Hay’ada badbaadada caruurta: Waa in sharciga hada la badalaa

31

Hay’ada caalamiga ah ee badbaadada caruurta (Rädda Barnen) ayaa soo dhaweysay go’aankii ay soo saareen dowlada iyo xisbiga Miljöpartiet ee la xiriiray mideynta reeraha Soomaalida balse waxay ku baaqeen in sharciga Sweden hada wax laga badalo oo aan la sugin ilaa bisha July 2012.

“Waa fiicantahay in Sweden ay qaaday talaabo ku wajahan dhinaca saxda ah balse arintu waa mid cakiran in ay qaadato 1 sano in sharciga wax laga badalo waa mid aan la aqbali karin. Maalinkasta caruur ayaa u dhibaateysan sharciga Sweden. Maalinkasta waxaa lumaya fursadii ay caruurta iyo waalidkood ku midoobi lahaayeen” ayay tiri  Inger Ashing oo ah gudoomiyaha Rädda Barnen.

“Waa ognahay in ay macquul tahay in la sameeyo xal degdeg ah balse waa arin u baahan rabitaan siyaasadeed. Waxaa la joogaa xiligii la soo bandhigi lahaa rabitaan siyaasadeed. Waxaan dalbaneynaa in dowladu ay hada ficil sameyso” ayay hadalkeeda ku soo afjartay  Inger Ashing.

Shalay ayay ahayd markii Dowlada Sweden ay ku dhawaaqday in ay ooda ka qaadi doonaan mideynta qoysaska Soomaalida wixii ka bilowda bisha July ee sanadka 2012. Iyaga oo intaas ku daray in ka hor waqtigaas mooshin sharciga wax looga badalayo la hor keeni doono baarlamaanka Sweden.

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here