Haddii lacagi kaa lunto

1

Ka waran haddii lacagi kaa lunto? tusaale ahaan haddii ay kaa lunto lacag ku dhow 15,000kr sidee dareemi lahayd? habeenkaas ma aadan seexateen? ka waran haddii lacagta ay deyn ahayd, soo kama sii darna? Hadaba qisadaan waxay ku dhacday wiil dhalinyaro ah oo ku nool magaaladeena.

Lacagtii ayaa wiilka waxaa u helay mid ka mid ah shaqaalaha dukaanka LIDL oo xitaa isku dayay in uu soo waco balse aysan u suurto galin. Wiilka ayaa tagay dukaanka LIDL si uu isaga waydiiyo balse shaqaalahaas ayaa lacagtii gudoon siiyay wiilka ayadoo dhamaystiran. Hadaba maxaa la gudboon qofkaas lacagta ay ka luntay, sidee ugu mahadcelinayaa qofka daacada ah ee lacagtaada kuu ilaashay? Aad iyo aad ayay u yartahay waqtigaan la joogo in la helo qof sidaas u wanaagsan oo ilaahey ka cabsanaya ama haddii uusan Muslim ahayn bani’aadanimo ku jirto.

Dhaqanka caadiga ah waa in qofkaas aad siiso abaalgud tusaale ahaan in aad lacagta wax ka siiso ama hadiyad kale aad gudoonsiiso. Balse wiilka ay lacagta ka dhuntay intaas midna ma uusan sameyn, ma farxadii ayaa ka tanbadisay mise baqiilnimo ayaa gashay?

Muhiim ma ahan in aad qofka lacag ku abaal mariso balse waxaa muhiim ah in aad u muujiso mahadcelintaada.

Waa xasuusin oo keliya.

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here