Haweenka la jir dilay oo loo fududeynayo in ay degenaansho helaan

5

Maxkamada Socdaalka Sweden ayaa go’aamisay in loo fududeeyo haweenka ay jir dileen raggooda in ay degenaansho helaan. Arintaan ayaa ka dambeysay ka dib markii ay soo bexeen dacwado badan oo la xiriiray haween ajaanib ah oo ragg Swedish ah ay dibada ka soo guursadeen ka dibna si xun loola dhaqmay iyadoo markii la furay ay laanta Socdaalka sharcigii degenaanshaha kala noqotay.

Maxkamada ayaa go’aamisay in sharciga la siiyo haweenka haddii ay cadaado in waxyeelo jirka ah loo geystay. Sanadki hore ayay ahayd markii Laanta Socdaalka ay go’aamisay in ay musaafuriso haweeney ka soo jeeda wadamada Asia taasoo ninkeeda uu mudo dheer jirdilayay ka dibna markii ay booliska u sheegtay uu furay taasoo dhalisay in sharciga lagala noqdo.

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here