Haweeney Yuhuud ah oo weerartay wasiirka waxbarashada Sweden

2

Wasiirka waxbarashada Sweden ahna gudoomiyaha xisbiga Folkpartiet Jan Björklund oo booqasho ku jooga dalka Israel ayaa waxaa weerar gacan ka hadal ah ku qaaday haweeney ka mid ah Yuhuuda sharci darada ku degan dhulka Falastiiniyiinta.

Arintaan ayaa ka dhacday magaalada Hebron oo uu booqasho ku tagay Björklund, ka dibna ay haweeney si careysan ugu soo dhawaatay isla markaana isku dayday in ay dharbaaxsho ku dhufato. Dharbaaxadii loo waday Björklund ayaa ku dhacday mid ka mid ah ilaaladiisa iyagoo markii dambe ku qasbanaaday in ay joojiyaan safarkooda.

Dhacdada ayaa ka dambeysay ka markii la sheegay in uu wafdiga Björklund uu la socday nin Falastiini ah oo Yuhuudu aysan dhulkaas u ogoleyn in ay Falastiiniyiintu u soo dhawaaadaan.

Xisbiga Folkpartiet ee uu hogaamiyo Björklund ayaa ah kuwa ugu taageerada badan dowlada Yuhuuda iyaga oo markasta u dooda arimaha Yuhuuda isla markaana ka soo horjeesta arimaha Falastiiniyiinta.

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here