Hogaamiyaha xisbiga cunsuriga ah ee SD ,Jimmie Åkesson oo la weeraray

15

original[1]Hogaamiyaha Xisbiga cunsuriga ah ee Sweden Democrats Jimmie Åkesson ayaa shalay galab qof dumar ahi ku weerartay oo ay wajiga oga dhufatay doolshe ama keek hadaba sida loo yaqaan, xili uu ku sugnaa xaafada Södermalm oo Stockholm ku taala. Åkesson waxa ku guda jiray xiliga weerarku dhacay saxiixida boog cusub oo uu soo saaray oo magaciisa la yiraah “Satis Polito” kana hadlaya siyaasada xisbiga uu hogaamiyaha u yahay . Haweenayda falka gaysatay ayaa la sheegay in ay ka mid ahayd dad 100 gaarayey oo ka soo horjeeday siyaasada xisbiga midigta-fog kuna banaan baxayey oo diidanaa book saxiixda goobta ka dhacaysey waxaan wararku intaas ku dareen in banaan-baxayaashu ay sii bateen markii wareerku dhacay ka dib. Haweentii falka gaysatay ayaa boolisku qabtay oo xiray waxaana dhaleecayn loo soo jeedshay booliska gaar ahaan Säpo oo lagu eedeyey in ay ka gaabisay difaaca Jimmie Åkesson maadaama Säpo ay ka musuul tahay ilaalinat xildhibaanada.

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here