Haween Soomaaliyeed oo maantey ku hor banaanbaxey irrida hore ee baarlamaanka Dalka Sweden

Afar haween soomaaliyeed ah ayaa maantey ku hor banaanbaxey iridda hore ee baarlamaanka Dalka Sweden. Haweenkaan oo ahaa haween iskood isku soo abaabuley ayaa waxey ka cabanayeen kala maqnaashaha iyaga iyo familadooda isu soo baxa oo socdey 11kii barqanimo saakey ilaa 1da duhurnimo ayaa waxey ku dhawaaqayeen ereyo ay ku codsanayaan in dib loola mideeyo qoysaskooda. Hadaba hooyo Xaliimo Cismaan Barqadle oo ah hooyo ay ka maqan yihiin dodobo caruur ah iyo aabahood kana mid aheyd haweenkii maantey sameeyey dibadbaxa ayaan waxaa ii suuro gashey inaan wareysi la yeesho waxa uuna u dhacay wareysigii sidan.

S: Maxey tahay Dhibaatada aad ka cabaneysiin?

J: Waxaan ka cabaneynaa Kala maqnaashaha innaga iyo qoysaskeena oo dhibaato badan nagu noqotey

S: In aad banaanbax ku hor sameyneysaan irrida hore ee baarlamaanka Dowlada sweden ma ka heysataan booliska wax oggolaansho ah?

J: Maya kama heysano sababtoo ah ma aha wax halmar dhacaya waxaan rabnaa inaan wadno isku soo baxeenaan aan ku cabaneyno ilaa inta aan kala midoobeyno reeraheena..

S: Wax ma iiga sheegi kartaa dhibaatada ku heysata?

J: Haa aad baan ugu xanuunsadey welwelka aan ka qaadey kala maqnaashaha aniga iyo familkeeyga ciyaalkeeygu wey ku dhibtoodeen magaalada Neyrobi ee dalka Kenya oo mar la iiga xirey xabsiga Dalka Kenya halkaas oo ay u joogeen dacwada leynka oo Safaarada Neyrobi uga socotey intaan la ii diidin ka dib markii la ii diidey ayaan Soomaaliya isaga celiyey waana ogtahay adigaba dhibaatada maantey ka jirta dalkeenii oo hada colaadihii ay ugu darsameen abaaro ba,an maadaama aan waayey hurdadii waxbarashadiina aysan maskaxdeydu galeyn ayaan waxaan go,aansadey maalin kasta oo sabti ah aan halkaan ku soo banaanbaxo fikirkaas oo aan isla qabno gabdhahaan walaaleheey si Dowlada Sweden ay u ogaato dhibaatada na heysata maantey ayaana bilowney waxaana ku nimid afar dumar ah oo kaliya.

S:Waxa aad degan tahay Stockholm sida aan ognahayna waxaa degen magaaladan dad aad u badan oo loo diidey caruurtoodii iyo kuwa aan ilmo isku dhalin balse ah xaasas is qabo oo iyagana la isku diidey dadkaas ma gaarsiiseen fikirkiina in aad si wada jira u banaanbaxdaan?

J: Haa Anniga iyo gabdhahaan oo aan aheyn isku fikir waxaan u sheegney arintaan dhamaan intaan naqaaney kuwaasoo u badnaa kuwa aan isla dhigano iskuulka waloow ay jiraan kuwo aan weli maqlin laakiin waxaa nasiib xumo ah kuwii aan gaarsiiney in ay ka xishoodaan iney muujiyaan dareenkooda waxaase aniga iyo gabdhahaan oo aan isku ra,yi nahay isku dhibaato tabaneyno naga go,an inaan sii wadno cabashadeena si kastoo aan ku gaarsiin karno Dowlada Sweden waxaan ognahay in arinkeena uu Dowlada u xayiranyahay.

S: Rajo intee Le,eg ayaa ka qabtaa in arinkan dadaalkiinaan wax looga bedelo?
J: Rajada alle lagama quusto laakiin arinteena wey iska dhagatireen Dowlada Sweden ayagoo arkaya dhibaatada naga heysata kala maqnaashaheena Haweeneey ila yeelatey daraad wareysi kana socotey mediyaha Sweden ayaa ii sheegtey in bisha soo socota septemper dhexdeeda baarlamaanku ka fariisan doono arinta soomaalida si kastoo ay tahayba aniga iyo intii igu fikir ahba waan dadaaleynaa mana ka fadhiisaneyno wax kastoo macquul noqon kara.

S: Maxaad ugu baaqi leheyd soomaalida degen Sweden?

J: Waxaan ka codsanayaa walaaleheena Soomaaliyeed ineysan nagu fiirsan hooyo kasta iyo aabo kasta wuu garan karaa marka ilmahoodii aysan la nooleeyn dhibaatada heysata waxaan dhihi lahaa ha nala soo banaanbexeen oo ha noo huraan waqtigooda qaaliga ah asbuucii hal maalin oo saacado yar aan isku soo baxno wax weyn maaha sabtidana ma aha maalin shaqo iyo iskoolba codsigaas waxaan u jeedinayaa walaaleheena la jooga ilmahooda hadii aad la qososhaan caruurtiina ogaada ilmaheena markaan telefonka kula hadalno oo ay na dhahaan hooyo ama aabe goormaa idiin imaaneeynaa ma dooneyna inaan kaligeen halkaan joogno inaan aad u ilmeyno walaalaha kale ee nala midka ah oo dhibka nala qabo balse ku murugooda guryahooda kaliya waxaan ayagana ka codsaneynaa in ay ficilka nala muujiyaan oo nala muujiyaan cabashadeena nala soo banaanbaxaan gurigaaga kaliya oo aad ku murugootid waxba soo kordhin meyso ficil ayaa loo baahan yahay si kastey ahaataba ILAAHEEY ayaan sugeynaa umadd muslim ah baan nahay in uu dhibka naga qaado waana iska dadaaleynaa wixii karaankeena ah.

Hadaba dhibaatadaan oo heysata soomaali badan hadii ay ahaan lahaayeen kuwo sugaya ilmahooda ,kuwo aan ilmo isku laheeyn balse ah xaasas is qaba iyo ilmo kaligood halkaan ku nool oo sugaya in lala mideeyo waalidkood intaba ayaan hadana waxaan muuqan dadaal badan oo ay ugu jiraan in arinkooda wax laga bedelo inkastoo haweenku ay uga firfircoon yihiin ragga sidii ay u heli lahaayeen familadooda waxaad arkeysaa mar walba haween la wareysanaayo oo muujinaayo dhibaatada ka heysata la midoobida familkeeda halka raggu aysan ka muuqan firfircoonida arinkaan.

Bishii marso 2010 ayeey ahayd markii uu dhaqan galey go,aankan ah in ay soomaalidu soo cadeeyaan jinsiyadooda taas oo noqotey caqabad aan ilaa hada xal loo heyn maadaama Dowlada Sweden aysan aqoonsaneyn passborka Soomaaliga ah.

W/D Fardowsa Sh Hassan Kuria

Faafi mowduucaan

Akhriso mowduucyo kale oo xiiso leh...

20 Responses

  1. Aden says:

    afar qof banaanbax ay sameeyeen runtii ma filayo in uu wax wayn badalo lkn oogu yaraan waxay muujinaysaa in aan wali lahilmaamin arintaas

    Dood kulul. Ka Jawaab? Thumb up 5 Thumb down 6

    • ahmed says:

      Hidden due to low comment rating. Click here to see.

      Fikrad aan lala dhicin Thumb up 0 Thumb down 6

  2. DHOOL says:

    MAsha allah walee waa gabdha aad u qiimo badan afartaas waxeey ka qali sanyihiin gumaan gun oo qof ,dowlada swedan dadka isku duuban wax weey u sheegi karaan lakiin dad ayagaba aan isku qanacsanen waa murugo kale walalheyga somaliyee hadaan habeen iyo malinba aan isla socono oo magaalo walba aan sida gabdhahaas aan mujino dareenkeena waxaan qabaa in dowlada swedan eey wax badali leheed ,ee gaca .OO AAN ISKU TASHO

    U codee: Thumb up 2 Thumb down 0

  3. Fardowsa K says:

    waxaan rajeynaayaa in sabtiyaasha dambe ay soo buuxsamaan dadka tani waa fikir fiican oo ku dayasho mudan oo ay noo bilaabeen gabhahan

    Fikrad lala dhacay Thumb up 12 Thumb down 0

  4. Dalnuurshe says:

    Hidden due to low comment rating. Click here to see.

    Fikrad aan lala dhicin Thumb up 0 Thumb down 7

  5. nasra says:

    waxan maqlay sheekoyin ay dadka somalida isla dhexmarayen oo ah in bisha 9. layisku keenayo wixii kala maqnaa walalo arintas wax maqlay maleedihiin? ???maxaaseka jira hadaad ogtihiin

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  6. Fardowsa K says:

    Nasra bisha sagaalaad waa laga hadli doonaa iinsha Allaah arinta familada kala maqan sidaan maqalney laakiin waa la isku keenaayaa lama dhihin waa warkii soomaalida waa laga yaabaa markaas in Ilaaheey nooga soo qaado

    U codee: Thumb up 4 Thumb down 0

  7. Ahmed says:

    Jimcale arintu ma waxay ku xirantahy barlamanka mise lanta socdaalka

    U codee: Thumb up 1 Thumb down 2

  8. Jimcale says:

    Dalnuurshe iyo Ahmed…haa arinta waxay u baahantahay in sharciga wax laga badalo taasoo uu sameyn karo baarlamaanka. Dowlada qaasatan wasaarada socdaalka waxaan maqlay in ay sameyn karaan xal ku meel gaar ah balse taas ma doonayaan in ay sameeyaan. Marka arinta baarlamaanka ayay u taalaa.

    Laanta Socdaalka iyo Maxkamadaha Socdaalka midkoodna awood uma leh in ay arintaan xaliyaan.

    U codee: Thumb up 2 Thumb down 0

  9. omar says:

    asc dhamaan wallaalaheyga somaliyeedow meel walboo dunida ka joogtaan masha allaah waa arin runtii farxadgelineysa qof walba oo ay kala maqan yihiin qoyskooda waxeyna ka soo fushey fikradaan maskax runtii fiyow waana idinku taageersanahey illaah baa go aanka iyo rajada ka sugeynaa anagana waxa nalaga doonayaa inaan dadaal la nimaano illaahna waxan ka rajeynaa in amuuraheena noo fududeeyo waxan uga guuleysan karnaa anagoo gacmaha is qabsana una muujina bulshada ajaanibka iyo dowladuba inaan nahey dad dhaqan wadaagiyo wada dhalasho ay ka dhexeyso wax walba aduunkaan wad ku arkeysa cimrigaada oo dheeraado geel dhalaa aas ku tusaa aa la dhahey micnaha weligey kuma fikirin inaan dalkeyga maalin aan ka tegi doono oo aan dal shisheeye qaxooti ku ahaan doono weligey kuma fikirin inaan aniga iyo qoyskeyga aan mudo dheer kala maqnaano balse rabiga agtiisa waxba kama aha inan dib u midowno ama ha ahaato wadankeenii ama halka aan hada joogo wad mahadsan tihiin

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  10. said says:

    Asc wr wb
    Dumarka somaliyeed waxaan leeyahay aad iyo aad bay u mahadsan yihiin inshaa allah sabtiya soo socda raggoow waa inaan ka qaybgalnaa bannaanbaxaas oo aanan ku fiirsan dumarka kaliya teeda kale dhammaanteen ilaahay ha noo soo fududeeyo qoysaska naga maqan waxaana naftayda iyo tiinaba ku waanin lahaa inaan kaalmaysano samirka iyo salaada.

    U codee: Thumb up 3 Thumb down 0

  11. Madina Cumar says:

    A.S.C. waaw waa wax loo baahanyahay inaan is muujino haday aragto Dowladda

    inaan isku duubanaha waxaa laga yaabaa iney isbedel sameeyaa Barlamaanka iyo

    Xisbiga hadda taladahaayo waxaana ilaah ka baryrynaa inow noo soo cabiidsho

    ilma heenane alle nooga soo qaado inshaa Allaah

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  12. ramla says:

    waa mahadsanyihiin gabdhaheeyna soomaliyeed walayaal aan sii laba jibaarno banaanbaxa aanku dayano gabdhaheeyna qaaligaa alaah qeer hasiiyee tan labaad waxanka yabanahay iyaga nimanka familo kama maqno miyaaaaaaa? wadan walbo hooyo uunba gubata alaah hano fududeeyo inaan la midoowno familkeena insha alaah

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  13. ramla says:

    walal jimcaale waxan kuweydinayaa sax miyaa inlaga hadlaayo bisha sagalaad arimaha familada kala maqan hadii aay jirto arintaas waa waqtigee bisha sagalaad yacni malintee waaye mahadsanid

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 1

  14. Abdulkadir says:

    Asc waxan salaamaya dhaman umada somaliyed ee dagan sweden marka xigta arinka kala maqnasha walidka iyo cayalkooda waa arin siyaasad dhax galay oo ay xisbiyada qaarkod isku haystan waliba xisbiga Mp aa xooga ku saraya dowlada inay wax ka qabato hishishka ay wada galeen caawa xataa tv4 walagu soo qatay ayado waliba uu ka hadlayo nin la dhaho Mikael Ribbenvik rättschef migrationsverkets waxana hadalkisa ahaa waa waxan macquul ahen go aan somaliada ee mudada dher qaatay tasna waxay kuu cadaynaysaa in go aanka looga fadhiyo inay badalan dowlada ayadoo malin dhawed uu asna ka hadlay wasirka socdalka Tobias dhahayna jawabtisa waxan keenaynaa xal waliba ay wariyaha ku celisay gormee uu asna ku jawabay hadal qabsiga siyasiga oo ah kuma oran karo waqtisa laki xal waa imanaa. mida kale aan aniga ku darsanyo anoo siyasi ah hadii somaliedana ay donayan inay bananbaxan haku adan maalinta furitanka barlamanka malintas ay jogaan dhaman xilibanada wasiirada iyo waliba boqorka iyo familkiisa waliba borarka halagu qoro ma iska gurnaa sweden oo ma adnaa yurubta kale . iwm waana fikirkayga inkastoo alaah xalka haayo markasta bye waa walalkiina Abdulkadir

    U codee: Thumb up 1 Thumb down 0

  15. Gentleman says:

    Asc jimcale cawa arintan tv4 maxa kaaga baxay, arinta maxay kula tahay in xal lo wayay arintan qoysas. Mise wa la isku kayn dhib dhib yan. As

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  16. Mbashiir says:

    Waxaan qabaa in la’iska daayo banaan baxa iyo calaacalka oo ama wadanka lajoogo oo laga shaqeysto oo lasoo aado ilmahad iyo sayga/afada xiliga fasaxyada. Taas marka aan leeyahey waxaan hayaa xaqiiq ah Sweden ineysan rabin dad danbe oo qaxooti ah ama Somali ah. Aniga shaqsiyan ayaa la’igu yiri hadii aad somali tihiin 3maado daraadood ayaan la’idiin caawin karin.
    1. Mashaqeysataan badankiin
    2. Dadka madhex gashaan, dhaqan, diin iyo guur midna
    3. 30 Sano kuwiinii joogey wali waxey leeyihiin Somali ayaan nahey oo manoqotaan swedish
    Hadaba waxaan qabaa calaacalka inta la’iska daayo inta wadankeenu hagaagayo oo 3da arimood oo nalaku eedeeyey aan kula soo laabaneyno dalkeenii hooyo in meesha bariiska caruurta laga raadiyo kadibna la’iskaga soo cararo.
    Wabillahi towfiiq Ilaahey hanala jiro.

    U codee: Thumb up 1 Thumb down 1

  17. samsam says:

    asc walaha somaliyeed melkastood jogtan hota marka hore illaah aya labaryaa isaga awood badan qani ah ee aan barino indalkena nabad alle nogadhigo anagoo qalbi nadiif ah ilaah ogyahay raga casawa jalaa kubaryeyno waad ujeedan in qurbuhu aad udhibadan yahay ilmahenana aanu xitaa aad ucanan karin hadiilakeeno xitaa waxa lagayaba in aan isdhahno maalin maalmaha kamid ah aloow maxad ukentay aanu ku calan calno marka mar waliba waxad alle ku barinaa in wadan kena ilaah noo keni nabad iyo caafimad lkn waanaga jiran yahaye oocudur aya naga haayee aniga waxan dhihi lahaa in an calool fiyow aan dalkena ugu ducenaa dhar aan dhar kaa ehen iyo wadan aan nananleheen yanan ku hamin mar walibee dalkiina udduceeya in cudurka alle kawarejiyo insha alllaah rejada illaah lagama quusto ee allee aan barino aniga wexey ila tahay in aan wadooyin ka ku qeyqeylino in eysan wax no kordhi neyn ee alle aan barino isagaa deeqda bixiyee waxkastane xagiisa ayey jiraan kana yimaadan war waad ujedaan ceyrta ineysan 28 dhaafin kuna egtahaye miyaanad dareemeeyn somaaliyeey

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  18. ibrahim says:

    marka mudaharad la sameysnayo waa in nidaam iyo ogaansho la haystaa hase yeeshee arintan ay haweenku sameeyeen waxaan u arkaa mid sax ah maxaa yeelay dawlada sweden uma dhaqmeyso sidii dawlad dimogradi ah oo wax xeeriney;sa dadkana dhibkiisana dan kale halkaa ka wada ilaa dawlad ay ka noqoneyso sweden sharciga baniaadamka iyo xuquuqda jabineyeyn shaqo ka dhigta mudaharaad nabadeed ,hadii kale wey idinku adkaan doontaa in labo isu timaado waa hadii aad fawdo sameysaan.

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  19. mahamed Aadan says:

    A S C waa muhiim in arinkaa lagahadlo oo lamuujiyo dareen dawlada sweden waxaan kacodsanaynaa in naloo fudaydiyo oo naloosoo qaado qoysaskeena makala noolaankarno aniga waxaan ahay Aabe kunool sweden qoyskiisana ku nool Addis Ababa markaa walaalahay somaliyeed waxaan idinka codsanayaa meelkasta ood joogtaan ee sweden kakaca fadhiga oo yaan laseexan ilaa naloo keenayo Qoyskeena Insha ,Allaah way inoo imanayaan waqtigii Alle Qoro intaa ayaan ku darsaday aniga Sidaa nabad galyo Byyyyyyyyyyyyyyyyyy

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0