Hambalyo Sweden! Waa Maalinta Qaranka

2

Maanta waa maalinta Qaranka Sweden (Sveriges nationaldag). Guud ahaan wadanka ayaa laga dhigayaa xaflado lagu maamuusayo maalintaan iyadoo soomaalida sweden ku dhaqan ay ka qeyb qaadanayaan. Baarlamaanka Sweden ayaa 2014  soo saaray sharci waajib ka dhigayaya in dadka qaatay dhalashada Sweden loo sameeyo xaflad soo dhaweyn ah.

Maalinta Qaranka Sweden ayaa si rasmi ah waxaa loo dhaqan galiyay sanadkii 1983 ka dib go’aan ka soo baxay baarlamaanka Sweden. Maalintaan ayaa waqtigaas ka hor waxaa loo yaqaanay Maalinta calanka Sweden (Svenska flaggans dag).

Dabaal daga maalintaan ayaa bilowday sanadkii 1916, iyadoo lagu maamuusayay doorashadii boqorkii Sweden Gustav Vasa sanadkii 1523, iyadoo tani loo arko aasaaskii Sweden.

Maalintaan ayaa la dhihi karaa waa maalinta xornimada Sweden maadaama lagu maamuuso sidoo kale markii Sweden ay ka baxday midnimadii loo yaqaanay Kalmarunionen waqtigaas oo Sweden ay hal wadan la ahayd Denmark iyo Norway.

Sanadkii 2005 ayaa Maalinta Qaranka Sweden si rasmi ah looga dhigay maalin fasax ah.

Hadaba Sweden iyo shacabkeeda waxaan leenahay Grattis Sverige på nationaldagen!!!

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here