Habar Swedish ah oo Soomaalida ku tilmaamtay dad dagaalka jecel

31

Haweenay lagu magacaabo Alena Novak oo dhaqtarad ah isla markaana ka tirsan xisbiga Moderaterna (M) ee magaalada Trollhättan ayay la soo daristay fadeexad ku saabsan Soomaalida, ka dib markii la shaaciyay e-mail ay u dirtay mid ka mid ah shaqaalaha caafimaadka. Haweeneydaan oo emailka u qortay kalkaaliso caafimaad iyada oo Soomaalida ka helaysa nuuca ay yihiin.

Soomaalidu waa dad dagaal jecel, oo luuqadooda ay u dhawaaqayso sidii qof ciid cunay. Waxay intaas ku dartay in Soomaalidu ay yihiin dad isku filan oo islawayni badan. Waxay intaas ku dartay in Trollhättan ay dhibaato la soo darsi doonto maadaama ay Soomaalidu ku soo bateen. Markii wax laga waydiiyay sababta ay u qortay emailkaan ayay ku sheegtay in ay la kulantay caruur badan oo Soomaali ah, ujeedada emailka uu ahaa warbixin oo keliya balse aysan ahayn cunsuriyad.

E-mailka oo markii hore ay u dirtay hal qof ayaa wada gaaray shaqaalaha, iyadoo hada iska casishay xubinimadii xisbiga moderaterna (M) kaasoo ay ka tirsanayd muddo dheer. Waxay sidoo kale xubin ka ahayd maamulka Dhaqanka iyo Damaashaadka ee magaalada Trollhättan.

Ma ahan markii ugu horeysay ee Soomaalida wax laga sheego, iyadoo Soomaalida Sweden ay noqdeen kuwo lagu tilmaamo waxkasta oo xun, isla markaana markasta tusaale loogu soo qaato fashilka siyaasada isdhexgalka ee Sweden.

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here