Anders Lindström oo ka tirsan urur u istaagay u doodida xuquuqda waalidiinta iyo caruurta Soomaaliyeed ee kala maqan ayaa mowduuc uu ku qoray bogga newsmill.se waxa uu kaga hadlay arimo badan oo ay ku jiraan qiimaha heshiiskii dowlada iyo xisbiga deegaanka ay wada galeen iyo waxyaabaha uu faaido u leeyahay Soomaalida. Anders ayaa ku doodaya in heshiiskaas uusan waxba u qaban waalidiinta Soomaaliyeed ee kala maqan isagoo intaas ku daray heshiiskii iyo dooda baarlamaanka ee la filayo bisha soo socota laga yaabo in ay abuureen rajo aan jirin. Sida warar laga helay qareemo u dhow Laanta Socdaalka ay sheegayaan ayaa laga yaabaa in waalidiinta iyo caruurta soomaaliyeed ay kala maqnaadaan ilaa sanadka 2013, taasoo Anders Lindström ku tilmaamay mid aan suuro gal ahayn oo aan la aqbali karin. Anders ayaa aaminsan in caqabada haysata waalidiinta Soomaaliyeed ee caruurtooda ka maqan yihiin in ay dhibaato ku noqoneyso in ay si hufan u dhexgalaan bulshada Sweden oo ay xooga saaraan waxbarashada iyo shaqada maadaama caruurtooda ay maqantahay. "Waalid Swedish ama Somali ahow haddii aad mustaqbal dhiseyso oo aysan mustaqbalkaas caruurtaaga ku jirin muxu qiimo leeyahay. Haddii aad tahay qof caruur leh waad dareemi kartaa" ayuu hadalkiisa ku daray Anders Lindstrom. Waxaa markasta laga doodaa fashilka isdhexgalka bulshada iyagoo qiimo la siiyo in heer laga gaaro waxbarashada iyo in dadka shaqada bixiya ay taxar sameeyaan balse marna ma lays waydiiyaa halka ay dhibaatadu ka jirto. Anders ayaa aaminsan in waalidiinta Soomaalidu aysan xooga saari karin isdhexgalka iyo waxbarashada maadaama ay caruurtooda ka maqantahay. Markii qof uu Sweden yimaado oo degenaansho la siiyo farxadaas waxaa xiga niyad xumo, iyadoo waalidiinta ay u taalo in ay kala doortaan magangalyada laga siiyay Sweden oo caruurtooda aysan ku jirin ama in ay ku laabtaan dhibaatadii ay ka soo carareen oo ay caruurtooda la joogaan. Anders ayaa aaminsan in kala hadal ay tahay in Soomaalida laga soo qaado xeryaha iyo kuwa iska dhiiba Sweden aan lagu xirin shuruuda cadeynta aqoonsiga iyadoo waalidiinta caruurtooda dalbanaya lagu xiro shuruudo adag. dheecaanka DNA ayaa la sheegay in uu xal yahay balse wasiirka Socdaalka ayaa sheegay in aysan taas cadeyneyn aqoonsiga dhabta ah ee caruurta sida waqtiga ay dhasheen isagoo sheegay in ay ka hortagayaan ka ganacsiga bani'aadamka balse markii la waydiiyay sida ilmo lagu cadeeyay DNA in ay waalidkood la socdaan lagu beecgeyn karo ayuusan wasiirku suaashaas ka jawaabin. Anders Lindström iyo ururkiisa lagu magacaabo (Nätverket för rätten till familjeåterförening) ayaa kulan la yeelanaya xildhibaano ka socda xisbiyada kala duwan ee ku jira baarlamaanka 27 bishaan April. Ururka iyo ururo kale oo Soomaaliyeed oo uu ku jiro bogeena Somaliska.com ayaa qorsheynaya in la qaban qaabiyo mudaharaad weyn oo ka dhaca irida baarlamaanka Sweden 4-ta Bisha May ee soo socota.

Heshiiskii dowlada iyo xisbiga miljöpartiet muxuu u taray Soomaalida?

Anders Lindström oo ka tirsan urur u istaagay u doodida xuquuqda waalidiinta iyo caruurta Soomaaliyeed ee kala maqan ayaa mowduuc uu ku qoray bogga newsmill.se waxa uu kaga hadlay arimo badan oo ay ku jiraan qiimaha heshiiskii dowlada iyo xisbiga deegaanka ay wada galeen iyo waxyaabaha uu faaido u leeyahay Soomaalida.

Anders ayaa ku doodaya in heshiiskaas uusan waxba u qaban waalidiinta Soomaaliyeed ee kala maqan isagoo intaas ku daray heshiiskii iyo dooda baarlamaanka ee la filayo bisha soo socota laga yaabo in ay abuureen rajo aan jirin. Sida warar laga helay qareemo u dhow Laanta Socdaalka ay sheegayaan ayaa laga yaabaa in waalidiinta iyo caruurta soomaaliyeed ay kala maqnaadaan ilaa sanadka 2013, taasoo Anders Lindström ku tilmaamay mid aan suuro gal ahayn oo aan la aqbali karin.

Anders ayaa aaminsan in caqabada haysata waalidiinta Soomaaliyeed ee caruurtooda ka maqan yihiin in ay dhibaato ku noqoneyso in ay si hufan u dhexgalaan bulshada Sweden oo ay xooga saaraan waxbarashada iyo shaqada maadaama caruurtooda ay maqantahay.

“Waalid Swedish ama Somali ahow haddii aad mustaqbal dhiseyso oo aysan mustaqbalkaas caruurtaaga ku jirin muxu qiimo leeyahay. Haddii aad tahay qof caruur leh waad dareemi kartaa” ayuu hadalkiisa ku daray Anders Lindstrom.

Waxaa markasta laga doodaa fashilka isdhexgalka bulshada iyagoo qiimo la siiyo in heer laga gaaro waxbarashada iyo in dadka shaqada bixiya ay taxar sameeyaan balse marna ma lays waydiiyaa halka ay dhibaatadu ka jirto. Anders ayaa aaminsan in waalidiinta Soomaalidu aysan xooga saari karin isdhexgalka iyo waxbarashada maadaama ay caruurtooda ka maqantahay.

Markii qof uu Sweden yimaado oo degenaansho la siiyo farxadaas waxaa xiga niyad xumo, iyadoo waalidiinta ay u taalo in ay kala doortaan magangalyada laga siiyay Sweden oo caruurtooda aysan ku jirin ama in ay ku laabtaan dhibaatadii ay ka soo carareen oo ay caruurtooda la joogaan.

Anders ayaa aaminsan in kala hadal ay tahay in Soomaalida laga soo qaado xeryaha iyo kuwa iska dhiiba Sweden aan lagu xirin shuruuda cadeynta aqoonsiga iyadoo waalidiinta caruurtooda dalbanaya lagu xiro shuruudo adag. dheecaanka DNA ayaa la sheegay in uu xal yahay balse wasiirka Socdaalka ayaa sheegay in aysan taas cadeyneyn aqoonsiga dhabta ah ee caruurta sida waqtiga ay dhasheen isagoo sheegay in ay ka hortagayaan ka ganacsiga bani’aadamka balse markii la waydiiyay sida ilmo lagu cadeeyay DNA in ay waalidkood la socdaan lagu beecgeyn karo ayuusan wasiirku suaashaas ka jawaabin.

Anders Lindström iyo ururkiisa lagu magacaabo (Nätverket för rätten till familjeåterförening) ayaa kulan la yeelanaya xildhibaano ka socda xisbiyada kala duwan ee ku jira baarlamaanka 27 bishaan April. Ururka iyo ururo kale oo Soomaaliyeed oo uu ku jiro bogeena Somaliska.com ayaa qorsheynaya in la qaban qaabiyo mudaharaad weyn oo ka dhaca irida baarlamaanka Sweden 4-ta Bisha May ee soo socota.

Faafi mowduucaan

Jimcale

Asc ku soo dhawaada Somaliska.com. Waxaan rajaynayaa in aad ka faa'idaysateen mowduucaan isla markaana aad fikrado qiimo leh ku darsan doontaan. Xumaan, qabyaalad, aflagaado iyo arimaha siyaasada Somaliya waa ka manuuc halkaan. Fadlan aan iscaawino oo su'aalaha qofkii jawabaha haya dadka ha u faa'ideeyo. MAHADSANIDIIN!

Akhriso mowduucyo kale oo xiiso leh...

23 Responses

  1. Massago says:

    AC ANDERS WAXBA MASOO KORDHI KARO
    KULU SHAY MAKTUUB INDA LAAH.WAXAAN RAJEEYNAA IN SOMALIA DAWLAD KADHALATO 2013-KAHOR EE XAGA LO NAQDO INSHA-ALLAAH INKASTOON OGAHAY DAD AY DHIBEE AINEY JIRAAN WBLH TFQ

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  2. indho says:

    asc dhaman bahda somalika gaarahaan jimcaale.
    iyo soomalida oo dhanhadii aan ka hadlo fikirkeega
    arinta ninkaan sheegey waa wax dhici kara waana mooqta
    sababtoo ah sabab la,aan ayey caruurta iyo waalidka iskugu diidiin marka waxaa la rabaa inaan mudhaaraad xoog leh dhigno maalint barlamaanka o fadhiisanyo aniga koley waa imaana xataa caruurta ha la soo wado shaqdo iyo skoolada ha laga sootago

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  3. Farxaan says:

    Marka hore waxaan salaamayaa dhamaan soomaalida ku nool wadankan Sweden, Run ahaantii dhibaatadan jirto waa wax Anaga aan sabab u nahay, Sababta oo ah Ilmihii iyo Xaasaskii ayaan ka ganacsanay, waana sida ay Aaminsan tahay Dowlada waana wax jira Hadaan anaga is dafareynin. Yaa dhib ku qaba ? Waxaa dhib ku qaba qofkii ilmihiisa runta ahaa loo diido oo la yiraa waad iibsatay iyo wax la mid ah, Wadanka Sweden Anaga Ayaa u imaanay waa in aan ku dhaqanaa Sharciga wadanka uu leeyahay, Laakiin Hadii aan ku bilowno Sharci Wadankan Sharcigii Somaaliya oo ahaa Musuqmaasuq ama isdabamarin maka soconeyso, Markaas ayaan leenahay wadankan waa cunsuri oo sharcigii Xumaa ee soomaaliya ayuu u hogaansamin sow ma aha.
    Soomaaliyeey hurdada ka kaca, Wadankan Tusiya in aad tihiin Dad ogol sharciga wadankan, Waxaana idinku waaninayaa U diyaar garooba MUDAAHARAAD laga qabta magaalooyinka oo dhan oo looga soo horjeedo kala maqnaanshaha familada wa bilaahi Towfiiq.

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  4. GARAAD says:

    OGEYSIS OGEYSIIS!!!

    WAXAA LA OGEYSIINAYAA DHAMAAN SOMALIDA KU NOOL SWEDEN GAAR AHAAN STOCKHOLM IYO NAWAAXIGEED IN AY KA SOO QEYB GALAAN MUDAAHARAAD BALAARAN LOOGA SOO HORJEEDO KALA GEYNTA REERAHA SOMAALIYEED. MUDAAHARAADKA WAXAA LAGU DALABANAYAA IN SIDA UGU DHAQSIYAHA BADAN XAYIRAADA KA QAADO SOMALIDA
    HADABA WAA GOORMEE IYO WAA MEESHA UU KA DHACAAYO MUDAAHARAADKU:

    WUXUU KA DHACAYAA KA SOO HORJEEDKA BAARLAMAANKA SWEDEN TAARIIKHDU MARKA AY TAHAY 4.5.2011 SAACADU MARKA AY TAHAY 12:00 ILAA 17:00

    ADREESSKA:
    MYNTTORGET2

    WALAAL KA SOO QEYB GALKAADU WAA MUHIIM KUNA WAR GELI SOMALIDA KALE IN AY KA SOO QEYB GALAAN
    ADIGOO ADEEGSAN KARA SMS,INTERNET AMA POST

    WABILAAHI TOWFIIQ
    SOMALISKA RIKSFÖRBUNDET

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

    • Masago says:

      TO GARAAD

      SXBOOW BANANBAXO WAXOOW RABAA BASAR IYO BALEEN IN LOO SAMEEYO MESHAAN MA-AHAN SIDI SOMALIYE OO WIXI LRABO LA,ISKAGA DHAQAAQAAYAY. HAWSHAAN AAD WADIIN EE AH BANANBAXA MALA OGAYSIIAYAY W-A-GUDUGA POLISMINGHET MM DHAMAN CIDA AY QUSEEYSO SI LOOGA HELO OGOLAASHO AMA DIIDMO HADAAN INTAAS LA HELIN MASUURA GALAAYO QORSHAHAAS AAD WADIIN WBLHTFQ

      U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  5. Haykal says:

    Waxa mahad sugan allah subxaana watacalaa . naxariis iyo nabad galyo ha ahaato suubanaheena mohamed (s.c.w) intaa ka dib waa dhacday in aaynu nadaam iyo qorshaba xunahay hadaan somali nahay weliba wax kasto inagu dhaca waa wax aynu isku gaysanay lakin ha iloobina akhristow in aynu ka so jeedno wadan dhaqaalihiisi iyo nidaamkiisii siyaasadeedba ay dumiyeen dadka cadaanka ah ama westerenku una samaystay human rights watch iyo nidaamo kale ay ku caburiyaan wadamada islaamka . intaas markad ka timaado waxad ogataa wadankasto burbura waxaa aad u siyaada musuq maasuqa waxaana caadi u noqda ka ganacsiga binu aadanka qaybihiisa kala duwan . waxad arkaysa ama baahidu ku sawiraysa in aad waalidkaa ad ku kaxaysid in uu yahay gayaankaa ama aad qof kaleba ad uga iibisid layn adigo ujeedadaadu tahay in waalidka ama qof eheliyadada ah keentid mesha ad ku noshahay lakin adan eegin diinteenu waxay ka qabto arintaas . waxay kalo baahidu ina bartay been in loo sheego dadka qaabilsan dibu dajinta qaxootiga ama laamaha qaxootiga anigoon eegin diinteenu waxay ka qabtaa been in loo sheego dadyoow binu aadan ah. adigoo leh ninkaan wan kala tagnay ama inantaan wan kala tagnay adigo is leh lacagta haku badato . waxad kalo arkaysaa walal guursanaya walashii iyo inan leh aabaheed wan is qabnaa subxanalah . waxaas oo dhana waxa inoo fududeyey dadkaan aaynu hoostoda jiifno ee western ka ah lakin adigaa lagaa rabaa in aad diintaada haysatid hadaladoodana dhinac martid . sharciyada ay bixiyaa ayey dhowr qodob ugu samaysteen dadyowga islaamka ah geneva iyo dhowr kale si dadka ay dacwadaha ka qadayaan ay u kala sheegtaan dhibaatoyin badan ay dhagahaagu ka naxaya sida nin iyo naag leg waa nala kufsaday ama dad leh waa nala yasaa oo u badan qabiilada wa wayn ee somalida iyago sharci aad heshaan leh iyo dad leh diin baan uga so cararnay

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  6. Haykal says:

    Marki laga yimaado dhibatoyinka aynu inaga hormuudka uga nahay in aynu ku habno noloshena . waxa talo iga ah ha u fududaynina gaaladan wasakhda ah in ay idinku hogamiyaan baadi cad ee qof kastoow shaqo xalal ah ka kashaqayso caruurtadana kala dagaalan in aysan dhaqankoda qadan galadaas . waxad cuntaan . xirataan hanoqdeen xalal . waxaad kalo caruurtina ku heli kartaan idin ku midooba in aad mudaharaad wayn qabta kasoo idinka dhana ama daacad ah hana ka dalina xaq bad u leedihiin in la idinkeeno caruurtiina weli idin migrationka ka cod sanaaya in sharciyadiina laydin ka cesho hadii aad diideen wada noolashahayaga . markay kumanaan somaliyeed sharciyadooda ku tuuran albabka laanta socdaalka waxaa caalamka galaysa qaaylo dhaan ay sameeyaan war saxafadeedyadu waxana so baxaysa gaboodfalo badan ay samaysay sweden

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  7. abuu deeq says:

    AS WR WB dhamaan ummada somaliyeed meel walba oo aad joogtaan marka xigta waxaan salamayaa bahda WEBKA intaas kadib waxaan rabaa inaan aniga hal rayi ka dhiibto ama aan ku darsado halkaan kaas oo ah ama aan ka codsanayo bahda somaliska iney xooga saaraan maadaama waalidiinta iyo dhamaan inta ay reerahooda kala maqanyihiin ay kuxiranyihiin webkaan iney iclaamiyaan ama ay xooga saaraan sidii dadka badankiisa ay malintas uga soo qeyb gali lahaayeen banaan baxaas waadna mahadsantihiin..

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  8. Ali Aar says:

    ASALAAMU CALEYKUM,

    WALAALYAAL WAXAAN U MAHADCELINAYAAA DHAMAAN DADKA U OLOLEEYA ISKU KEENITAANKA REERAHA IYO IN SHARUUDA LAGA QAADO DADKA JINSAYOODA SOOMAALIGA TAHAY.

    WALAAYAAL WAXAA LAGA YAABAA IN KHEYR INOO TAHAY DIIDMADA REERAHEENA EE YAAN LA CILADEYSAN MAXAA YEELAY MEESHA QOFKA U WANAAGSAN ALLAHA SUBXAANKA AH UN BAA OG. WAX WALBANA AGTIISA AYEY KA SUGNAADAAN.

    ALLAH HA NA WAAFAJIYO MEESHA UU KHEYRKA KU JIRO OO MUSTAQBALKEENA ADDUUN IYO MID AAKHIRO U FIICAN. 2013 HADDII ALLE YIRAAHDO DALKEENA BAA NABAD NOO NOQON DOONO DIB BAANA LOO NOQONAYAA. INSHA ALLAAH.

    MUDUHAARAADKA WAAN TAAGEEREYNAA INSHA ALLAH WAANA KA SOO QEYB GALI DOONAA ANIGOO KU HADLAYA MAGACA SOOMALIDA DEGAN MAGAALADA NORRKÖPING.

    SOMALISKA WAAD KU MAHADSANTAHIIN U ADEEGIDA DANTA SOOMALIYEED IYO HORUMARINTA IYO WACYIGALINTA DADKA SOOMALIYEED EE KU DHAQAN DALKAN SWEDEN. ALLAHA IDINKA ABAALMARIYO HOWSHAN AAD LACAG LA´AANTA BULSHADA UGU HAYSAAN.

    MAHADSANIDIIN DHAMAAM.

    WCS.

    ALI AAR, NORRKÖPING

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  9. Ahmedyare says:

    Asc jimcale waxan kuweydina ninkan wuxu kahadlay rayigas sida ay la tahay.mid kale wax aan weli la ansaxinin gorma laga dayrina maba la gaarin waqtiga la ansixin laha. Marki lagara waqtiga la ansaxiya aya laga doodi kara iney dan ugu jirta somalida iyo in kale. Ninkan wuxu kaso horjeeda heshiska la gaaray wax u kala ogyahayna malahan.marka dadka ha hor bodin dheh sxbow.hadu wax taraya horu wax ugu qaban laha dadka masakinta ah. Wb towfiq

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  10. ahmed says:

    asc dhamaan bahda somaliska uu ugu horeeyo jimcaale marka xigta aad ayad ugu mahad san tahay isku taxlujinta ad ino mujisay asc

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  11. Faa,id says:

    Asc ka dib hadalkaan waa uun rajo la,aan balse Alle subxaanahu watacaalaa asaga ayaa khaadir ah,e dhibka dadka ha ka dulqaado caruuraha iyo xaasaskana Alle ha noo fududeeyo Sverigena waa inaan banaan baxyo ku ruxnaa. Banaan baxyadda ayaa ka adag dadkaan laakiin waxaad moodaa dadkii in la seexiyey.Bishaan bisha kale tan xigta tan soo socota ayaa go,aan soo baxayaa dadkii sidaas ayaa waqtigii loogaga cunay meeqa sanno ayey maraysaa waa inaan banaan baxyadeenii soo celinaa, ummadda Soomaaliyeedna waa in dad isku xira la hela si ay codkooda u dhiibtaan.

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  12. Abdulahi says:

    Asc/ allah ayaa mahad usugnaatay marka xige somaliska.com iyo bahda sharafta leh ee web ku xeran mudaharaad waaloobaahanyanhay in lasameeyo lkn somalia dadaaleyso majoogto hadii eyjirto waa in yar sababtoo ah hadey somalia dadjiratahay waxaan lagu sameyay laguma sameenlaheen sababtoo ah ciraaqiyiin dadkiina ayaa ciraaq lagu celinaa hadii ey maqlaan waaka dhiidhiyaan somaliska.com waa dadaalayaan lkn eebow somalia dadjiro ma,ahin jimcaalow banaanbaxa ayaadka arkidoontaa hadalkeyga meelkuqo jimcaalle

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  13. najma says:

    asc dhamaantina ugu horeynti jimcaale oo dadaal ku jiro allene ha ku garab galo waxaan kale ku xijina nin la yiraahdo haykal wuxuu shegaay wwaa wax runa waa waxaa maanta nalga gudayo waa wixii shalaay dadka qarkod sameyeen hadaan ka hadlo runti somalida qarkoda waxaay ku kaceyso waa wax lo dulqadaan kariin anago muslima waa laga fiicanyahay ina saas ku kacno lakiin dalada ina ku darno dadkaan uu shegeyno waa dad naga cilmi badan amaba naga maskaax badan oo halahey soo saraan somali soma sarto ma ahaan ina uu sheegno been lakiin waba dhacday lakiin wixii hada ka danbeyo ina runta ku dhaqano ile maanta inta lo marayo oo dhiba alle ayaa og waa in runta ku dhaqana waxaay la mid tahay adigo saxaanka wax ku cuneysid aad iska wasaqeysid waxaa kalo ku dari lahay hadana alle hanoga soo qado aamiin ille waxaa naga maqane caruurti ama rageni ama dumarkeni ee dadka qarkoda alle ka cabsada ee runta ku dhaqma aduunyadan waa laga taga igana rali noqda wixii qalad ah

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  14. Cabdi Wali says:

    Marka aan isku dayo inaan fikir yar oo kooban ka dhiibto howlahan Sweaden Ka socda oo ku saabsan somalida iyo dadka ka maqan.

    Somali Haddaynu Nahay Waxaynu Ku Maahmaahnaa (Lama Huraan Waa Cowska Jiilaal) War Inaga Somalia Ayaa Ina Hurran Oo Aynu Iska Leenahay MaxaaInagu Wareejinaya Dal Aynaan Lahayn Oo Aad Arkaysaan Sida Laydinku Dhibayo In Caruurtiina Aad Heshaan.

    Arrimahan Iminka Soo Baxayaana Waxay U Muuqdaan Kuwo Lagu Doonayo In Somalida Haba Yaraateee Aan Wax Lagu Tarin Ama Caruurtooda Loo soo Qaadin.

    Aniga Laftaydu Waxaan Ahay Nin Dhalin Yar Swden Dadka Sugaya Ayaana Ka Mid Ahay Adds Abeba Ayaana Joogaa Sidaasoo Ay Tahay Kuma Kalsooni Swden In Ay Fududaynayso In Ay Waalidkay iigayso.

    Markaa Taas Macneheedu Waa (Ceelna Inooma Qodna Cidina Inooma Maqnee Aan Wadankeena Aamino Intiina Yurub Gaar Ahanna Swden Joogtaa Isaga Soo Baxa oo Iskaga Kaalaya Mar Haddii Swden Ay Idinku dhibayso Qaadista Dadkiina Mahadsanidiin

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  15. nacima says:

    walaahi waa yaab dad isqaba iyo dad isdhalay oo la isku diidayo wali meey ka dhicin aduunyada ee illah ha naga soo gaaro insha allah

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  16. ali says:

    c,llaahi horta waa runtaa oo somalida banan baxa ma jeclo iyo telefishinada in ay ka soo muuqdaan oo waxa ay ka cabsanayaan dadkii ay somaliya ku dhihi jireen ma nihin qaxooti in ay hadda arkaan asagoo hadda qaxooti ah in la daawado, marka aniguba ma rajeynaayo in dad badan isugu soo bixi doono banaan baxaas

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  17. rahmo says:

    Asc walaahi wayaab ilaah hanooga soogar gaaro asagaa awooda leh hadal aan kanaxno ayey soo shegeen balse ilaah ayaa amarka wato sidii qeer noogu jirtana asgaa ogaa aloow qeerkada nawafaji waxii sharnoo ahne naga xijaab.

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  18. sudeis says:

    Marka hore waxaan salaamayaa dhamaan soomaalida ku nool wadankan Sweden, Run ahaantii dhibaatadan jirto waa wax Anaga aan sabab u nahay, Sababta oo ah Ilmihii iyo Xaasaskii ayaan ka ganacsanay, waana sida ay Aaminsan tahay Dowlada waana wax jira Hadaan anaga is dafareynin. Yaa dhib ku qaba ? Waxaa dhib ku qaba qofkii ilmihiisa runta ahaa loo diido oo la yiraa waad iibsatay iyo wax la mid ah, Wadanka Sweden Anaga Ayaa u imaanay waa in aan ku dhaqanaa Sharciga wadanka uu leeyahay, Laakiin Hadii aan ku bilowno Sharci Wadankan Sharcigii Somaaliya oo ahaa Musuqmaasuq ama isdabamarin maka soconeyso, Markaas ayaan leenahay wadankan waa cunsuri oo sharcigii Xumaa ee soomaaliya ayuu u hogaansamin sow ma aha.
    Soomaaliyeey hurdada ka kaca, Wadankan Tusiya in aad tihiin Dad ogol sharciga wadankan, Waxaana idinku waaninayaa U diyaar garooba MUDAAHARAAD laga qabta magaalooyinka oo dhan oo looga soo horjeedo kala maqnaanshaha familada wa bilaahi Towfiiq.

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  19. amal ahmad says:

    asc dhaman wa idinsalamay gar ahan bahda soomali.com waxaan ahay hoyo somali waxan ku dhiilahay köbin wan kufarax sanahay banan baxaa hadanahay soomali waxaana dilata amusnaan dhib ka ugu wen waxay hesa taa hoyada soomali yeed oilmaheeda ka maqan wana qasoo qebgaleenaa hadanay walidin ta ilamahoda loodiday wana mahad san tihiin ilah waxan qarajeey neenaa guul

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  20. amal ahmad says:

    asc dhaman wa idinsalamay gar ahan bahda soomali.com waxaan ahay hoyo somali waxan ku dholahay köbin wan kufarax sanahay banan baxaa hadanahay soomali waxaana dilata amusnaan dhib ka ugu wen waxay hesa taa hoyada soomali yeed oilmaheeda ka maqan wana qasoo qebgaleenaa hadanay walidin ta ilamahoda loodiday wana mahad san tihiin ilah waxan qarajeey neenaa guul

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  21. Ku. Ciday Khusayso says:

    SI FIICAN AYAAD U WADA HADLAYSAAN, LAAKIN WAXAAN JECLAAN LAHAA INAAD LA HADASHAAN CIDAY KHUSAYSO, OO AAD COMMENT KIINA KU QORTAAN HALKAY KU HABOON TAHAY EE AY DADKA SWEDISHKA AHI INAGU FALANQAYNAYAAN…..TUSAALE AHAAN HALKAN OO KALE…

    http://www.newsmill.se/artikel/2011/04/22/upp-till-bevis-politiker-vad-var-verenskommelsen-v-rd-f-r-somaliska-familjer
    Hadii uu qof idinka mid ahi akhriyo commentiskan, waxaan hubaa inuu hore ticket u raadsan doono… si uu u noqdo… waayo lama adkaysan karo ilaa xad siday inoo la hadlayaan…
    Ibrahim

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  22. ifraax says:

    kkkkk

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0