Haku hungoobin Yurub oo naftaada haku haligin Tahrib

Waxaan filayaa in dhamaantiin aad maqasheed masiibada isbuucaan ka dhacay Jasiirada Lampedusa ee ka tirsan Talyaaniga lampedusahalkaasoo ay badda ku dhinteen in ka badan 300 qof oo tahriibayaal ah kuwaasoo tiro badan ay yihiin Soomaali. Tahriibayaashaan ayaa ka soo baxay Libya iyagoo ku soo jeeday qaarada Yurub.

Hadaba su’aashu waxay tahay: Ma tahay Yurub meel naftaada loo haligo? Ma u qalantaa tahriibka iyo qarashka kaaga baxaya? Jawaabta oo kooban ayaa ah MAYA. Xaqiiqaduna way ka sii adagtahay intaas. Kuwii hore halkaan u yimid oo kumanaan doolar soo bixiyay oo baddaha soo jeexay ayaa hada ka shalaayaya wadadii ay soo mareen iyo juhdigii ay ku soo bixiyeen. Dadkaas oo yimid xiligii ay xaalada Somalia ahayd mid kacsan. Maanta oo xaaladu isbedashay ayaa waxaa caqli xumo ah in dadkeenu ay wali ku sirmayaan xaqiiqada Yurub?

Xitaa haddii aad ka soo badbaado badda ama aad diyaarad ku soo gasho Yurub ayaa xaaladu waxay tahay in wadama Yurub ay go’aan ku gaareen in aysansi fudud ku qaabilin Soomaalida, taasoo ay sabab u tahay xaalada amaanka ee Somalia oo isbedashay. Qaar badan oo ka mid ah tahriibayaasha ayaa ku soo jeeda wadankaan Sweden balse waxaan ognahay in Sweden ay sanadkaan iyo sanadkii horeba ay go’aamisay in Somalia aysan ka jirin qatar guud oo qofkasta oo Soomaali ah sharci lagu siin karo.

Intaas waxaa dheer in wadankeenii uu hada ka roonyahay sidii hore. Labo isbuuc ka hor ayay ahayd markii Muqdisho booqasho ku tagay, runtiina aniga ayaaba doonaya in aan ku laabto iska dhaaf qof kale in aan kula taliyo in uu ka soo tago. Meel kaaga fiican ma jidho dhulkaaga hooyo. Ma ahan Muqdisho oo keliya balse xitaa qaar badan ayaa ka imaanaya Somaliland iyo Puntland kuwaas oo raadinaya nolol fiican. Xitaa haddii qofku uu Sweden sharci ka helo waxay ku qaadanaysaa muddo dheer inta uu shaqo ka heli karo ama uu wadanka dhex gali karo.

Hadaba walaalkeyga Soomaaliga ah ee ku riyoonaya in uu u soo tahriibo Yurub waxaan ku leeyahay, HAKU SOO LUG GO’IN OO NAFTAADA HAKU HALIGIN. Siyaasiyiinta iyo ganacsatada Soomaalidu waa in ay fursado u abuuraan dhalinyarada oo ay ka hor istaagaan in naftooda ay micno daro qatar ugu galiyaan baddaha iyaga oo uusan wax mustaqbal ah u oolin Yurub.

Intii geeriyootay allaha u naxariisto. Inta kalena Allaha soo hanuuniyo.

Faafi mowduucaan

Jimcale

Asc ku soo dhawaada Somaliska.com. Waxaan rajaynayaa in aad ka faa'idaysateen mowduucaan isla markaana aad fikrado qiimo leh ku darsan doontaan. Xumaan, qabyaalad, aflagaado iyo arimaha siyaasada Somaliya waa ka manuuc halkaan. Fadlan aan iscaawino oo su'aalaha qofkii jawabaha haya dadka ha u faa'ideeyo. MAHADSANIDIIN!

Akhriso mowduucyo kale oo xiiso leh...

11 Responses

  1. Dhabtii hadaan ku darsado ra,yigayga maqaalkaan uu qoray wariyaha haku hungoobin yiri run ahaantii waa arin sax ah markaan dhinac walba ka fiiryo yurub iyo dhulkeenii udgoonaa ee Soomaaliya nabada soo ifaysa soomaaliyeey aan ka wada shaqayno hadaan shaqo la,aan ama gaajo kasoo cararaysana lacagta aad naftaada ku haligayso shaqo ku abuuro umad badana jaanis hakaa hesho oo shaqaalo hakuu noqdaan waa caqliga saliimka ah kaas

    U codee: Thumb up 4 Thumb down 0

  2. Madka says:

    Hidden due to low comment rating. Click here to see.

    Fikrad aan lala dhicin Thumb up 0 Thumb down 6

  3. samsam says:

    asc waa arin sax ah walalkeyna hadalkiisa

    U codee: Thumb up 2 Thumb down 0

  4. luul says:

    inaalilaahi wa inna ileyha rajicuun alle ha u naxariisto dembigoda iyo keenaba alle ha dhaafo waa masiibo xoogan alle xagiisa ayey ha ahaatay wax badan ayaa soo maray meeshaas waana lagu dhima jiray lkin tanoo kale sama arkin mida kale dadka ma maqlaayaan hadii si kasta loogu sheego ilaa ey indha hooda ku arkaan dad badan oo waxaa jira wax ka maqan eysan jirin hadane jidka sii haya aniga wexey ila tahay masiibada dadkeena iyo dalkeena ku habsatay in ey qeyb ka tahay tahriibka sababtoo ab qof an wax heysan sooma tahriibi karo qofka so tahriibaya ugu yaraan waa heysta 5000 dolar qofkas hadii uu go aansado wadan kiisa wax waa ka sameysan kara ilaahey inta kale haka bad baadiyo

    U codee: Thumb up 3 Thumb down 0

  5. mohamed says:

    ilahay ha u naxariisto inti dhimatay inta ku fakareyso yurubna mel kale yurub uga fican ilahay wax haka siiyo

    U codee: Thumb up 4 Thumb down 0

  6. heeliyo says:

    JIMCAALE MARKA HORE ASC, WAXAAN DOONAYAA IN JICAALE IYO QOFKII SUAASHAN KA JAWAABI KARAYAA AY SOO JAWAABAAN, SUAASHU WAA SIDA TAN, TAHRIIBAYAASHU MARKA AY DALKA KASOO TAGAYAAN WAXAY NIYADA KU HAYAAN IN TALYANIGA MARKAY SOO GAADHAAN LABA MID AY NOQONAYSO AMA IN FARO LAGA QAADO AMA IN AY KA BAD BAADAAN FARHAAS OO KA BAXSADAAN SIDA AY UGA BAXSANAYAANA GARAN WAAYAY? TEEDA KALE WAXAY AAMISANYIHIIN TAHRIIBAYAASHU IN JARMALKU HADA SOMALIDA QAATO XATAA HADUU FARO LEEYAHAY OO LA QAABILAYO KII FARAHA KA BAXSADANA HADALKIISA TUUR, OO QAAR TAHRIIBAY AYAA DADKOODII UGU SHEEKEEYA FARAHAAN XABAG MARSANAY MARKII NALAGA QAADAYAY FARAH DEETO JERMALKA AYAA GURI NA DAJIYAY OO NA QAABILAY MARKAAS SI AAN U GAADHSIIYO UMADAN HUNGOOBI RABTA SOO IFTIMII SUAALAHAAS WALAAL WAXA KA JIRA ARIMAHAAS IYO SIDA XAAL YAHAY SI AAN UGU BAYAAMIYO KA WAXAAS AAN KU MAQLO, WAA ARIN DAD BADAN AAN KU BAD BAADIN KARO HA DHAYALSAN JIMCAALOW WAXAAD FIKIR KA HAYSO IYO WIXII FIKIR KA HAYABA.

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  7. Danar cadde says:

    Waa sax runtii

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  8. abdinur says:

    aniga ra yigayga haa jimcaalow waa tahay yurub meel qatar badan loo soo gali karo aniga laftayda waxan ka mid ahaa muhaajiriinti hore ee ka soo badbaaday jasiirada lambadusa ee cariga talyaaniga mudo dheer ayaan yurub sharcika radinayay meel aan salka dhigo 3 bilood ka hor ayaan wadankan sweden sharci ka helay waana shaqeeyaa alxamdulilahi marka waxan leyahay mu haajiriinto allah ha soo talo saarteen waayo xaga haday jogaan cidna uma maqna ceelna uma qodna

    U codee: Thumb up 3 Thumb down 2

  9. heeliyo says:

    ABDINUUR KAA LA LEEYAHAY MA DADKA AYAAD KU DHIIRI GALINAYSAA TAHRIIBKA MAAD KA SHEEKAYSID DHIBKA KUSOO ARAY IYO IN DABADA MACAL LAGAASOO WASAY INTAAD SHARCI IYO DAL AANAD LAHAYN KU BAAQAYSO IN LOOSOO TAHRIIBO, CIDNA UMA MAQNUU KU LEEYAHAY BAASTER BAASTER LOO WAAYAY WAAR ILAAHAY AYAA U MAQAN BADAWYAHOW JAREERKA AH,

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 3

  10. halgame says:

    Asc wax kale sheegi mahaayo ninka webkaan soo work

    waxaan ka codsan lahaay in sawirka U saaran iska badelo mahadsanidiin bye

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  11. yuusuf somali says:

    Asc dhamaan Asxaabta walaalayaal tahriib waa wax xun weliba aad u xun bal aan fiirino qasaaro iyo faa,iido keeba badan waxaa aad u badan qasaraha kaliya aniga waxaan eeda saarayaa dadka yurub joogo oo waxay tahay arkay hadana qof walaalkiis ah lacag u diraayo dhahaayo qatartaas soo mar marka walal dadka hala waaniyo yurub maxaa yaalo walaahi ihano aya taalo aniga markaan imaanayaay aabaheey baa i dhahay wiilkeegoo iska joog Qurbo waa ihaanee maxaa kaa maqan xaas iyo caruur ayaa alla ku siiyay iyo shaqo oo bishii 500 dollar baan qaadan jiray lkn markaan yurub imaaday waxa dhan aabaheey sheegaayay waa rumoobeen kadib markaan wax badan fiirshay waxaan go,aansaday inaan laabto hada alx lilaah wadankeegii baan joogaa waana shqaeestaa yurub waxay tahayna iyo dhalaalka beenta ahna waan arkay dadka waxaa waalayo hebel oo guri islaameed iyo jid ilaameed iyo baabuur islaameed isku soo sawiray walaalayaan si fiican ha looga hadlo dadkana ha looga waansho tahriibka

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0