Haweenka dhalinyaradda ah oo wel wel ka qaba in habeenkii ay banaanka u baxaan

0

Gabadhaha dhalinyaradda ah ee dalka Iswiidhan ayaa ah kuwa ugu badan ee wel wel ka qaba in habeenkii ay dibadda u baxaan, sababo la xirriira casbi ay ka qabaan in la dhibaateeyo. 

Gabdhahan oo da’doodu ka yar tahay labaatan jir ayaa sheegay ineey ka baqayaan in la soo daba kaco lana kufsado. “Waa arrin laga xumaado in aadan si xor ah aadan bulshada ugu dhex socon karin adigoo dameeraya wel wel” ayey tiri  Isabelle Rosdahl oo ah 18 jir u warameeysay taleefanka Iswiidhan. Cabsida ay haweenka da’da yari ayaa mid salka ku heeysa kufsi iyo jir di loo geeysto dumarka siiba kuwa dhalinyarda ah kolkii ay ka yimadaan dibadda oo ay guryahooda u socdaan, ama ay raacayaan gaadiidka. Sadex ka mid ah haweenka da’da yar ayaa dareema cabsi habeenkii ah, halka qaar kalena ay ka baqayaan daba kac iyo kufsi loo geeysto marka ay tagaan goobaha lugu caweeyo.

Tirro koob ay sameeysay hey’adda ka hortaga dembiyada iyo tallo siinta xagga ammaanka ayaa muujisay in ay jirto kor u kac amman xummo oo laga dareemay bulshada dhexdeeda sanadkii ina dhaafay, gaar ahaan gabdhaha yar yar oo ah kuwa ugu badan ee arrintaani dareemaya.

Isabelle Rosdahl  iyo saaxiibteed  Louise Clerton, waa sideed iyo toban jirro dhigta dugsi sare oo ku yaala caasimadda Stockholm, waxeey siyaalo kala duwan u sheegeen ineey dareemaan  cabsi iyo wal wal, ay ka qabaan in uun mar ay jidka kala kulmaan ragga faraxumeeya dumarka.

“Waxaan dareema wel wel dheeri ah marka aan ka imaado goobaha jimicsiga  ama magaaladdaee aan u socdo gurgeyga” ayey tiri Isabelle Rosdahl oo sharxeeysay walaaca ka heeysta dibadda oo ay adag tahay in dareenkaas naaqusmo, iyadoo misna tilmaamaameeysay in moobaaylka uu yahay wehelka keliya ay heeysato haddii ay dareento cabsi ama daba kac. warbixnta hey’adu ay soo saartay ee la xirriira amaan xumadda  ay dareemaan dumarka da’da yar ayaa ah arrin dowlada laga doonayo ineey wajahdo. Sidaas si la mid ah ayaa haweenka ajaanibta laftooda waxaa ay dareeemayaan amaan xummadd habeenkii, waxaa ay kafekeraan inta badan dhaq dhaqaaqooda marka ay tagaan goobaha dadku ku badan yahay ama xilliyada ay shaqada ka soo rawaxaan ee fiidadkii.

 

 

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here