Hay’ada Maamusha Iskuulada Sweden oo taageertay hilibka Xalaasha

Hay’ada Maamusha Iskuulada (Skolinspektionen) ayaa sheegtay in hilibka Xalaasha ah ee la siiyo ardada iskuulada uusan ka halalsoo horjeedin sharciga Sweden. Arintaan ayaa ka dambeysay ka dib markii dood cusub ay ka dhalatay iskuulada qaarkood ardada siiya hilibka xalaasha ah. Qaasatan qaar ka mid ah waalidiinta degmada Svedala ayaa dacwad u gudbiyay hay’ada.

Waalidiinta ayaa ku andacooday in hilibka Xalaasha ah ee la siinayo ardada uu yahay mid jabinaya sharciga iskuulada ee quseeya kala saarida diinta iyo waxbarashada. Hay’ada ayaa ka soo horjeesatay aragtida waalidiinta iyagoo sheegay in aysan jirin wax sharci ah oo qabanaya hilibka xalaasha ah.

Isbuucyadii la soo dhaafay ayaa qaar ka mid ah kamuunada waxay iskuulada ka mamnuuceen in ardada ay siiyaan hilibka xalaasha ah. Go’aanka hay’ada ayaa ah mid muhiim ah maadaama ay masuul ka yihiin kormeerka iyo maamulida dhamaan iskuulada Sweden.

Faafi mowduucaan

Jimcale

Asc ku soo dhawaada Somaliska.com. Waxaan rajaynayaa in aad ka faa'idaysateen mowduucaan isla markaana aad fikrado qiimo leh ku darsan doontaan. Xumaan, qabyaalad, aflagaado iyo arimaha siyaasada Somaliya waa ka manuuc halkaan. Fadlan aan iscaawino oo su'aalaha qofkii jawabaha haya dadka ha u faa'ideeyo. MAHADSANIDIIN!

Akhriso mowduucyo kale oo xiiso leh...

6 Responses

  1. luul says:

    asc kulli walaalaha muslimka ah mel walba ey joogaan waxan jeclaan lahaa in swedan oo dhan laga cuno hillibka xalaasha ah qaasatan iskuulada maxaa yeelay waa la wada cuni karaa hillibka xalaasha ah lkin kankale dadka islaamka ah waa dhibayaa waxa laga yaabaa dad badan oo hada aan hillib cunin in ey cuni lahaayeen waxan rajeyneynaa heya.adaasi in ey dadaal keeda sii baahiso wa bilaahi towfiiq

    Fikrad lala dhacay Thumb up 6 Thumb down 1

  2. F.M says:

    Waa arin fiican runtii, wax dhib ah ayey noqon laheyd haddiiay fara gashadaan hilibka xalaashaa ee islaamku isticmaalaan.

    U codee: Thumb up 1 Thumb down 1

  3. abdulla says:

    Asc, waa salaaman tiyiin Walaalaha ku xirran webkaan dhamaan salaan sare ka kadib waxaa manta iiso dhacdey migrationsverket waa ogoladay caruurta alllah dad 2 sano inoo dhibaatoda dol qaado illahi ka rajaynaya

    U codee: Thumb up 1 Thumb down 0

  4. radiya says:

    ASC Abdulla walaalwaankusalaamay caruurta la ogolaaday makuwaagaa mise waadadkale adigoo guurcusub ah oo dadka labada sano kamid ah miyaa ogolaanshokuusoodhacday aboowe ii qeex sifiican kuuma fahmin

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  5. abdulla says:

    abaayo waan ku salaamay aniga waxaan ka mid ahay dadka diidmada ka hore dib mey u celyiin migrationka kadib ogalasho baan helay ilaahi dad hanooga soo qaado dhibaadoda 2 sano ah iyo singalka faah faah yiihin tel 0046760929143

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  6. heeliyo says:

    Abdule Kan la baxay beenaale ayuu u egyahay hadalkiisa hadaan eegay maxaad gabadha numberkaaga u siinaysaa qaxaabyahow waxaad aragatay halkan ugag jawaab haku meeraysan catow iyo waxaan loo joogine waar waxan madhaxlaha ahi muxuu aniga ayaa Magrationka ka shaqeeya cid lasoo ogolaadayna ma jirto yaanuu ninkan been idiin sheegin cid uu shukaansado ayuu waayay, maasuu hablaha numberadiisa usoo qorayaa madhaxle kan camal ayaa buuxa oo lab labuuf ah.

    U codee: Thumb up 3 Thumb down 0