Haweenka oo dhibaato ka haysato barashada luuqada Swedishka

Haweenka soo galootiga ah ayaa dhibaato weyn ka haysataa barashada luuqada Swedishka. Barnaamij laga siiyaadayay idaacada Sweden qeybta Studio 1 ayaa lagu soo bandhigay haween Soomaali ah oo ku nool magaalada Borlänge oo dhibaato ka haysato barashada luuqada.

Haweenkaan ayaa waxay wadanka yimaadeen iyaga oo aan horay iskuul u soo dhigan taasoo keentay in ay aad ugu adkaato luuqada. Macalimiinta SFI-ga oo mid ka mid ah barnaamijka lagu wareystay ayaa cabasho weyn ka muujisay qaabkii haweenkaan wax loo bari lahaa. Macalimiinta ayaa ku taliyay in ay haboontahay in haweenka marka hore la baro luuqadooda ka dibna ay Swedishka dhigtaan.

Waxaa sidoo kale barnaamijka lagu wareystay madaxa arimaha isdhexgalka ee kamuunka Borlänge oo aad uga cabaaday xaalada haysata kamuunkaas oo sanadihii dambe ay kumanaan Soomaali ah soo dageen. Waxa uu sheegay in aysan rajo ka qabin in haweenkaan ay shaqo helaan, taasoo dhibaato ku ah kamuunka maadaama ay sanduuqa cayrta ku soo laabanayaan.

Dhinaca kale, haweenka soomaalida ayaa noqday kuwo igu soo carar ah markii wariyaasha Studio 1 ay booqasho ku tageen kamuunka Botkyrka halkaasoo ay kula kulmeen haween u badan Carab iyo Turki oo wadanka joogay ka badan 20 sano balse aan hal eray oo Swedish ah ku hadli karin. Haweenkaas ayaa waxaa ka mid ah qaar wadanka soo galay 1979 balse ilaa hada aan luuqada Swedishka baran.

Wariyaasha SR oo arintaas ay mucjiso ku noqatay ayaa loo sheegay in haweenkaan aysan horay iskuul u dhigan markii ay wadanka yimaadeena ay caruur dhaleen, ka dibna ay guri joog noqdeen.

 

Lyssna: Kvinnor med låg utbildning oroar Borlänge

Faafi mowduucaan

Jimcale

Asc ku soo dhawaada Somaliska.com. Waxaan rajaynayaa in aad ka faa'idaysateen mowduucaan isla markaana aad fikrado qiimo leh ku darsan doontaan. Xumaan, qabyaalad, aflagaado iyo arimaha siyaasada Somaliya waa ka manuuc halkaan. Fadlan aan iscaawino oo su'aalaha qofkii jawabaha haya dadka ha u faa'ideeyo. MAHADSANIDIIN!

Akhriso mowduucyo kale oo xiiso leh...

12 Responses

  1. nana says:

    asc walaal jimcaale waku mahadsan tahay dhira gelinta lakiin hawenka somalida waxaan aminsanahay inaysan ka gpneyn inay wax bartan lakiin ay raban barnbidrag oo kaliya waxaan arkay haween ku tartamaya dhalmada oo dahayo heblayo sanadkan waiga hormartay wa isla dhali jirnay taas gorme ay wax barane mau maleyan ilamaha inay uu bahan yihin tarbiyad ma,ahan iska dhal oo kaliya marka maku fikiran inay mustaqbalka ay shaqeystan mar mar waxa arke aniga ma sfi aadayo ayago dahahayo wa uu dhala sanad kaste walahi waa yabe wax yabaha ay ku dhaqmayan nagahena ee waxaan dhihi laha dhalid oo kaliya nolol ma,ahan ee mustaqbal sameysta

    Dood kulul. Ka Jawaab? Thumb up 7 Thumb down 8

  2. saredo1 says:

    Soomalidi ayaaba bil ucaano shubatay
    miyaa eleen waaba
    Nalaga daran yahay dumarow dadaala waala is
    hayaaye yaynan dhalmo kaliya kafakarin

    U codee: Thumb up 4 Thumb down 0

  3. mandeeq says:

    20 sano iyo luqaadina lama baraan wlh waa ariin yaab leh dadaalase waa garaa ee kolay ayagaa an ku dadaalin

    U codee: Thumb up 2 Thumb down 0

  4. Hadis says:

    Asc dhaman waxan idihihiaa walal hayga somaiye halagu dadlo barashad luqaad Svenks

    meshan waxana kamqaynaa gadho kayimid Turi iyo melobadan ookle kuwas oo wadaka jooga 28 sano kuna hadlkarin marka inyad yaan laa jabi

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 1

  5. Muslima says:

    Asmucalaykum. Bacda salaan. Waalayaal maxaa halkaas idiinka caddaaday? In dad inagadaran jiraan,Lakiin “WIXII XUN XAAWAA LEH” ay soomaali hay sato! Sababta ay idaa caduhu soomaalida shaqo uga dhigteen? waa cunsuriyada xagga midanka ama diinta aan ku dhaganahay! waxan lakulmay hada kahor naag kamunkayga haysata anigoo shaqo raadinaaya, waddanka labosano iyo bar joogay wax luuqad kusaabsab iyo wax kastana soo dhameeyey. Waxay igu tiri “Dumarka soomaalida dadka kale waa kamaskax badan yihiin”. ee maxaa idiinku waacan? waxaanlakulmay qaar badan oo wax yar wadanka joogay aana loo turjumin, aaad bana ula yaabay waxaa jira qoomiyado waxbadan wadanka daganaa waligayna 30 sano oo aan socielka u shaqaynayay wax soomaali la,midah ma,arag xagga luuqadda Qaasatan dumarkooda. Marka walaalayaal idaa caduhu siyaasad kale ayay kadamacsan yihiin iyo in ay niyada inaga dilaan. ee shacabka caadigaah ee Swedeshka ah hala wareeysto xaqiiqada!

    Fikrad lala dhacay Thumb up 11 Thumb down 1

  6. axmed soohaad says:

    asc lafaha leesku xujeyey ka hadal jimcale

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  7. Maria mohamud says:

    As afkaaga caano lagu qabay!!walaashay muslimo gabadh caqli badan ayaa tahay جزاك الله خير اً– ani wadanka 2sano ayaan joogaa aad ayaana u jeclahay in aan luuqada Barto waayo ilmahaaga ma caawin kartin hadaanad adigii wax aqoon Marka waanu dadaalin

    U codee: Thumb up 1 Thumb down 0

  8. barre says:

    kkkkkkkkkk caadi maahan walaahi sxb waa la isku wareeray maxaa loo waayay horta macalimiin ah somali ama caraba si eey si wanaagsan ugu sharaxaan luuqadooda caadi maahan

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  9. liijeesto says:

    kkk ugu horeen waad salaamantihin bahda barnaamishka salan ka bacdi aniga ahaan waxaan qabaa in hablaha soomaaliyed aay yihiin habla wax barta waxna yaqan in yar mooyee oo eey ku furantahay oo ayagana ka soo kabsan doona balse aniga ahaan ma qabo qof soo mali ah ayaa wax baran oo iska jecel in eey la tagtagy nolosha yurbed maahee inta kalee wad dad wax barta marka aniga hablaha soo maaliyeed waan taageersanahay waxaana jeclaahy in eey noqon doonaan kuwa ugu sareeya insha alaah

    U codee: Thumb up 1 Thumb down 0

  10. maxamuud says:

    anigu waxaan aamin sanahay somalidu in ay maskax fiicanyihiin somalidu hadii ay isku dayaan in ay wax bartaan 1 sano kabadan ku qaadan mayso anigu majoogo swedfan lakin waxaan joogaan wadan kale oo reer yurub ah walaahi waxaan arkay dad badan oo wadamada reer yurub joogay 3o sano oo magacaa ku aqoon wadan ka ay sharcigiisa haystaan

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  11. abdirisaaq says:

    luqadaan waa adagtahay sweden aniga waxaan marayaa hada D WAA FASALKA U DANBEEYA LAKIIN WAA INUU QOFKA ADKEYSTO TEEDA KALE IMTIXANKA WAA INUU QOFKA KAFAKIRAA MARKII LASOO HOR DHIGO FIIRI INUU UYEESHO QOFKA HADII KALE WAA DHACAYSAA

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  12. mustafa says:

    Runtii ,aniga waayo aragnimadayda hadan kawramo kusaabsan dumarka Somalida aniga oon caayayn oo jecel ,,maraban inay luqada wadankan bartan(majoritet)inta aan lakulmay odhan waxay isugu jiran in jogaty 3ilaa 20sano ,waa wax aad loga xumado runtii,, lakin kaliya gabdhaha uuun ma aha raga aya kasii daran ryntii .

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 1