Ha hilmaamin in aad saacada badasho!

Sida ay la socdaan dadka ku nool Sweden, saacada dalka ayaa la badalaa 2 waqti ayadoo marna lagu daro 1 saac marna laga jaro. Habeenka Axada ugu dambeysa bisha Maarso ayaa 1 saac lagu daraa saacada Sweden, ayadoo saacada marka ay tahay 2:00pm is badalka la sameeyo oo laga dhigo 3:00pm. Saacada ayaa laga jaraa Habeenka Axada ugu dambeysa ee bisha Oktobar taasoo ku beegan 25, Oktoobar, 2015 ayadoo marka saacada ay tahay 3:00pm laga dhigi doono 2:00pm.

Arintaan ayaa aad muhiim ugu ah in ay ogaadaan dhamaan dadka ku nool Sweden ayadoo tani saameen wayn ku yeelanaysa saacadaha shaqada, iskuulada , tareenada iyo dhamaan qaybaha nolosha.

Hadaba ha iloobin in aad saacadaada ka jarto 1 saac, maalinta Axada ee bisha ku beegan tahay 25, October.  Kombuyuutarada iyo moobeelada casriga ah ayaa iskood isaga jari doona saacada.

 

Faafi mowduucaan

Jimcale

Asc ku soo dhawaada Somaliska.com. Waxaan rajaynayaa in aad ka faa'idaysateen mowduucaan isla markaana aad fikrado qiimo leh ku darsan doontaan. Xumaan, qabyaalad, aflagaado iyo arimaha siyaasada Somaliya waa ka manuuc halkaan. Fadlan aan iscaawino oo su'aalaha qofkii jawabaha haya dadka ha u faa'ideeyo. MAHADSANIDIIN!

Akhriso mowduucyo kale oo xiiso leh...

2 Responses

  1. faarax says:

    waa xiligii jahwareerka.

    U codee: Thumb up 1 Thumb down 0

  2. Amal says:

    Tack walaal

    U codee: Thumb up 2 Thumb down 0