Hey’adda deeqda bixisa ee SIDA oo kulan la qaadatay urrurka soomaalida Iswiidhan

0

Magaaladda Stockholm ee caasimadda Iswiidhan waxaa habeenimadii xalay ahaa kulan iskugu yimid soomaalida iyo hey’adda dalkaan Iswiidhan u qaabilsan horumarinta iyo deeqda dibadda ee SIDA.

Kulan oo ka dhacay  xarunts Kista träff ayaa waxaauu ahaa kulan loogu gogol xaarayey kulan la filayo inuu qabsoomo bisha soo socota ee sibteembar, kaas oo laga arrinsan doono is kaashi dhex mara labadda dhinac iyo siddii arrintaasi talaabo loogu qaadi lahaa. Urrurka isbaheeygsiga soomaalida Iswiidhan ayaa sheegay in baahan yahay in muhiimadda la saaro marka laga hadlayo taageerada Iswiidhan uu bixiyo  iyo iskaashiga horumarineed.

‘Kuwaas oo ah siadex arrimood oo la sheegay inuu muhiim  yuhiin , waxaana ay kala yihiin Kor u qaadista  tacliinta, dhismaha kaabiyeyaasha dhaqaale iyo ganacsi dhex mara Soomaaliya iyo Iswiidhan, sidaas waxa idaacadda raadiyo Iswiidhan laanteeda soomaaliga u sheegay  Habene Xasan oo isbaheeysiga ka tirsan.

“Aqoontu waxay baabi’isaa jahliga. Soomaaliya maanta waxay u baahan tahay inay ka baxdo halkii uu jaahilka iyo qabqabluhu hagi lahaa ee loo soo hor-marin lahaa aqoon-yahanka” ayuu yiri Habane  oo ka waramayey ujeeda dhabta ah kulanka ay la yeesheeyn hey’adda deeqda ee SIDA.

Somaliska.com/SR Somali

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here