Gudoomiyaha SD oo sheegay in uu xal u hayo isdhexgalka

Gudoomiyaha xisbiga cunsuriga ah ee Sverige Demokraterna (SD)  ayaa mowduuc uu ku qoray wargeyska caanka ah ee Dagens Nyheter waxa uu ku sheegay in siyaasada dowlada ee ku aadan arimaha isdhexgalka ay fashilantay isla markaana xisbigiisa uu hayo xalka.

Gudoomiyaha SD Jimmie Åkesson oo lagu yaqaano in siyaasada xisbigiisa oo dhan ay ku dhisantahay naceybka soo galootiga ayaa marka uu sheegto in uu isagu xalka hayo ay tahay arin lagu qoslo. Xalka ugu horeeya  ee SD ayaa ah in la joojiyo qulqulka soo galootiga ee Sweden ay qaabisho.

Waxa uu sheegay in xalka labaad uu yahay in shaqo abuuris ay samaynayaan oo ay dhimayaan canshuuraha. Waxaa kale oo uu sheegay in wadanka uu mideynayo oo xisbigiisa uusan ogolaan doonin xaafadaha loogu yeero Muqdisho iyo Baghdad ee ku yaala Sweden. Isagoo sheegay in ay xooga saarayaan luuqada iyo in dadka soo galootiga ah ay qaataan dhaqanka Swedishka.

Åkesson ayaa sheegay in uu hagaajin doono iskuulada isagoo SFIga ku tilmaamay “xanaanada dadka waaweyn”. Dhinaca kale waxa uu sheegay in waxbarashada xirfadaha uu xooga saari doono.

Qorshayaasha SD ayaa u muuqda kuwa afka keliya ah maadaama la ogyahay in quluubtooda ay ka buuxdo soo galooti naceyb iyo Muslim naceyb. Haddii SD ay hogaanka u qaban lahaayeen Sweden ayaa la hubaa in ay wadanka ka musaafurin lahaayeen inta badan soo galootiga sida Muslimiinta, Yuhuuda, dadka madoow, carabka iyo dhamaan qofkasta oo aan Swedish ahayn.

Mowduucyada nuucaan ah ayuu Åkesson ku doonayaa in uu ku soo jiito shacabka Sweden, iyadoo isbuucyadii la soo dhaafay ay taageerada xisbigiisa aad kor ugu kacday.

Faafi mowduucaan

Jimcale

Asc ku soo dhawaada Somaliska.com. Waxaan rajaynayaa in aad ka faa'idaysateen mowduucaan isla markaana aad fikrado qiimo leh ku darsan doontaan. Xumaan, qabyaalad, aflagaado iyo arimaha siyaasada Somaliya waa ka manuuc halkaan. Fadlan aan iscaawino oo su'aalaha qofkii jawabaha haya dadka ha u faa'ideeyo. MAHADSANIDIIN!

Akhriso mowduucyo kale oo xiiso leh...

8 Responses

  1. Khadija says:

    HAHAHAHAH WAA WAX LAGU QOSLO INUU NIN AAMINSAN IN DADKA UU U KALA SOOCO SWEDISH IYO SOO GALOOTI UU HADANA SHEEGTO INUU XAL U HAYO ISDHEXGALKA IYO INUU WELIBA SHAQA ABUURI DOONO.
    SAAXIIB DOORASHADAAN HA FILAN IN SIDDII DOORASHADII HORE MAGACA XISBIGA SOCIALKA LAGUUGU QALDO OOD SAAS COD KU HESHID.
    DUNIDA WAA LAGA ILBAXAY CUNSIRIYADA AAD KU QAFIIFTEY OO MIDOW IYO ISFAHAM AYAA LOO GUUREY.

    U codee: Thumb up 4 Thumb down 0

  2. Ibraahim says:

    Anigu ninkan aad ayaan u taagersanahay, waayo wuxu dadka baraa wadaniyada, wuxuuna diidaa dad dalkoodii hagaajisan waayey in ay cunaan cashuurtooda oo weliba toban toban caruura ku dhalaan. Markaa walaalayaal dadka dalkooda aan u dayno ee keena aan hagaajisano, si odayayaasha iyo hooyooyinka soo tahriiba dalka ugu negaadaan

    Dood kulul. Ka Jawaab? Thumb up 6 Thumb down 6

  3. tleo: nacnacle says:

    asc ninka wata magaca ibraahim waa adiga nacnaclehe adiga maxaad tahey maxaase kaaga galay ilmaha la dhalo mise adiga ma dhaleys ah mida kale ma wadaninimaa nin aad u soo martidey in uu ku yiraahdo wadankayga inooga bax sxb waa la hadla looma hadlo ee isa sax

    U codee: Thumb up 2 Thumb down 3

  4. wad qaldantahay says:

    asc wan idin salamay dhaman inta kutixan bogga somaliska sln kadib wad qaldantahay nac nacle ninka labaxay wayo ibrahiim wukasax sanyahay sababtoo ah wadankadi adiga soqaribay markas ad ralikuthahay caasimad rag dhistay inad ulabaxdo qebkamid ah muqdisho war tada dhiso ee udaa ninkan iskushegay cunsuri wadankisa adigabo kada inu kugulanolado ma yeshene tankale markad ledahay mari ayan unahay xaged marti kunoqotay imisa sano ayad ayad kunoshahay sweden marti waa 3 haben sharci ahaan mara wadankada hagagso sxb cunsurigane wuu kasaxsanyhahay wayo adiga canshurtisa cuno thnks ibra

    Dood kulul. Ka Jawaab? Thumb up 3 Thumb down 5

  5. Gabadh Sool says:

    ASAC dhaman asxaabta webkan iyo jimcaale bacda salaan kagan nacnacle la baxay in aad aqoon yartay iyo inad da yartahan kala garnanaye Ibrahim hadal xig madaysanbuu ku hadlay ee dhuux hadalka waata labade waxaa layiri ninkad kabo ka tolanayso kabihiisaa la eega nin dhulkisii soo rogay meel kalna hagajin mayo wayna ku sax san yihiin cunsuriyiintu inagana waa inoodan oo hadii lyna eryo waxan ogan lahayn qiimaha wadankeenu leeyahay

    U codee: Thumb up 1 Thumb down 1

  6. Xusuusin says:

    Asc, walaalayaal cunsuriyadda meel fog ha ka eegina ee sidey idinla tahay marka qof walaalkaa ah uu soo jeediyo fikradiisa balse marki aad ku raaci laheyd ama si kale fikirkaada u soo jeedin laheyd, aad cay iyo aflagaado ugu jawaabtid.

    Taa miyeysan aheyn nooc cunsuriyadda ka mid ah.
    Xisbigaan waa xisbi siyaasaddiisa tahay xag jir dhanka midig ah waxa kaliya ee ay ku heleen codadkana waa nacaybka ajaanibta.
    Anaga waxaa nala gudboon inaan inta ay naga sii jeedaan wax barano, shaqeysano, qaladaadkeena saxno noqona dad waddanka martigeliyay dadka ku nool wax la qeybsada.
    Laakiin haddii aan isku mashquulno runtii xaqiiqda waxbo kama bedeli karno.

    U codee: Thumb up 2 Thumb down 0

  7. tTo: nacnacle says:

    SOMALIDA AYAA AH KUWA UGU CUNSURIYEYSAN ADUUNKA GABAR SOOL TAN LA BAXDEYNA WAXAN KU LEYAHEY ISMARJI ADIGA IYO KUWA KULA MIDKA AHBA OO MA DHALEYSKA AH

    U codee: Thumb up 1 Thumb down 0

  8. bashiir says:

    subxannallah waryaa ma niin leh nabi maxaamd wuxua laaha khaniis baad tageeraysaan??!! horta la yaab ma lahiidin oo wax uu ku hadlao ma daan arkiin lknse waalhi iyo bilaahaye in aad aduunka hal habeen u dayseen hadii aad argtaan wax uu ku hadlo ama aad is wanagsna u fahmaysaan!! xitaa gaar ahaan wuxua u naceb yahaya somalia oo wuxu ugu yeedha danyeerkii geeska africka!! diinta islamka wuu nacab yahaya!! takale dada waa waan baa u badan somaliida soo geesha dadankan sweden wuxu leeyahaya qof aan afka swedhashka aqooniin yaan sharciga ween la siinin!! niinka iska sheegaye wax baa ibraham aha waa dadka dabacarara cunsuriyiinta swedhan!! markaas ha la yaabiin walalao!!

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0