Guryaha Stockholm oo 8 sano la sugayo

8

Guryo la’aanta ka jirta magaalada Stockholm ayaa ah mid aad u liidata iyadoo hada shirkada qaabilsan stockholmguryaha ee lagu magacaabo Stockholms Stads Bostadsförmedling AB ay sheegtay in isku celcelis qofkii uu sugayo 8 sano inta uu guri ka helayo Stockholm.

Sanadkii la soo dhaafay ayaa liiska guryaha Stockholm waxaa iska diiwaan galiyay dad gaaraya 400,000 oo qof taasoo ah kor u kac ilaa 9% ah. Maria Nordlöf oo ka tirsan shirkada guryaha ayaa dadka doonaya in ay Stockholm degaan waxay kula talisay in ay guri ka raadsadaan duleedka magaalada sida xaafadaha  Huddinge, Upplands Väsby, Järfälla ama Botkyrka kuwaasoo xiliga sugitaanka uu isku celcelis yahay 6 sano.

Xaafada ugu safka dheer Stockholm ayaa noqotay Kungsholmen oo la sugayo ilaa 17 sano qofkii doonayo in uu halkaas guri ka kireysto. Guryo la’aanta ka jirta Stockholm ayaa keentay in dad badan oo shaqo ka heli lahaa magaalada aysan u suurto galin midaas maadaama aysan guri heli karin.

Arbetsförmedligen ayaa dadka kula taliya in ay u guuraan magaalooyinka waaweyn ee shaqooyinku ka jiraan balse guri la’aanta ayaa ah dhibaato aan xal loo hayn. Iyadoo ay guryo la’aantu jirto ayaa hadana sanadkii la soo dhaafay waxaa magaalada Stockholm laga dhisay 1,700 guri oo cusub keliya.

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here