Hay’adaha dowlada kuwa loogu necebyahay

10

Baaritaan lagu sameeyay sida dadka Swedishku u arkaan Hay’adaha dowliga ah sida Arbetförmedligen, Skatteverket, Migrationverket iyo kuwa kale ayaa lagu soo bandhigay kuwa dadku ay aaminsanyihiin iyo kuwa aan la jeclahayn.

Hay’ada caymiska bulshada (Försäkringskassan) iyo xafiiska shaqada (Arbetsförmedlingen) ayaa noqday kuwa loogu necebyahay hay’daha dowliga ah, dadka aftida laga qaaday ayaa aaminsan in hay’adahaas aysan si hufan shaqadooda u qaban. Waxaa kale oo soo raacay hay’daha dadku aysan la dhacsaneyn Laanta Socdaalka (Migrationsverket) .

Dhinaca kale, hay’daha dadku ay jecelyihiin ee la aamisanyahay in shaqadooda si hufan ay u gutaan ayaa waxaa booska ugu sareeya ka galay Hay’ada canshuurasha (Skatteverket), Hay’ada ka hortaga cudurada faafaha (Smittskyddsinstitutet) iyo hay’ada dhowrida xuquuqda macaamiisha (Konsumentverket). Waxaa sidoo kale la amaanay bankiga dhexce (Riksbanken).

Liiska oo faahfaahsan oo Swedish ku qoran halkaan ayaad ka heli kartaa.

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here