Ha hilmaamin in aad saacada badasho!

Sida ay la socdaan dadka ku nool Sweden, saacada dalka ayaa la badalaa 2 waqti iyadoo marna lagu daro 1 saac marna laga jaro. Habeenka Axada ugu dambeysa bisha Maarso ayaa 1 saac lagu daraa saacada Sweden, ayadoo saacada marka ay tahay 2:00pm is badalka la sameeyo oo laga dhigo 3:00pm.

Saacada ayaa laga jaraa Habeenka Axada ugu dambeysa ee bisha Oktobar taasoo ku beegan 28 Oktoobar 2012 ayadoo marka saacada ay tahay 3:00pm laga dhigi doono 2:00pm.

Arintaan ayaa aad muhiim ugu ah in ay ogaadaan dhamaan dadka ku nool Sweden ayadoo tani saameeyn wayn ku yeelanayso saacadaha shaqada, iskuulada , tareenada iyo dhamaan qaybaha nolosha.

Hadaba ha iloobin in aad saacadaada ka jarto 1 saac, maalinta Axada ee bisha ku beegan tahay 28, Oktober. Kombuyuutarada ayaa iskood isaga jari doona saacada.

Faafi mowduucaan

Jimcale

Asc ku soo dhawaada Somaliska.com. Waxaan rajaynayaa in aad ka faa'idaysateen mowduucaan isla markaana aad fikrado qiimo leh ku darsan doontaan. Xumaan, qabyaalad, aflagaado iyo arimaha siyaasada Somaliya waa ka manuuc halkaan. Fadlan aan iscaawino oo su'aalaha qofkii jawabaha haya dadka ha u faa'ideeyo. MAHADSANIDIIN!

Akhriso mowduucyo kale oo xiiso leh...

8 Responses

  1. shankaron says:

    mahadsanid Jimcale

    U codee: Thumb up 2 Thumb down 0

  2. mohamud says:

    waa mahadsan tahay jimcaale waxaan kuugu hambalyeeynayaa sida aad macluumaadka loo baahan yahay bulshada ugu soo gudbiso.

    U codee: Thumb up 2 Thumb down 0

  3. dhilged says:

    wad mahadsantahay sxb jimcale waxan kuurajeya shaqadada iyo tabinta ad utabiso somalida kuhadasho afkasomaliga midad uwanagsan
    ood waxbadan kabadasho
    xog aruurin adkusameyso
    dhanka shaqo

    U codee: Thumb up 1 Thumb down 0

  4. aa heey says:

    ma lagu deraa mise waa laga jaraa ?

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  5. Abdullah says:

    SAAXIIB CIID WANAAGSAN MARKA HORE,KADIB ADIGA OO RAALI AH WAA 02.AM EE MAAHA PM.MAHADSANID

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  6. Huudheey says:

    waa mahadsantahay Jimcale

    U codee: Thumb up 1 Thumb down 0

  7. Raaqia says:

    tack så mycke jimcaale illaahaay haku xafido aamiin

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  8. maxamed bashiir says:

    dadka jooga afrika ayagana saameyn ayeey kuyeelaneysaa arintan sababtoo ah marki hore waxaan kutashanayay markaan hawada sweden soogalo inaan halsaac kajaro saacadii afrika aan ku isticmaalayay lkn hada labosaac waa inaankajaraa sow ma ahan by kkkkkk

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0