“Ha iloobin in aad saacada badasho”

Sida ay la socdaan dadka ku nool Sweden, saacada dalka ayaa la badalaa 2 waqti ayadoo marna lagu daro 1 saac marna laga jaro. Habeenka Axada ugu dambeysa bisha Maarso ayaa 1 saac lagu daraa saacada Sweden, ayadoo saacada marka ay tahay 2:00pm is badalka la sameeyo oo laga dhigo 3:00pm.

Saacada ayaa laga jaraa Habeenka Axada ugu dambeysa ee bisha Oktobar taasoo ku beegan 30,Oktoobar, 2011 ayadoo marka saacada ay tahay 3:00pm laga dhigi doono 2:00pm.

Arintaan ayaa aad muhiim ugu ah in ay ogaadaan dhamaan dadka ku nool Sweden ayadoo tani saameen wayn ku yeelanayso saacadaha shaqada, iskuulada , tareenada iyo dhamaan qaybaha nolosha.

Hadaba ha iloobin in aad saacadaada ka jarto 1 saac, maalinta Axada ee bisha ku beegan tahay 31, October.  Kombuyuutarada ayaa iskood isaga jari doona saacada.

Faafi mowduucaan

Jimcale

Asc ku soo dhawaada Somaliska.com. Waxaan rajaynayaa in aad ka faa'idaysateen mowduucaan isla markaana aad fikrado qiimo leh ku darsan doontaan. Xumaan, qabyaalad, aflagaado iyo arimaha siyaasada Somaliya waa ka manuuc halkaan. Fadlan aan iscaawino oo su'aalaha qofkii jawabaha haya dadka ha u faa'ideeyo. MAHADSANIDIIN!

Akhriso mowduucyo kale oo xiiso leh...

8 Responses

  1. Khadija says:

    Asc, waa ku mahadsan tahay Jimcaale xusuusinta aad nasoo xusuusisay saacada inaan jarno. Waxaa nagu dhici lahayd meel walba oo nalaga rabo inaan 1-saac dib u dhaca ka sameyno marka wax weyn ayay noo tahay inaad dib noo xusuusiso 1saac oo wax badan aan ku lumin karney. Maadama aan ka nimid wadan ay saacadiisu isbedelinba kkkkkkkkkkkk.
    Halkaas kasii wada waxqabadka bulshada walaalkiis.

    U codee: Thumb up 3 Thumb down 0

  2. mukhtar says:

    Mahadsanid jimcaale adiga iyo bahda somaliska runtii howla fiican waaye in lees xusuusiyo saacada waxaan hubaa in dad badani aysan lasocn laheen ‘Good jobb’

    U codee: Thumb up 1 Thumb down 0

  3. jiijo says:

    walaal wad ku mahadsan tahey laakiin axada bisha waa 30.taas xasuusnow.

    U codee: Thumb up 2 Thumb down 1

  4. Massago says:

    Jimcaale eboowboow
    saacada hadii lajaro macnaha waxaalaga dhigaa miyaa meeshi 24- timmar ka eheed 23 timm,, oo mugaas saa lagu helaa saacadaan maqan?

    U codee: Thumb up 1 Thumb down 0

  5. afgoye says:

    mahad sanid somaliska xusuusinta saacada waxaa kaloo usheegtaa in cimriga sidaas usocdo halagu dadaalo taqwada ilaaheey ilaaheey hana cafiyo aduun iyo aakhirabo

    U codee: Thumb up 2 Thumb down 0

  6. saf says:

    oo ani anoo laafiyoon tagi lahaa meeshi shaqadee 3saace meeshi 7,30 layga rabee

    U codee: Thumb up 1 Thumb down 0

  7. amaal says:

    waa ku mahadsanatahay walkeey jimcaale madama aad na xasuusisay in sacada la badalaayo

    U codee: Thumb up 1 Thumb down 0

  8. yasin says:

    somaliska waad mahadsan tihin tack tack

    U codee: Thumb up 1 Thumb down 0