Hogaamiyaha xisbiga cunsuriga oo aan la marti qaadin

0

Hogaamiyaha xisbiga cunsuriga ee SD ayaa loo diiday in uu ka qayb galo xaflada cashada ee loo sameeynayo marti sharafta ku guulaysatay bilada Nobelka. Sidii caadada ahayd xaflada ayaa lagu marti qaadi jiray qoyska Boqortooyada, wasiirada iyo dhamaan hogaamiyaasha xisbiyada baarlamaanka.

Balse sanadkaan ayaan lagu marti qaadin Jimmie Ã…kesson oo ah hogaamiyaha xisbiga Sverige Demokraterna (SD). Gudiga Nobelka ayaa sheegay in afkaarta hogaamiyaha SD ay ka soo horjeedo mida Nobelka sidaa darteed aysan macquul ahayn in qof cunsuri ah lagu marti qaado xaflad nuucaan ah.

Jimmie Ã…kesson ayaa sheegay in uu la yaabay go’aanka ay qaateen gudiga Nobelka asagoo sheegay in uu niyad jabay. “Aad ayaan ula yaabay in ay go’aansadeen in ay aniga kaliya meesha iga saaraan” ayuu u sheegay Jimmie Ã…kesson idaacada Sweden.

“Waxay iila muuqataa in arintaan ay ka dambeyso arimo siyaasadeed” ayuu hadalkiisa ku soo gabangabeeyay.

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here