Haweeney Soomaaliyeed oo loo sheegay in ay ku laabato Afrika

3

Haweeney Soomaaliyeed oo ku nool Borås ayaa dhakhtar ay baaritaan u aaday u sheegay in ay ku laabto Afrika. Haweeneydaan oo lagu magacaabo Sahra Cilmi ayaa xagaagii la soo dhaafay baaritaan caafimaad u tagtay xarunta caafimaadka Viskafors ka dib xanuun ka haayay lug.

Ka dib sharaxaad ay isku dayday in ay ka bixiso xanuunkeeda ayaa dhakhtarka u sheegay in aysan si wanaagsan u sharixi karin xanuunka haya asagoo wax baaritaan ah aan ku sameyn, ka dib ayuu ku yiri “Ku laabo Afrika oo caafimaad u raadso dadka jooga tuulada aad ka timid”.

Haweeneyda Soomaaliyeed ayaan dhakhtarka intaas uga harin ayadoo u gudbisay dacwo la xariirta cunsuriyeynta Xeer ilaaliyaha xaga sinaansha ee Sweden (Diskrimineringsombudsmannen – DO). 

“Waxaan filaynaa in Xeer ilaaliyaha uu go’aamin doono in arintaan ay tahay mid aan la aqbali karin” ayuu Xasan Saad oo ah seyga Sahra u sheegay Idaacada Sweden (SR).

Afhayeen u hadlay ururka dhakhaatiirta Sweden ayaa cambaareeyay ficilka dhakhtarka asagoo sheegay dabeecadaas in aan la aqbali karin. “Ma jiro qaab lagu difaaci karo hadalkaas”  ayuu yiri Tomas Flodin. Xiriir lala sameeyay xarunta caafimaadka ee uu ka shaqeeyo dhakhtarkaan ayay diideen in ay jawaab ka bixiyaan eedeynta loo soo jeediyay.

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here