Gudoomiyaha magaalada Katrineholm ee cunsuriga ah [Video]

Mayorka magaalada Katrineholm ayaa markale cadeeyay cunsuriyada uu ka aaminsanyahay Soomaalida mar uu wareysi siiyay telefishinka SVT.

Ninka lagu magacaabo Göran Dahlström oo ka tirsan xisbiga Social Demokraterna (S) ahna gudmooyiha degmada Katrineholm ayaa sheegay in aysan magaaladiisu xamili karin in dhowr boqol oo Soomaali ah ay timaado marka laga qaado xayiraada xaga socdaalka ah. Waxa uu dalbaday in dowladu ay bixiso lacagta ku baxaysa dadkaan cusub.

Warqad uu u qoray wasiirka isdhexgalka ayuu ku sheegay in uusan kamuunkiisu diyaar u ahayn in uu lacag ku bixiyo Soomaalida oo uu ku tilmaamay dad shaqo la’aan iyo barasho la’aan ah. Waxa uu intaas ku daray in uusan doonayn in uu lacagta canshuurta ee ay bixiyaan dadka Swedishka ah ee degan magaaladiisa ku quudiyo soo galootiga cusub, isagoo sheegay in taasi ay abuurayso cunsuriyad.

Mar la waydiiyay in isaga hadalkiisa loo fasiran karo cunsuriyad ayuu sheegay in ay dadku sida ay rabaan u fasiran karaan. Ma ahan markii ugu horeysay ee uu Göran Dahlström muujiyo in uusan doonayn in Soomaali ay timaado magaalada uu godoomiyaha ka yahay.

Arinta la yaabka leh ayaa ah in Xisbiga Social Demokraterna uu yahay xisbiga ay taageerada ugu badan siiyaan Soomaalidu, iyadoo siyaasada xisbigu ay tahay mid u wanaagsan soo galootiga.

Faafi mowduucaan

Jimcale

Asc ku soo dhawaada Somaliska.com. Waxaan rajaynayaa in aad ka faa'idaysateen mowduucaan isla markaana aad fikrado qiimo leh ku darsan doontaan. Xumaan, qabyaalad, aflagaado iyo arimaha siyaasada Somaliya waa ka manuuc halkaan. Fadlan aan iscaawino oo su'aalaha qofkii jawabaha haya dadka ha u faa'ideeyo. MAHADSANIDIIN!

Akhriso mowduucyo kale oo xiiso leh...

11 Responses

  1. Nimco says:

    Somalida wax rabto on ilahay ahayn majiro,nin iyo xaski layskukeeni yes or no ayay 1 yr kadodahayan.yabadanaa!

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

    • gundux says:

      Ma ahan cunsuri… marnaba ma ahan cunsuri… sababtoo ah hadii dad lakeeno fara badan degmada oo kommunalka wadanka uusan u qoodeeyn lacag waa dhibaato… so katherinholm ma keenin dadka , dadka waxa keeney waa dowlada dowadaana laga rabaa iney bajedka kamuunka siiso…teeda kale dad aan wada shaqeeyneyn oo guryaha fadhiya.. hmmm. marnaba cunsuri maahan ee dadka runtaa dhibta!! shyt

      U codee: Thumb up 3 Thumb down 2

  2. Nafiso macalin says:

    Hada waxan maqlay inay wadan qorsha ah hadi ninku xaskisa keno ma furi karo ilaa afar sano ama sadax sano,naagtana sido kale,bisinka.wa gumaysi cad,ayamahan sheekadaasay keenen,hadana kuwi aan lahayn somalida ayay jicelyihin miya san u hadli,xasbunallah

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

    • cadefidow says:

      asc abaayo nafiso hadii kuwii sida fudud gabdhaha kufurijiray laga celiyo maxaad u leedahay waa gumeesi inkastoo furiinku uukeeno asal in beenbeen lees dhahijiray waan kujeclahay waxeey ilatahay in jaceel qasab ah labaraayo soomaalida inkastoo soomaalida eeysan aqoon guurka dhabtaa macaanidiisa iyo raaxadiisa alaha baree aamiin
      asc dhamaan

      U codee: Thumb up 3 Thumb down 0

  3. hodan says:

    asc jimcaale walal waxan ku weydinayaa madama ay dhaheen waan bilabeyna howlaha wali ma bilabeen? mise

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  4. hassan says:

    asc lkin hadalkan cusurnimo maha bro ee waa siyaasad lkin hadlka nina si u yiri nina si u qaday lkin ninkan cunsuri maha ee dawlada ayaa laraba in hadalka lacag kommu laga qado %165 si ay u helaan

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  5. ifka says:

    jimcale walaal sodir nooh pinkarka waxan na horyala naga dhaqaji wan sodiraye waxana ku qoran hadii aad arki weydo waka mahadsanid

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  6. abdi says:

    aniga waxa la yabnahay somalida marka runta loo shego dadka yidhaa waa cunsuri aniga ilama aha ee somalida ayaa wax ka khaldan yihiin ee dib ha layskugu noqdo dad cashuurtay bixiyyaan ila lagu noladaa suurtagal ma noqonaysee ee waxaa leyay somali fadhiga ha ka kacdo oo wadanka horumarkisa qayb haka noqoto

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  7. xamdi says:

    asc walaalayaal kaas leeskuma ahayo in uu cunsuri yahjay ee
    umada muslimka ah welliba soomaalida alaha ka shar bixiyo
    kaasoo kalena alan ka magan galnay awalba ayadoo ula booc lagu kutu baayey ayuu hadana war keenay alaa deeqa bixiya gaal wax mabixin karo ,gaal oo dhana shartiisa alaan kamagan galnay

    U codee: Thumb up 1 Thumb down 0

  8. Abdukadir Dherkenleey says:

    Asc dhammaan bahda somaliska iyo walaalaha soomaaliyeed ee kutexenba uma arko hadalkaan mid cusub mana ahan dagmadiisa oo kaliya kuwa soomaalida kadoodaya ee dagmooyin badan ayaa kawalaacsan furida reeraha oo lafilayo ineey dagmooyinka ugu kici doonaan qarash xoog leh maadaama bulshada soomalaida lagu qiyaaso 85% ineeysan shaqeen ama haddii sikale loo dhigo eeysan canshuur bixin. Xisbiga S run ahaantii sayaadiisa marna lama dhacsaneeyn aniga waxaana uga wanaagsan siyaasada soo galootidga xisbiga M iyadoo tusaale loo qaadan karo furudii sharciga ee eey kudhaqaaqeen iyo iyagoo ugu dambeeyn ogolaaday mideeynta reeraha soomaalida. Soomaalida waxaan kala tilinaa xisbiga aa u aragtaan inuu dantiina wado siyasadiisana fur furantahay teegeera ee ha isku qofolina in Socialdemokraterna in xisbigiina yahay. Saan aan isku dhaanno oo wax hala barto dhallinyarada hala dadaalo inkastoo eey jirto cunsuriyad baaxad leh oo nagu foorarta!!!!

    U codee: Thumb up 1 Thumb down 0

  9. Maanka says:

    Walaalayaal fadhiga ka kaca oo shaqeysta cuuryaamiin ma tihiin ee fiiriya dadka dheelmanaayo boorso lee wadiin SFI aan u socdaa sidaas socon meyso ee wadanka halaga dhex muuqdo oo xoogiina iyo dhididkiina cuna waxna barta hadal macna daraa iyo is qabqabsi waa kan inta na keenay waxey noqotay kaliya inaan ka sheekeysano bisha dambe ceyr aan galaa iyo SFI ma dhameysay iyo naagti xunta eheyd aa xaqeygi ii diiday bishaan koronto kaama bixinaayo ey dhahday war hooy fadhiga ka kaca ee walaalayaallow aan wax qabsano ilmahana ha arkaano waalid ey ku deydaan ee kuwa isku heysto dhaqaale ama guriga iyo torget ka taagan lee yaanan ugu noqon ilmaha tusaale

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0