha lagala xiriirikaro noosoogudbi jimcaale adooraali ah hadal wax mataree.Hiil iyo hooba waaloobaaanyahay.

      U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  2. salax says:

    walaal jimcaale sua.aal maxakamada socdaalka ilaa imise ayey kiiska heysankartaa walaal taas ayaan kaa sugaa jawaabteeda imise bil ama sano inta waqti loogu talagalay waana ku salaamay

    U codee: Thumb up 1 Thumb down 4

  3. Run sheeg says:

    Arinkani somalida heysata ad ayan uga xumahay lkn somalida marka la yimada qurbaha oo wadanka laga so boxo Aad iyo Aad ayey u litan lkn waxa hubal ah in ay igaga dhexdooda markey is dagalayan ay isku xoog weyn yihin, lkn aysan iska celin karin wadamada kale marka la yimado wil 15jir ah uu iska lalushayo wil somalia ah oo 25ji ah marki wadan kale la jogo, wa dad aad fuley u ah wan huba arinkan waayo aad ayan ugu firsaday somalida. Somaliyey Ama wax iska dhecsha oo isku duubnada ama weligin wa leydinku tumanaa Dadna adinka ugu liita swedan marka la jogo waxana idinku waca aniga quracland ban ahay ee qansaxland mahi. Waxad rabto ahow somali wa somali, Dadka kale inama kala garanayan ee wax ha leyska dhacso iyadon l dagalamin aya wax leyska cilinka Dad nimadada na la ilashan kara.

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  4. magacega waa abdo maxamed says:

    jimcale somalida degan tuulad may ku daydaa carabta iyo kurdida iyo afganisatnta maxaa iyaga keligood loo ceersanayaa wayo waa daciifnimo laga arkay dadkas kale waa iska celiyaan wayo kuwaanma oromo somali shegatay baa luund waa magalad cunsuriyiinta wana joognaa wana iska celinaa 20 wiil bay iska celin wayen

    U codee: Thumb up 3 Thumb down 0

  5. FRÅN MALMÖ says:

    KKKKK WALAAHI WAAN U QADAN LAYAHAY IN SOMALI LAGU CAYDHSANAYO MAGALO AY DAGAN YIHIIN, ANAGA MALMÖ AYAAN KU NOOL NAHAY WALAAHI BAAN KU DHAARTE LAAGBAAN LA DHACNAA IYAGA, MAXAA IDINKA SIYA SOMALIDIINAN MISE WADANKAAD KU CUSUB TIHIIN, AREEY WALAAHI HADAYDAAN ISKA DHICIN WALIGIIN INANAY IDINKA KACAYN ANAA IDINKA YAQANA KUWAN, WAA XOOLO, OGAADA FULAYGU 100 JEER AYUU DHINTAA LAKIIN GEESIGU HAL MAR AYUU DHINTAA, IDINKA ISKU DUUBNADA MARKAY IDIN SOO DOONTAN, GARAACA WANA LA OG YAHAY INAY IDINKA GAR DARAN YIHIIN HADA. HADII KALE ANAKAA IDIIN IMANEENO WAXA NALA DHAHAA BLACK COPRA MALMÖ GANGS.

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 1

  6. fråm Forserum says:

    ASC hadii aan ka hadlo dhacdada ayaaa ah miid aad u fool xum waxeey ka bilabeen ineey masjiidka dumiiyan saladu leylka dad jiidka ugalaaan guryahaaah soo jebiiyaaan ariinka ma ahaaaa miid hada bilowdaaay waxuu socdaaa mudo 2 år ah lkn marbaa mar aaad usii kordhaaay hada waxeey dagaaan tahaaay in gacaanta leeysa galaaay allow somali ugargaaaar adaaa awood leeeh

    U codee: Thumb up 2 Thumb down 0

    • Najma says:

      Aslm: Walaal “Från forserum” adigu hadaad meesha dagantaay “Kommunitiga” somalida ah komtektigeeda manoosoo qorikartaa? xaalku waa xunyahaye ma,ahan in cunsuri dalka loogaguuro waa laiska celinaa. insha,allah. wsc wr wbr.

      U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  7. madaxweyne mustaqbalka soomaaliyeed says:

    waxaan nahay somali sharaf leh cunsuriyad waxba inaka Qaadimayso

    U codee: Thumb up 1 Thumb down 1

  8. fatima says:

    ceebeey tacaal ma 10 wiil 15ilaa 20 jir beey ka carareen yaa xabad u dhiibo oo yiraahdo reer hebel ku duul xoog ha yeeshee

    U codee: Thumb up 1 Thumb down 0

  9. fatima says:

    from malmo kkkkkkkkkkkkkkkkkkkkk walee runtaa waaye malmo tii carab aheed waad edbiseen swedan warkeeda daaye

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 1

  10. madaxweyne mustaqbalka soomaaliyeed Daahir.yare says:

    Aniga waxaan u arkaa dowlada ayaa masuul ka ah dhibka jira waayo,, sweden waxaa ku jira maamul dowlad ku sheeg.Walaalaha soomaaliyeed ee jooga.sweden waxaan ka codsanayaa in aan samaysano faceboo inoo gaar ah oo aan ku taageerno hadafka oo sweden u joogno,, waxaan si gaar codsiga ugu dirayaa fatíma iyo dhamaan asxaabta soomaaliyeed sweden joogta

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  11. gacal says:

    asc dhaman aqyarta sharaftale waan idin salamay dhamantiin hadan fikirkayga ka dhiibto wlhi waan ka xumahay aniga swedhan majoogo waxa ka dhacayana waxan kala socda webkan lakiin in idinkoo somaliya misana ah gesiyasha afrika ad ka carartan gala xun oon aqiro wax uga horayn waa daciiftinimo tiina iyo caqiida xumo hadad disho galkas naftada iyo malkaga u socda waxatahay ahlijina hadii ow ku dilana ahlijina ayaa tahay ee iska dhacsha magacaynan haku dheelina dadkiina sweedhan joog wana mahadsantiin wabilahi towfiiq

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  12. abdi mohamed says:

    Somalida way ka soo dharagtay dhib haduu wax taraayo hadana waxay doonayaan hormar in ay kasameeyaan noolashooda.waxay ku mashquulsanyihiin sida ay waddanka oo la qabsan lahayeen,marka waxaan dhihilaah wiilashan wakhtiga ayaa wax u sheegi doono.

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  13. NASRA says:

    asc RUNTII WAA ARIN AAD U FOOLXUN AHANA AWAAQIB XUMO LA SOO GUDBOONAATAY SOMALIDA OO DHANA MIDA KALE WAXAN SOMALIDA LOOGA DHIGANAYA BAR TILMAAMEEDKA MAHA NACASNIMO LAGU OGYAHAY IYO INEEY KA DUWAN YAHIIN AJAANIBTA AMA AFRIKANKA JOOGA SWEDEN EE WAA DAD MUSLIN AH GABDHAHII WAXAY SITAAN XIJAAB RAGII SIDOO KALE INTA BADAN WAXAY XIDHAAN QAMIIS IYO CUMAAMADO MAKA SAS AYAA LOO BAR TILMAAMED SANAYAA ISLAAN NACAYB DADKA DAGAN TULADAASNA WAA DAD U BADAN WADAADO MASJIDKA KU XIRAN IS WACDIYA DIGRIGA ILAAHAY OOGA HADABA SU AASHU WAA MAXAA NALA GUDBOON WAN U JEDNAA WAA GARDARO GARAB OG IYO GAAJO GURI OG MIDNA KAAMA HADHEEE WAA INAAN SI WADA JIRA UGA SOO WADA JEESANO ILAHAY WAXAN KA BARYAYAA FIDNO WAA TII DALKEENII ROGTEE INUU ALLE SAQIRO ANAGANA DALKEENII MASAAJIDA IYO EEDANKA LA MAQLAAYEE SALAADA IYO DIINTU KA OOGNEED KA QABTO FIDNA WADA YAASHOO NABAD IYO BARWAAQO KU LAABANAA INSHA ALLAAH AAMIIN WALAALAHEENANA DULMANA ALLAHA KA QABTO GAALADA

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  14. fatima says:

    war waxaad ka carareesaan waa caruur iska dhacsha walaanan idiinku garabin

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  15. fatima says:

    mida kale vedio ma arkeesen raga wadada dhaxda ka taagan magaalo joog xumo sooma aha waxaas

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  16. shakur says:

    halkan norway marka aad eegto iyo halkaa swdeden waa laba kala duwan halkan norge waxa ka gura dagmoyinka iyo xafadaha dadka u dhashay ee logu yimid marnaba ma aqbalayno in la yidha uga guura afar wiil oo yaryar iska celiya oo iyaga ayaa idinka baqdin badane gacanta u qaada oo ninkii idin nabad galiya nabad kula nolada kii kalena iska celiya hana aqbalina waligiin inad ka carartaan hadii aad carar door bidan iskaga noqda dalkini

    U codee: Thumb up 1 Thumb down 0

  17. Abdirazak Hassan says:

    Dhagax ayaan ka soo cararnay war maahee, gacmo dhagax tuuri kara yeesha. haddii kale idinkaa ka masuul noqon doona dadka ayagana laga eryi doono tuulooyinkooda.

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  18. mohamed says:

    SXB IOMTA IN LA JOOJIYAY MAXAAD KALA SOCOAA JIMCALE

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  19. mohamed says:

    SXB IOMTA IN LA JOOJIYAY MAXAAD KALA SOCOAA JIMCALE OO AY DHAHEEN QOFWLABA HA KEENSADO QOFKIISA AMA SUGA ILAA JANAAYO LAGA GAARAYO WAAYO KAMUUNADA LACAG NOOMA SOO SHUBIN AY DHAHEEN RÖDA KURSA WAA ARIN HORLE OO DHIBKEEDA LEH ARINKAAS HALAGA HOWL GALO

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  20. Xamsa says:

    Mohamed,IOM,TA,maxa laga rabay markihore ma tikidhada dadka ayey bixisa hadisa ogolasho lagusiyay maxa tikit karabta isbixi nh

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  21. salah says:

    Asc walaal jimcalle su,aal ayaan ku weydiiyay mana iisoo jawaabin ee walaal isku day inaad iisoo jawaabtid maxkamada migratinka imise bilood ayey kiiska heysan kartaa oo loo ogolyahy , walaal intaas ayaan ku weydiiyay ,,, tan kale reer forsrum anigaa og sharciga ayey ilaalihaayaan ma,ahinee hal maalin hadey talaabo uqaadaan swedish waa ku kala qaxaayaan ee waa dad xilkas ah waana idiin salaamay

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  22. jabra says:

    waa in lo diyariyaa uagu yaraan 50 dhalinyaro ah oo farta ka xiran iskuna duban luqadana sii fican u yaqaan wa in magaladaaas holaceda la soo gubaa 1 ana diyaar ka ah dadka an aruurino wa in aan isku dubnana waxii xal aan u aragno aan sameyno jimcale sxb war waxba ma taraayo balaayo ku heysata aboow aboow polis ma ka celinayo.

    U codee: Thumb up 1 Thumb down 0

    • Najma says:

      Walaal waa runtaa ee bage noo sameeya hadaan soomaalinahay aan iskduubnaan muujino. insha,alaah.

      U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  23. RUNSHEEG says:

    NAJMA IYO CADO MAXAMED WAAD DADAALEESAAN QEER ALLAHA IDIINSIIYO NAJMO WAXAAN KU SHEEGAYAA MEEL AAD KA HELEESO TELKA FORSERUM WAA GOOGLAHA INAAD KA RAADISO OO AAD KU QORTO ( ENIRO ) OO AH SIDA DAD KA MAGAALOYIN KA LOO RAADIYO HADII AADAN AQOON LA KAASHO QOF YAQAANA NETKA ASC

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  24. RUNSHEEG says:

    WAR DAD KA DULMIGA WADAA KORKOODA BIR MA AHEE HA LEESKA CELIYO IBLIIS KORKIISUU KA NAXAA HADUU XANUUNSADO EDEBDARADA WAA DHAAFAA EE HA LA JUCIYO DULMILOW ASC

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  25. hiil dooon says:

    asc run ahaaantiii waa wax aad looga xishoodo in soomalida tiradaa leh ee ku nool tuuladaaa ay uga cayaaaan 10 wiil wlh waaa ceeb u sooo hoyatay guud ahaan soomalida reer sweden laakiin waxaa la yaable in soomalidu ay geesiyaaal naftoood hura yala yihiiin markay joogaaaan soomaliya iyagoo gooobaha dagaalka ee madaafiicda iyo qoryaha waa wayn ay xabadka u dhigaaaan kkk laakiiin wlh waaa arin iga qoslisay xataaa caruurihiiii ayay iskuulada u diri la yihiiin caku cadha waynaaaaaa dhalinyaradaaaa yaaa mar indhaha ii sara

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  26. Adan Nuur C.raxmaan says:

    Maxaa talaa wadankaan nalaga nacyee? kkkkkkkkkkkkkkkkkkk

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  27. Caaisha says:

    Marka hore waxaan rabaa in aan u sheego walaalaheyga soomaaliyeed oo ku nool tuulada Forserum in aan aad uga xumahey arinka idinku dhacey. Awalbaan ka xumaa dabagalka iyo caytanka soomaalida lagu hayo, in leydin dhaxiyo oo leydin caayo ood natiinii u baxsanweydaan waa wax aan la aqbali karin. Arinkuna idinka kaligiin idinkuma dhicine soomaali oo dhan buu ku dhacey oo aad u xanuujinayaa dhibta adin soo gaartey. Soomaalidu waxay ku maahmaahdaa habar fadhida lagdan la fududaa. waxaad qaban karteen waad qabateen dagaal iyo dhibna wax fiican koley ma aha. Laakiin qof haduu kugu soo boodo oo rabo in uu ku dilo ama raba qooskaaga sida caruurtaada ninkaaga naagtaada, ama idinkoo isla socda léydin soo weeraro sharciga wadankaanaa qoraaya in aad naftaada iyo tan qoyskaagaba aad difaacdid laakiin adigu cid ha weerarin.
    Soomaalida halkaan isugu timid waxaan idinka codsanayaa in aan caawine walaalaheena soomaalidaa oo dhibtu heysato. maanta igaa dhibtu heysataa barina inagey ina heysataa. waxaa loo baahan yahay daganaansho. iyo si nabadi ku jidho in dhibta lagu xaliyo. waan in maasha aan tagno oo aan tusno dadka dagan tuuladaa in aysan walaalahayo aysan kaligood aheyn. in aan dhib suubino uma baahnin. just booqasho. sida dad badan halkan ku soo qoreenba ma aaminsani in cunsuriyada tuulada looga guuro. sababtooy ku tahay hadeey halkaa ku guuleystaan in ay dadka ka raraan waxay isku dayeyeen meelkasta in ay ka raraan soomaalida. intaan ka guuri laheyn waa in aan u guurnaa siiba raga dhalinyaradaa oo kaligooda si ay u caawiyaan caruurta iyo xaasaska. soomaali hadaan nahay tababar xoog laan qabnaa, aduunkii dhan aa naga qaliyey. ma daawateen filinkii mareykanku soomaaliya ka sameeyey Black Hawk Down. Kaluumeystayaasha puntland badaa laga mari waayey. war koonfurta amxaaro waa la ceyriyey, iyo wixii kaloo caro kale ka yimid. ilmahaan yaryarkaa ee dhagaxa tuuraya maxay soomaali ka yaqaaniin. wali waxaan idin leeyahay ha dagdagina. si waayeelnimo oo nabadi ku jidho wax ha lagu xaliyo. bal waxay dowladina ka qabato arinkaana aan aragno. banaan baxyo ha la sameeyo dulinimana yeynaa aqbalin.
    SOOMAALIYEEY TOOSOO TOOSOO ISKU TIIRSADA,EEY HADBA KIINA TAAGDARANEEY TAAGEERA WALIGIINEEY.

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0