Haddii ay UK ka baxdo Midowga Yurub saameyn intee le’eg ayay ku yeelan kartaa Soomaalida Sweden?

Shacabka UK ayaa isbuucaan u codeynaya in ay isaga baxaan Midowga Yurub iyo in kale, iyadoo afti-urintii u dambeysay ay muujinayso in laga yaabo in UK ay baxdo. Haddii taasi ay dhacdo ayay saameyn weyn ku yeelanaysa nidaamka isku socodka xorta ah ee u dhexeeya wadamdaa Yurub, iyadoo qaasatab ay ay adkaan doonto in dadka ka imaanaya wadamada kale ee Yurub sida Sweden in ay galaan UK.

Soomaali badan ayaa u guurtay UK marka ay baasaboorka Sweden qaataan, iyagoo qaar kale ay ku fikirayaan arintaas balse haddii UK ay ka baxdo EU-da ayay arintaasi aad u adkaan doontaa. Sidoo kale waxaa adkaan doona in xitaa booqasho lagu tago UK maadaama ay meesha ka baxayso xuquuqda isku socodka xorta ah ee shacabka Yurub.

Ma ahan dadka Yurub ku nool oo keliya kuwa dhibaatooyinka la soo darsi-doonaan balse dadka reer UK ayaa la filayaa in ay iyagana soo wajahaan dhibaatooyin badan oo xaga socdaalka, dhaqaalaha iyo siyaasada ah. Reer UK ayaa u baahan doona in ay Visa ku salaan 27-ka wadan ee ku haray Midowga Yurub haddii ay ka baxaan. Waxaa sidoo kale meesha ka bixi doonta xuquuqda suuqa xorta ah ee hadda ay shirkadaha UK ay ula ganacsan karaan wadamada kale ee Yurub.

Hadaba su’aashu waxay tahay yaa qasaarada ugu weyn ku qaba in UK ay ka baxdo Yurub? ma EU mise UK? Quburada siyaasda inta badan ayaa aaminsan in labada dhinac ay qasaare soo gaari doonto balse UK ay qasaarada ugu badan soo gaari doonto. Waxaa sidoo kale laga cabsi qabaa in wadamo kale ay ku daydaan UK, iyadoo Sweden xitaa la soo carab-qaaday in laga yaabo in ay EU-da ka baxdo haddii ingiriisku sidaa sameeyo.

Sidee u aragtaa in UK ay isaga baxdo Yurub?

Faafi mowduucaan

Jimcale

Asc ku soo dhawaada Somaliska.com. Waxaan rajaynayaa in aad ka faa'idaysateen mowduucaan isla markaana aad fikrado qiimo leh ku darsan doontaan. Xumaan, qabyaalad, aflagaado iyo arimaha siyaasada Somaliya waa ka manuuc halkaan. Fadlan aan iscaawino oo su'aalaha qofkii jawabaha haya dadka ha u faa'ideeyo. MAHADSANIDIIN!

Akhriso mowduucyo kale oo xiiso leh...

9 Responses

  1. waryaa says:

    Polishkii iyo yurubtii kale gaajada aheyd ayaa kusoo batay UK. Saas darteed ayaan umaleeyaa waxa kukalifay UK ineey kabaxdo yurub.

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  2. Miskiinka alburuuj dheregdoon says:

    waxa aan ahay 20 jir somali ah oo wadanka ku cusub waxa aan rabaa inaan helo caawimaad/warbixin marka ma jiraan cid somali cummunty ah oo iga caawin kadha wadanka iyo sida nolosha looga bilaabo wlhi kaamkii ayaan weli ku xirnahay wadankana cidna kama aqaani waan ku daalay ee igu caawiya hadaad ogtihiin meel aan ka helo warbixin

    Dood kulul. Ka Jawaab? Thumb up 7 Thumb down 3

    • Abdi says:

      Maskiinka Alburuuj
      Cinwaan laga heli karo meesha ku qor qofkii ku waacin karta iyaga kula soo xariiri doona insha alah

      U codee: Thumb up 1 Thumb down 0

    • Abdi says:

      Maskiinka Alburuuj
      Cinwaan laga heli karo meesha ku qor qofkii ku caawin karta iyaga kula soo xariiri doona insha alah

      U codee: Thumb up 1 Thumb down 0

  3. luul says:

    asc
    yurub qaxootiga ayey ku fashilantay sidaas darteed miyey britein u bexeysa
    hadiise yurub inteeda kale isku tiirsadaan waxaa qasaara qaba britein sababto ah hal wadan iyo 27 wadan waa kala qiima badan yihiin

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  4. Somali says:

    Miskiin Alburuuj marka hore anaga oo dhanbo massakiin aa nahay oo wadankaan Waxaa noolugu yaqaanaa flyktingar ama qaxooti ama soo galooti marke iskuwada Mid aa lawadayahay kii 20 ama 30 sano joogay ama kan 5 sano joogay Waxaa laga aabaa in laysdheeryahay dhalashade bes ah waxkale laysma dheero kan dhalashade haystane yurub dhexdeede wax KUMA dhaamo marke wal walke iska daa ee ilaaheey talasaaro wax kasto adaa fahmi doono inshaAlah

    U codee: Thumb up 3 Thumb down 0

  5. seraar says:

    isu socodka oo kaliya ayada oo aan ahayn waxay saameyn ku yeelanaysaa dhaqaalaha, shaqada,cilmibaarista, iyo wada shaqaynta teknolojiga maxaa yeelay uk dhaqaalaheda iyo cilmi baaristuba waxay aad igu tiirsan yihiin midowga yurub 350 £ ayay ku bixisaa uk isbuucwalba in ay ka sii mid ahaato eu lakin lacagtaas in u dhiganta ayaa uk ka soo gasha isbuuc walba eu dhanwalba marka hadii uk ka baxdo eu runtii waxaan qabaa aragti ah in uk ay tabi doonto ama ay u baahan doonta EU

    mahadsanidiin

    U codee: Thumb up 1 Thumb down 0

  6. Mohamed says:

    EU muddo sanado ah ayey dhisan tahay. Marka waxan isleeyahay waxa la garay waqtigi wadan walba dib u firin lahaa KU jiritanka EUda. Britian maku fa’ididoonta mise wey KU qasaaridoonta waa mid waqtiga oo noo kala sheegidoono balse aniga waxey ila tahay in EU KU weyneeso awood weyn haddi Britian iskaga baxdo EUda.

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  7. Miskiinka al buruuj walaal waad niyad fiican tahay sweden ama maanta soo gal ama 30 sano joog waa adag tahay inaad si qeexan u fahamtid wadanka dhinacyadiisa la xiriira ajnebiga iyo maxaa dan u ah waxaanse ogahay cida keliya ee faham macquula ka haysata sweden waa wiilasha ama gabdhaha ku dhashay adigu kaam ayaad ku jirtaa iska sabar tijaabi inaad luuqada maalinba dhowr erey baratid xitaa hadii wadanka lagaa tarxiilo luuqad la bartay qasaaro maaha iska ilaali khaansiirka sxbka xun balwada intaas hadaad ka bad baado waan hubaa suuqa wax barashada iyo kan shaqada iney kuu sahlanaan doonto ogow waxad timi meel isu tahay aabo hooyo sxb deris tol qaraabo wax walba markaa xooga saar meeshaad joogtid inaad adigu wax walba ka sameysan kartid dhinaca dacwada waa muhim sidaad u hadleysid muhim maaha waxaad ka hadleysid ha qaylin ha oynin jawaabta ha dheereyn faraha iyo ģacmaha ha taagtaagin laba qof wax haw kala sheegin khaasatan swedesh wada ah mid haduu negar ku dhaho mid kale hauga dacwoon waan afurayaa waxan ahay khabiir nolosha sweden dhibaato ka bacdi waad isoo waci kartaa 0735732580

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0