Haweeneey loo xiray gudniin ay samaysay

Booliska magaalada Eksjö ayaa xabsiga dhigay haweenay gudniin ku samaysay 2 wiil. Gudniinka oo la sameeyay maalintii axadagudniin ayaa waxaa booliska wacay dadka dariska ah ka dib markii ay maqleen qaylada wiilasha. Booliska ayaa xabsiga dhigay haweeneyda ka dib markii lagu eedeeyay in ay samaysay gudniin sharci daro ah.

Sharciga Sweden u yaala ayaa qoraya in gudniinka wiilasha la samayn karo haddii dhaqtar uu xaadir ku yahay goobta lagu samaynayo gudniinka oo keliya. Haweeneyda la xiray oo 36 sano jir ah ayaa la sheegay in ay ka midtahay qaraabada wiilasha.

Gudniinka wiilasha ayaa waxaa sameeya Muslimiinta iyo Yuhuuda, iyadoo sanadkii la soo dhaafay Sweden lagu guday 3000kun oo wiil. Gudniinka gabdhaha ayaa guud ahaan mamnuuc ka ah Sweden iyadoo qofkii lagu qabto xabsi ku galayo.

Faafi mowduucaan

Jimcale

Asc ku soo dhawaada Somaliska.com. Waxaan rajaynayaa in aad ka faa'idaysateen mowduucaan isla markaana aad fikrado qiimo leh ku darsan doontaan. Xumaan, qabyaalad, aflagaado iyo arimaha siyaasada Somaliya waa ka manuuc halkaan. Fadlan aan iscaawino oo su'aalaha qofkii jawabaha haya dadka ha u faa'ideeyo. MAHADSANIDIIN!

Akhriso mowduucyo kale oo xiiso leh...

5 Responses

  1. Madka says:

    Asc aqayaarta sharafta leh maxaa ka soo kordhay arinkii 2 sano gabadhii maalin dhoweeed laheed ninkega isniinta balansan safara maxaa kaaga soo baxay walaasheeda noo soo jawaab

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 2

  2. Ex_hanad says:

    asc madka gabdha ana lahadlay waxna lasiyay apil marka xaladu waa sidaa ilahay ha la talo saarto qofkasta wixi uqoran wayi maayo isha allaah asc

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  3. xussen says:

    asc wsm marka hure alaha caafimayo wiilka lagoday waalidkane alaha usaqiro xabsiga midakale soomalida waxa eeyna sifiican eeysan warbixin fiican eeyna ka aqoon tastoorka wadanka swedan iyo dhaqanka eey kudhaqmaan dadka soomaaliyeed oo aqoon tooda liidato iyo qadanka soomaalida oo ah mid aad u adag waxa kadhalanaayo wax yaaba badhan oo eey kudhaqmaan somaliada iyo dhaqanka swedhan ayaa kala duwan waxa looga bixikaraa dhibaatadaas ina lasameeyo ruwaayado kahadlayo labada dhaqan ookala duwan markaasne laga soodaayo tiiviiyada ladaawado waalidka ku guday gurigiisa cuniga hadoow ogyahay dhinka kasoogaarayo ficilkaas masameeylahaay waama cidne marabto ina eey kugasho xabsi sifudod lagana yaabo ina layiraado maqaadikartit masooliya caroorta waxaa soodhan waxa osabab ah aqoon daro ayaan ufilayaa soomaalida iyo isdhaxgalka la aanda midka joogay 20 sano iyo kan shalay yimid waa iskomid xaga bolshada ama ina lasameesto saaxiibo kaacaawiyo waxad ubaahantahay shaqada ama arimaha bulsha waxa lago leeyahay weeydiiso haanleeygarka ama ma ma arkeeysid ina aad lasheekeysato kii joogay wadanka 20 sano waayoo waxa oowkumashqoolsanyahay danahiisa taasi waxa eey dhashay sidaan ina eey ugalaan qaladad badan kadibne marka laxiro oow waago kubaryo hadaan qaldamay iga raali ahow masoool waxa iga keenay marka aan maqlo soomaali laxiray ayaan iskunaxaa

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  4. Amina says:

    Asc taas waxa og saqiirka shalaydhashay waxan umalynaya waxay bakhayleen lacagta dhakhtarka waxa layiri bakhaly maraten khasaar qofkastay oo yimada yurub marku qato sharciga waxa mudo loo, akhriyaaa shuruuc da wadanka marka aniga madhahayo waxa haysa aqonla, aan by

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 1

  5. ayaanle.... says:

    asc kadib salaan runtii arinta gudninka wilka waa mid layaableh ,,waxaase haboon inan wax fahano walow aya jiraan qayb naga mida oo waxbadan fahansan.. waxaa aniga la kulmaya arin ka dhacaday magaalo kamida magaaloyinka wadanka swedan wiil 9 jira ayaa loosheegay in lagudayo faker dheer iyo murugo ayuu galaya ,macalimada skolka ayaa fahantay kadib ayaa lawareystay waxa uu usheegay inuu kufaraxsanayan gudniinka kana baqaayo xanuun ,,intas kadin ayaa qoloyinka caruurta xaquuqdooda qabilsan lawara geliyay,, walidkii aya balameen waxaan loosheegay inay guri karin wiilka ilaa amardanbe… fasaxii sammmarka ayaa dhamaaday intii lagu jiraya sugitaanka sanadkii 10 ka ayaa buxsamay sammarkii ku xigay ayaa reerki laguwarageliyaya inta wiilka ogolaasho laga helaayo inan la gudikarin,,, sanadkii 11 ayaa wiilki loowadaya suuriya kadibna lagusoo guday
    maraka ilamah intay yarayihiin ayaa fiican in lagudo,,, markaas ayaga wanagsan taqaatiir badan ayaa gudniinka kushaqeesta wadankaa ,,oo ogolaasho kahaysto dowlada swedan,,,,,,,,waxaasa qalada in guri wax lagu gudo oo aan sharci loohayanin

    U codee: Thumb up 1 Thumb down 1