Haweenay Muslim ah oo uurleh oo la weeraray

5

Habeenkii sabtida ayaa gabar Muslim ah oo Xijaab xiran isla markaana xaamilo ah lagu weeraray xaafada Farsta ee ka tirsan Stockholm. Gabadha muslimMuslimada ah ayaa nin weerar ku qaaday isagoo madaxa ugu garaacay baabuur ilaa ay ka suuxday. Dhacdada ayaa booliska la gaarsiiyay iyadoo gabadha ay sheegtay in fal naceyb diimeed ah lagula kacay.

Gabadha ayaa hospitaalka loo qaaday iyadoo markii ay soo naaxday jahwareer la soo toostay. Booliska ayaa sheegay in aysan wali cidna soo xirin isla markaana aysan ilaa hada qof ay ka shakinayeen uusan jirin.

“Ninka dambiga geystay ma ahan mid boolisku horay u yaqaaneen, mana jirto cid aan ilaa hada soo qabanay” ayay tiri Jenny AlgÃ¥rd oo ka tirsan saldhiga Booliska.

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here