Haweeney ka howlgasha laanta socdaalka oo lugu eedeeyey ineey xirriir la yeelatay nin magangalyo doon

2

Haweeney ka tirsan laanta socdaalka ee magaaladda Malmö ee koonfurta Iswiidhan ayaa lugu eedeynayaa ineey xirriir jaceyl la yeelatay nin maganglayo doon ah. sidoo kalena aan  xirriirkaasi ku wargelin madaxa laanta ee gobolka.

Haweeneydan ayaa sidoo kale keyd-ka laanta  socdaalka ku qortay in ninkaasi uu aad ugu dhow yahay (xirriirka kala dhaxeeyo). Waxaana sidoo kale ay amar la’aan u dhacday nidaamka keydka oo ay  macluumaad ka goobtay. Warqad dacwad ah oo loo diray maamulka degmadda ayaa looga codsaday in haweneeydaas laga eryo shaqada islamarkasina la marsiiyo ciqaab xagga dhaqanka, nidaamka iyo ku tagri fal awoodeed oo ay wado qaldan u martay.

 

Ma ahan markii ugu horeeysay oo haween ka howlgala hey’adaha dowladda si qaldan u adeegsadaan awoodooda kuna tagri falaan. Toddobaadkaan gudihiisa ayaa shan qof oo ka howlgala xafiiska ceeymiska lugu helay dembi ah ineey gudbiyeen xogta macaamiisha lixaadka la’a ee gunadda siiyo xafiiska.

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here