Hay’ada Islamic Relief oo qaadaysa Zakat Al-fitr

2

Iyadoo lagu jiro bisha barakaysan ee Ramadan ayaa Muslimiinta Sweden waxaa dhibaato ka haysataa cidii ay siin lahaayeen iyo qaabkii ay u bixin lahaayeen Zakat Alfitriga.Oo waajib ku ah in ay bixiyaan ka hor salaada ciida ee ku aadan dhamaadka isbuuca soo socda.

Hay’ada caalamiga ah ee gargaarka bani’aadamka Islamic Relief ayaa soo daabacday macluumaad ku saabsan qaabkii loo bixin lahaa lacagta Zakat Al-fiktr. Hay’ada ayaa ku dhawaaqday in la bixinayo 75 KR qofkii oo lagu soo dirayo koontooyinka ay  u diyaarisay barnaamijkaan. Hadaba cidii doonaysa in ay bixiso lacagta Zakat Al-fiktriga ayaa waxay ku diri karaan koontooyinka hoose ee ay leedahay Islamic Relief ama waxay booqan karaan bogga hay’da oo ay toos uga bixin karaan.

Plusgirot: 900181-9 ama Bankgirot: 900-1819 – Waxaad lacagta meddelande u raacinaysaa “Zakat Al-fitr + tirada dadka”. Ama waxaad booqataa http://www.islamic-relief.se/svenska/stoed-oss/onlinebetalning.html

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here