Hawsha Arbetsförmedlingen oo lagu tilmaamay mid aan macquul ahayn

Baaritaan uu sameeyay telefishinka SVT ayaa lagu soo bandhigay culeyska haysta shaqaalaha Xafiiska Shaqada (Arbetsförmedlingen). Shaqaalaha AF ayaa la sheegay in aysan waqti u helin in ay la kulmaan dadka shaqo doonka ah, isla markaana ay ku mashquuleen warqadaha iyo maareyntooda.

Hay’ada Arbetsförmedlingen ayaa hawsha dowlada u dirtay ay tahay in ay isku xiraan dadka shaqo doonka ah iyo shirkadaha balse waxay dhex dabaalanayaan hawlo kale oo farihii ka batay. Shaqaalaha ayaa ka cabanaya cadaadis iyo waqti la’aan. In ka yar 40% shaqaalaha AF ayaa sheegay in ay ka soo bixi karaan shaqadooda. Iyadoo shaqada Arbetsförmedlingen lagu tilmaamay mid aan sideedaba macquul ahayn in la fuliyo.

Arbetsförmedlingen ayaa ka mid ah hay’adaha dowlada loogu necebyahay, iyagoo lagu tilmaamo kuwo aan waxba qaban balse sida uu soo bandhigay SVT shaqaalaha laftooda ayaa ah kuwo ay haysato dhibaato weyn oo xaga maamulka iyo shaqada ah. Iyagoo ka mashquulay hawshii laga rebay ee ahayd in ay dadka shaqo la raadiyaan.

Sidee u aragtaa hawsha Arbetsförmedlingen? maku qanacsantahay shaqadooda? Ku darso fikradaada.

Faafi mowduucaan

Jimcale

Asc ku soo dhawaada Somaliska.com. Waxaan rajaynayaa in aad ka faa'idaysateen mowduucaan isla markaana aad fikrado qiimo leh ku darsan doontaan. Xumaan, qabyaalad, aflagaado iyo arimaha siyaasada Somaliya waa ka manuuc halkaan. Fadlan aan iscaawino oo su'aalaha qofkii jawabaha haya dadka ha u faa'ideeyo. MAHADSANIDIIN!

Akhriso mowduucyo kale oo xiiso leh...

18 Responses

  1. hodan says:

    Arbetsförmedlingen ku waxba kama caawikaan dadka loogu talagalay in ay ka caawiyan. wuxunbay ku sii kordhiyan culays iyo howl aan macno lahay waxan u arkaa in ay yihiin ha,ada ugu liidada dowlada

    U codee: Thumb up 2 Thumb down 0

  2. Caadle says:

    Dhab ahaaantii AF ma qabtaan howashii loo diray oo ay dowladu undirtay qaraaash fara badan na lagu bixiyay ani ahaan waxaa Dhihi laha dowldu ha keento wax ka duban AF ka si
    Loo hanto habsami u socodka shaqa raadiyaha iyo shirkadaha xariirkooda

    U codee: Thumb up 1 Thumb down 0

  3. lucky says:

    Ruunti kuma qanacsani

    U codee: Thumb up 1 Thumb down 0

  4. jeylani says:

    Hawl fiican ayey qabtaan anu waxan orankara waxa ka batay dadka shaqa raadis ka ah hadama aan lahayn wax xirfad ah ama afkiiba aqoon gaar ahan dadka cusub runtii dhib wayn aya haysta AF

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 4

  5. lucky says:

    Ruunti ku ma qanacsani shaqada arbetsförmedlijen ka wax shaqa oo ay ku radinayaan ama ay ku shegayn ma jiirto waxay ku oranayaan waa inaad adigu radsataa waxay kaloo ku diray korso malaayacniyaa oo aanad waxba ka faidayn ama anaad shaqo ku helayn

    U codee: Thumb up 2 Thumb down 0

  6. dharbaaxo says:

    asc asxaabta waa idin salaamey dhamaantiin hadan usoo laabto xafiiska shaqada arbtesförmedlijen waa lugooyo abaahood umaadiina waa lugooyeen wax ey uqabtaan malahan dhanka shaqada iyo waxana lagu dirayaa mela lugooya ha oo aad tageyso wax aad ka faideysaneyso malahan ama aad ku xisaabtameyso mustaqbalka waa iska faadhi mesha hadaa tagi waysana wax lacaga maliihiin aniga marka waxan u arkaa xafiskaas xabsi kor kafeydeen oo gumeysi ah qofkiina laluk goynaayo marka faaida macaash ah ayaa ka soo coto mesha qolada lagu dirayo oo aadan waxba kasoo fa ideysaneen lacaak bey kugu qadataa qolada ku direysana oo ah xafiska shaqada aygana mushaar kooda ey firsadaan waxba kama galin lugoyadaada marka waa meesha uguxuun ayaan dhihikaraa xafiksa shaqada swedan aniga arktideeyda cida an uga dac woonana magaraneyno marwalibo xafiska shaqada ayagaa isla saxaan oo tooda ayaa sax ah dadna shaqo mageyaan dadna wax mabaraan shaqa umaradiyaan hadaa latimadana shaqada waa laga hor istagaa marka magaranaayo jawabteeda wax lola jeedo arimahaas

    U codee: Thumb up 1 Thumb down 0

  7. Abdikadir M says:

    AF uma arko xafiis caawin karo dad shaqo doon ah waayo aniga waxaan ahay qof wadanka kucusub oo mudo ka ragister gareynaay barnaamishka soo dhoweynta mar aan kadalbaday utbilding aan ubaahna waxeey damceen iney igu qasbaan midkale oo aan ubaahneyn ilaa aan isla gaarno meel xun . Waxaan ufahmay meel dadka kashaqeeyo shaqo loogu abuuray oo hadii laxiro dadka kashaqeeyaahu noqonayaan shaqo laan saas darteed uun magac uyeel ah marka waxaan kutali lahaa in laxiro dhamaanteedba.

    U codee: Thumb up 2 Thumb down 0

  8. ismail says:

    Run ahaantii arbeetka maqabtaan shaqadii loodiray wax faa ido ahana lagauma qabo cidna shaqo umaraadiyaan waxaan kutalain lahaa halaxiro

    U codee: Thumb up 2 Thumb down 0

  9. Aisha says:

    kolley ani waxaa u arkaa in ay qabtaan shaqadooda balse ay ku badan yihiin dadka shaqo doonka ah oo hadana aqoon amma wax erfarenhet ah an heysan då way adkaaneysaa in ay shaqo u helaan dadka oo dhan.

    U codee: Thumb up 1 Thumb down 2

  10. HA DAG DAGINA HAKU KHALDAMINA INANTAN says:

    si marka loo eego way ku caawin karaan, si marka loo eegana way adag tahay inay ku cawiyaan, waa ta koowade way fududahay inay ku cawiyaan waa marka aad tahay qof wax soo bartay ugu yaraan haysta shahaado dugsi sare way fududahay inay ku cawiyaan markaas, way adag tahay marna waayo qof aan waxba soo baran luuqada wadankan aan si fiican ugu hadli karin qaar kood laga yaabo inaanay magacooda qori karin way adag tahay inay maareeyan anoo somali ah xataa dadkaas maan mareen kari lahayn, markaa waxaan odhan lahaa yaan laga eegin uun dhanka xune positive waa jiraa negative sättna waa jiraa isku soo wada duubo waxa loo bahan yahay inay sameeyan arbetsförmedligen ku wax la yidhaa strategy plan ay dadka nooc walba ku cawin karaan ha noqoto inay kordhiyaan shaqalaha iyo inay u sameeyan wax kale. wa bilaahi towfiiq.

    U codee: Thumb up 2 Thumb down 2

  11. nawaal says:

    haaaaa

    U codee: Thumb up 1 Thumb down 1

  12. nimco says:

    waa shirkada an ug necbahay sweden waayo beenlee mesha kuhayaan waxba dadka kama cawiyaan hadal ben ah iyo niyad dhislee mesha ku hayaan shaqadoda dhaan waa caffe cabow lee iyo qosal ben ah

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 1

  13. IDAAJAA says:

    wadanka wxan imid 2010ki wxan ka so shaqeyay 3dax shaqo kuligodne aniga aya la kulmay arbetsgivare waxana ka codsaday shaqo wa ayne isiiyeen. markii ay iga dhamatay shaqdii sanadkan bilowgiisa ayan AF ka codsday utbildning waana iska kee daba wareejiyeen ana uma fadhin oo utbildningkii aniga aya is dabaray qarashkii iska bixiyay marka aan utbildninka soo dhamestay ayan waxa la kulmay (ARBETSGIVARE) shaqobixiye. waxa u igu dhahay ila soo xiriirsii handlägarkaaga wana u imid o usheegay meel wax marayaan marka ay la xariirtay ayeey waxa ay igu tiri iga war sug ilaa u ila soo xiriiro shaqobixiyihii 2maalin ayan sugay imana so wicin waxan u tagay ninkii caochka ii ahaa ee EDUCTUS waxa u la xiriiray shaqobixiyihii waxana u iska dhigay in uu yahay handlägar ka shaqeeya AF eleen waraaqihii shaqda oo dhan waa uu hayaa meeshii ayuu ugu diray shaqobixiyihii waana ii soo saxiixa ana waan saxiixay sidaas ayan shaqdii ku helay ee aqyaaray abetsförmedlingen iyo handlägaradooda ayan loo fadhin kii ALLAH uu wax ka siiyo waa alxamdulilaahi kii kale yaana u fadhin

    U codee: Thumb up 2 Thumb down 0

  14. wadani says:

    Maxay sheegi hadii xumaantooda iyo wanaagooda lasheego, ma waxbaa isku badalahaya ruux kasta haraadsado shaqo oo xidhiidh badan halasameeysto ilaahayna shaqa Kheeyr qabta halawaydiisto

    U codee: Thumb up 1 Thumb down 0

  15. cabdiqadir says:

    Asc walh waa mowduuc fcn in laga hadlo, aniga shaqsiyan intaan ka arkaa igu filan run ahaan iney shaqa kula raadiyaan iska daayee shaqadaad adigu soo hesheey ku dhaafinayaa tusaal ahan hadii lagugu xujeey bil baraatiig ah iwm intey go aanka kaa gaarayaan ayay shaqadu ku dhaafaysaa. marka in laga tashto wax dhaamo maleh oo aad iska shaqa u raadsato ama aad adigu shaqa abuurato .

    U codee: Thumb up 1 Thumb down 1

  16. guessi says:

    arbetsförmedlingen.se waxaay ahayn dad shaqasyta oo waar uu haya dadka hoos yimaad eeh hada walal kawaraan hadi aad malinki waalba laku hoos keno 20 ruux oo cusub oo siyado aah , camal shaqale walba waxa uu hada haya camal 300 boqol oo qoof magalo walba waxa ay tahay iin aad dhato galiso , rapport korto iyo waxyabo badaan oo kaleh , warqaad iyo telephone aad kula hadlayso xafisyo kaleh , kudbiin information , qoof iskool uu radiin, tolke uu radiin …… walahi waay adaag tahay shaqadasi , qoofku uu warer saan yahay waxana ugu daraan oo u haysta iin ay shaqadodi arbetsförmedlinge ay uu hayaan , cidaa lagu xidhidhin rabo sharikaad waa qoof wax bartay eeh hadi uu qoofku waxba haysaan amba rabiin iin uu waax dhigto xataa utbildning waa dhib , dropp in waa malinta laa isla kulmi karo shaqala iyo inta hoss timada markaa waxaa yaab leh iin dadka ay isdaba jogsadaan ila iyo banaanka , shaqo abuur badaan majiro dadki so galotigi ahaa aad ayey uu bateen markaa aad hadaa ciid aad meel weel dhaqiis ah aad uu dirtoo waxay tahay cida kaleh iin aad isaga aad uu dirtiid , camal 1 posto oo banaan waxaa dalbanaysa 1500 qoof markaa ayaa uu laa hadli shari kadaas , shaqalahaas waay daleen ,

    U codee: Thumb up 2 Thumb down 0

  17. faarax says:

    Run ahaantii qofka isagaa iskiis isku dabiri karo o shaqo u raadsankaro. Arbetsförmedlingen websitekoda ayaaba shaqadaa rabto kacodsankartaa adigoo caawinaad weydiisan. Bishiina aktivitet report dir.
    Wa sidaan aniga kuqanacsanahay.

    U codee: Thumb up 1 Thumb down 2

  18. xoosh says:

    aniga shaqo ayaan soo helay waraaqdii aan baraa tiiga ku bilaabi laha ayaan 3 asbuu sugayaa mana haayo

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0