Guryo la’aanta oo laga yaabo in ay dib u dhigto mideynta qoysaska Soomaalida

29

Kumanaanka Soomaalida ah ee la filayo in lala mideeyo reerahooda isbuucyada iyo bilaha soo socda ayaa laga cabsi qabaa in ay soo wajahdo dhibaato xaga guryaha ah.

Guryo la’aanta ka jirta magaalooyinka waaweyn ayaa xitaa laga cabsi qabaa in ay caqabad ku noqoto mideynta reeraha ama ay dib u dhigto mideyntooda. Magaalooyinka ay dhibaatada bahan ee guryaha ka jirto waxaa ka mid ah Växjö oo la filayo in ay yimaadaan 400 oo Soomaali ah balse aan u hayn wax guryo ah. Qaasatan xaafada Soomaalidu u badanyihiin ee Araby ayaa ah mid buux dhaaftay.

Kanuunka Växjö ayaa caawimaad weydiistay kamuunada yaryar ee dariska la ah balse iyaguna way iska diideen in ay qaabilaan Soomaalida maadaama aysan arkin wax faaiido ah oo ugu jira. Kamuunada Växjö dariska la ah sida Tingsryd, Lessebo och Alvesta ayaa dhamaantood muujiyay in aysan xiiso u hayn qaabilada Soomaalida inkastoo guryo ka banaanyihiin.

Dowlada ayaa lagu eedeeyay in aysan dooneyn in ay lacag ku bixiso qaabilida Soomaalida cusub sidii xiligii hore. Kamuunada ayaa diidan qaabilida Soomaalida maadaama ay qarash dheeri ah ku tahay magaalooyinka. Cabashada lacagta oo markii ugu horeysay uu soo jeediyay kamuunka Katrineholm ayaa muuqada hada in kamuuno kale ay ku soo biiriyaan eedeynta dowlada.

Si kastaba ha ahaatee, Soomaalida ayaa la filayaa in mideyntooda ay si rasmi ah u bilaabato bisha soo socota ee May balse guryaha ayaa laga yaabaa in ay dib u dhigaan. Kamuunka Växjö ayaa hada si ku meel gaar ah u diyaariyay guryo loogu tala galay Soomaalida.

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here