Hilib 19-sano jirsaday oo lagu iibiyo dukaamada Sweden

13

Dukaamo ku yaala magaalada Stockholm iyo Göteborg ayaa la sheegay in ay iibiyaan hilib la qalay19 sano ka hor. Hilibkaan ayaa waxaa dabagal ku sameeyay hay’ada maamulka deegaanka oo hada shirkadii soo saartay dacwo ka gudbisay.

Hilibkaan oo aysan cadeyn in uu yahay hilib xalaal ah iyo in kale ayaa waxaa la sheegay in qaarkiis uu gaaray Poland halkaasoo ay diiday dowlada maadaama uu hilibkaan waqti badan kaydsanaa. Waxaa la sheegay in hilibkaan wali la cuni karo balse qofka cuna uusan ka helayn wax nafaqo ah ama uu xitaa haddii uu cuno wax badan uu ku sumoobi karo.

Hilibkaan ayaa la sheegay in shirkad ay iibsatay sanadkii 2009 balse la soo saaray sanadkii 1993 kaasoo hada laga badalay waqtiga dhicitaanka oo ay ka dhigeen sanadka 2013. Shirkada dukaamada ka iibisay hilibka ayaa hada balan qaaday in ay dib u so ceshan doonto hilibkaas.

Arintaan ayaa shaki badan galinaysa hilibka laga cuno Sweden qaasatan hilibka xalaasha ah oo xitaa aan la xaqiijin in la marsiiyay nidaamka saxda ah. Sidee u aragtaan arintaan?

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here