Ha hilmaamin in aad saacada badasho!

Sida ay la socdaan dadka ku nool Sweden, saacada dalka ayaa la badalaa 2 waqti iyadoo marna lagu daro 1 saac marna laga jaro. Habeenka Axada ugu dambeysa bisha Maarso ayaa 1 saac lagu daraa saacada Sweden, ayadoo saacada marka ay tahay 2:00pm is badalka la sameeyo oo laga dhigo 3:00pm.

Saacada ayaa laga jaraa Habeenka Axada ugu dambeysa ee bisha Oktobar taasoo ku beegan 26 Oktoobar 2014 ayadoo marka saacada ay tahay 3:00pm laga dhigi doono 2:00pm.

Arintaan ayaa aad muhiim ugu ah in ay ogaadaan dhamaan dadka ku nool Sweden iyadoo tani saameeyn wayn ku yeelanayso saacadaha shaqada, iskuulada , tareenada iyo dhamaan qaybaha nolosha.

Hadaba ha iloobin in aad saacadaada ka jarto 1 saac, haddii aadan horay u samayn. Kombuyuutarada iyo moobeelada casriga ah ayaa iskood isaga jara saacada.

Faafi mowduucaan

Jimcale

Asc ku soo dhawaada Somaliska.com. Waxaan rajaynayaa in aad ka faa'idaysateen mowduucaan isla markaana aad fikrado qiimo leh ku darsan doontaan. Xumaan, qabyaalad, aflagaado iyo arimaha siyaasada Somaliya waa ka manuuc halkaan. Fadlan aan iscaawino oo su'aalaha qofkii jawabaha haya dadka ha u faa'ideeyo. MAHADSANIDIIN!

Akhriso mowduucyo kale oo xiiso leh...

1 Response

  1. faarax says:

    Mardhow Waa xiligii sadaxda galabnimo habeenimo noqoneysay….caafimad ahaan uma fiicno winterka in saacada laga jaro.

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0