Haweenay ilmaheeda ku dishay kitaabka Quraanka

26

Haweenay Muslim ah oo wiil ay dhashay oo 5 bilood jir ah ku dishay kitaabka Quraanka, ayaa la soo taagay maxkamad ku taala magaalada Halmstad. Haweeneydaan ayaa la sheegay in bishii July ee sanadkaan ay wiilkeeda afka iyo sanka uga dabooshay Quraanka ka dibna uu sidaas ku geeriyooday.

Haweeneyda ayaa maxkamada u sheegtay in aysan doonayn in ay disho wiilkeeda balse ay doonaysay in ay badbaadiso. Ninkeeda ayaa sheegay in maalintaas ay xaaskiisa shaqada ku soo booqatay oo ay u sheegtay in aysan wanaagsanayn caafimaadkeeda. Waxa uu u sheegay in ay guriga ku sheegeysan doonaan oo ay Quraanka sii akhrisato. Sida uu qoray wargeyska Aftonbladet.

Ninkeeda ayaa markii uu guriga yimid waxa uu la kulmay ilmaha yar oo mayd ah oo dhaawacyo badan ku yaalaan. Haweenayda ayaa la sheegay in Quraanka ay afka iyo sanka uga dabooshay ilmaha yar. Haweeneyda ayaa qiratay dilka ilmaheeda iyadoo sheegtay in ay aragtay sawiro, waxay sheegtay in wiilkeeda uu la soo baxay geeso iyo madax nin weyn…waa sida ay hadalka u dhigtay.

Qareenka u doodaya haweenayda ayaa sheegay in aysan fiyoobayn oo madaxa looga jiro. Dhaqaatiirta ayaa xaqiijiyay in haweeneydaan aysan ku sugnayn xaalad caadi ah markii ay dilka geystay. Waxaa la sheegay in ay qabtay xanuuno ka dambeeya umusha.

Haweeneyda ayaa hada lagu hawaa xabsiga dadka waalan. Markii maxkamada la soo taagay ayaa ninkeeda oo ilmaynaya waxa uu sheegay in xaaskiisu ay ahayd raaliyo hooyo fiican ah. Waxa uu dalbaday in la caawiyo.

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here