Heshiiskii dowlada iyo xisbiga MP oo qarka u saaran burbur

9

Rajada kaliya ee ay leeyihiin qoysaska aan caruurta lahayn iyo dadka la soo korsaday ee doonaya in ay Sweden ku midoobaan ayaa ahayd in la hirgaliyo heshiiskii dowlada iyo xisbiga Miljöpartiet ay ka gaareen arimaha Socdaalka.

Sanadkii hore ayay ahayd markii wasiirka Socdaalka Sweden Tobias Billström iyo haweeneyda Xisbiga Miljöpartiet u qaabilsan arimaha Socdaalka ay saxaafada u sheegeen in reeraha soomaalida la mideyn doono 1 July , iyagoo intaas ku daray in kama dambeys bish Maarso 2012 ay soo bandhigi doonaan mooshin ku aadan arintaan.  Balan qaadkaas waxaa ku jiray in wax laga qaban doono reeraha caruurta leh, kuwa aan caruurta lahayn, caruurta la soo korsaday iyo dadka iyaga oo dacwada sugaya 18 sano gaaray.

Intaas waxaa ka dambeeyay in bishii Janaayo ay Maxkamada Sare ee Socdaalka soo saartay go’aan shuruudii ka qaaday reeraha caruurta leh balse aan ka hadlin dadka kale ee dhibaatadu haysatay. Lagama rajo dhicin ee waxaa loo hanweynaa mooshinka ay soo bandhigi doonaan xisbiga MP iyo Dowlada. Balse nasiib daro waxaa dhacday in Dowlada ay dib uga guratay arintii, oo ay hogaaminayaan xisbiga Moderaterna. Waxay ka bexeen balan qaadkoodii waxayna meesha ka saareen in wax isbedal ah lagu sameeyo sharciga.

Intaas keliya ma ahan ee waxay ka bexeen qeybo badan oo ka mid ahaa heshiiskii ay la gaareen xisbiga MP sida in daryeel caafimaad la siiyo dadka aan sharciga lahayn iyo in caruurtooda waxbarasho la siiyo.

Isbuucii hore waa anagii soo daabacnay in mid ka mid ah labada Afhayeen ee xisbiga Miljöpartiet Ã…sa Romson ay ku hanjabtay in ay ka baxayaan heshiiskii dowlada haddii aan wax laga qaban kama dambays bisha Augusti. Hadana waxaa sidoo kale hanjabaadii ku celiyay afhayeenka labaad ee xisbiga MP Gustav Fridolin oo sheegay in heshiiskii uu qiimo la’aan noqday maadaama aysan dowladu diyaar u ahayn in ay dhaqan galiyaan. Waxa uu sheegay in xisbigiisu ay ka bixi doonaan heshiiskaas.

Hadalka Gustav Fridolin ayuusan marna ku soo qaadin arimaha mideynta reeraha balse waxa uu ka hadlay arinta daryeelka caafimaadka ee dadka sharciga aan lahayn. Waxaa u malaysaa in dowladu ay ku guuleysatay in ay dadka ka dhaadhiciso in arintii mideynta reeraha la xaliyay oo lagu xaliyay go’aankii maxkamada. Waloow go’aankaas uu xal u keenay dadka u dacwoonaya caruurtooda balse intii kale wali wax xal ah looma haayo. Mana muuqato in ay dowladu soo wado wax la taaban karo oo arintaas ku saabsan.

Haddii uu guud ahaan burburo heshiiskii dowlada iyo xisbiga MP ayay u badantahay in mudo dheer la sugi doono in wax kale oo niyada lagu dhisto ay ka soo baxaan dhinaca dowlada.

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here