Haweenay Soomaali ah oo Muslimiinta been ka sheegtay kuna ceeboowday Facebook

12

Ma xasuusataan haweenayda lagu magacaabo Mona Walter? Waa haweenay Soomaali ah oo ku nool Sweden taasoo ka baxday diinta Islaamka ka dibna shaqo ka dhigatay aflagaadada iyo been abuurista Islaamka iyo Muslimiinta. Haweenaydaan oo si joogto ah Facebook ugu soo qorta hadalo ka dhan ah Muslimiinta ku nool Sweden, ayaa ceeb ka raacday hadalkii ugu dambeeyay ee ay ugu talagashay akhristayaasheeda u badan Swedishka ee ay beenta ka habto.

Fariin ay ku soo qortay Facebook ayay ku sheegtay in maadaama ay horey Muslim u ahaan jidhay ay soo ogaaday xog muhiimah, taasoo ku saabsan in Muslimiinta ku nool Göteborg ay u dabaaldageen weeraradii ka dhacay Franciiska iyagoo dhigtay xaflado, kuwaasoo xitaa lagu marti qaaday Swedishka. Waxay intaas ku dartay in xaflada aan loo sheegin dadka yimid ujeedkeeda balse sababta loo dhigay xaflada ay ahayd in lagu dabaaldaggo weerarkii ka dhacay France.

Xafladaha ay ka halayso ayaa ah kuwo loo dhigay mowdliidka. Iyadoo ragga soo abaabulay barnaamijka mowliidka ay qaasatan marti qaadeen Swedishka.

Jawaabaha ay ka heshay dadka akhrista fariinteeda ayaa ah kuwo wajigabax ah, iyadoo qaarbadan ay ugu baaqeen in ay beenta iska dhaafto, oo aysan u moodin in Swedishku ay yihiin dad aan waxba garanayn. Marka aad akhriso hadalka haweenaydaan ayaad isleedahay ma iyada oo cabsan ayay sheekooyinkaan ku riyootay, ileen hadalada nuucaan ah wax macquul ah oo dad lala hor imaan karo ma ahane.

Naceybka ay Islaamka, Soomaalida iyo Muslimiinta u qabto haweenaydaan ayaa gaarsiiyay in ay noqoto qofkii ugu horeeyay ee Soomaali ah ee ku biira xisbiga cunsuriga ah ee Sverigedemokraterna (SD). Iyadoo halkaasi u dhoolo cadeynaysa, oo iska dhaadhicisay in ay jecelyihiin balse waxay moogtahay in cunsuriyiintu aysan iyada iyo Soomaaliga Muslimka ah kala jeclayn.

Balse adigu akhriso oo ila arag.

walter

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here