“Haddii ay ahaan lahayd caruurta Sweden”

15

“Xisbiga Miljöpartiet iyo dowladu waxay ku balan fureen caruurta ay saameeyeen dagaalada ee loo diiday waalidiintooda” sidaas waxaa qoray xildhibaanada ka tirsan baarlamaanka Sweden ee lagu magacaabo Christina Höj Larsen kana tirsan xisbiga Vänsterpartiet mar ay ka hadlaysay xaalada mideynta reeraha Soomaaliyeed.

Christina ayaa wargeyska Aftonbladet ku qortay mowduuc qiiro leh oo ay kaga hadashay arimo badan oo quseeya Soomaalida. “Ka soo qaad haddii adiga iyo caruurta layna kala fogeeyo, adigoo og in ay keligood yihiin cabsina ay ku jiraan. Ma ahan in aadan caruurta rabin in aad la joogto balse waxaa kuu diiday wadanka cusub ee aad timid. Xaaladaas ayay ku jiraan waalidiinta Soomaaliyeed ee Sweden ku nool” ayay qortay Christina.

Xildhibaanada ayaa mowduuca ku faahfaahisay sida ay ku timid dhibaatada haysata waalidiinta Soomaaliyed iyadoo ka warantay go,aankii ugu dambeeyay ee maxkamada Socdaalka ay soo saartay. Waxay is waydiisay sida wadan waqti dheer dagaal ka socday loo dulsaari karo shuruuda ah in qofkasta uu aqoonsigiisa cadeeyo?

Christina Höj Larsen ayaa sheegtay in xisbigeeda Vänsterpartiet ay dalbanayaan in sida ugu dhaqsiyaha badan ay ku soo bandhigaan xisbiga MP iyo Dowlada  xal ku aadan arintaan baarlamaanka Sweden ugu dambeyn bisha September. Waxa ay sheegtay in heshiiskii dowlada iyo xisbiga MP ay ku jirtay in arintaan xal loo helo balse ilaa hada aysan waxba dhicin.

Waxay sheegtay in xisbigeeda ay cadeynayaan in xuquuqda mideynta caruuta iyo waalidiintooda ay ka sareyso dhamaan shuruudaha kale sida cadeynta aqoonsiga. Christina ayaa sheegtay in hadalkii ahaa Soomaalida ayaa caruurta ka ganacsata ee uu sheegay Wasiirka Socdaalka Tobias Billström uusan sal lahayn oo xitaa ururada la dagaalama arintaas ay sheegeen in aysan waxba ka jirin.

Christina ayaa cadeysay in aan la sugi karin waqti dheer oo dowlada ay ka dalbaneysa in sida ugu dhaqsiyaha badan ay wax uga badasho sharciyada. Wax ka qatarsan ma jiraan in caruurtu ay ku noolaadaan waalidiin la’aan. Waa in shuruuda cadeynta aqoonsiga meesha laga saaraa ayay dalbatay.

Ugu dambeyntii ayay Christina ku soo gabangabaysay mowduuceeda in xisbiga Miljöpartiet iyo dowlada ay masuuliyad ka saarantahay xaalada 1500 oo ah caruurta Soomaaliyeed ee waalidkood loo diiday. Ma sidaas ayaa ku sameyn lahaydeen hadday ahaan lahaayeen caruur Swedish ah? ayay waydiisay.

Dhinaca kale Hanna Löfqvist oo xisbiga Vänsterpartiet u qaabilsan xaga saxaafada ayaa ii sheegtay in ay xareeyeen mooshin ku saabsan arintaan oo ay ku dalbanayaan in la mideeyo reeraha Soomaalida.

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here