Haweeney iswiidhish ah oo dacwad loogu soo oogay soomali ay u soo waday Iswiidhan

1

Haweeney dhalinyaro ah oo u dhalatay dalkaan Iswiidhan ayaa booliska dalka Deenmark gacanta ku dhigeen xilli ay si sharci darro ah ugu soo waday dalka Iswiidhan.

Wargeyska ka soo baxa dalkaasi Deenmark ee Extrbladet ayaa cadadkiisii soo baxay shalay qoray in booliska xudduudaha koontoroola ay tareen ka yimid Jarmalka baaritaan ku hayeen ku arkay wiil soomaali ah oo dhinac fadhiyey gabadha  reer Sweden.

Wiilkan oo laga shakiyey ayaa gabadhii ay is dhinac fadhiyeen u sheegtay booliska in aqoon dheer ka  dhaxeeyso iskuna barteen dalka Jarmalka islamarkaasina ay isla socdaan, hase ahaatee baaritaan ay boolisku sameeyeen ayaa lugu ogaaday in wiilkaasi yahay wiil ka tirsan dalkaasi. Booliska ayaa sheegay wargeyska wiilkaasi safarkiisu ahaa inuu iska dhiibo dalka Iswiidhan, hase ahaatee dib loogu celiyey dalka Jarmalka.

 

Somaliska.com РG̦teborg

 

 

 

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here