Hogaamiyaha xisbiga Social Demokraterna oo is casilay

Gudoomiyihii mudada dhow la magacaabay ee xisbiga Social Demokraterna Håkan Juholt  ayaa ku dhawaaqay maanta in uu xilkaas iska casilay.

Juholt ayaa saxaafada isugu wacay magaalada uu ku soo koray ee Oskarshamn isagoo saxaafada u sheegay in uu iska casilay xilkii gudoomiyaha xisbiga. “Waan iska casilay xilkii gudoomiyenimada hada ka bilaabta” ayuu yiri Juholt.

“Waxaan ku dhashay Social Demokrat waxaana ku dhimanayaa sidaas. Xisbigaan nolosheydii isaga ayaan u soo shaqeeyay” ayuu hadalkiisa ku daray.

Juholt ayaa rabshado kala kulmay mudadii gaabneyd ee uu hogaaminayay xisbgia Social Demokraterna oo isaga ka hor ahaa xisbiga ugu weyn Sweden hadana taageeradiisa ay aad hoos ugu dhacday. Juholt ayaa xitaa lagu eedeeyay in uu qaatay lacag badan oo guri kabis ah balse markii dambe dambigaas waa lagu waayay.

Waxa uu sheegay in xisbigu aad ugu baahnaa waji cusub markii looga adkaaday doorashadii sanadkii 2010 balse wajigii cusbaa sidii la rabay ma uusan noqon, waxa uu qirtay in uu sameeyay qaladaad dhowr ah.

Warbaahinta ayaa sheegtay in qaar badan oo ka mid ah xubnaha xisbiga ay dalbadeen in booska laga cayriyo ninkaan oo taageeradii xisbiga dhulka la galay.

Haweeneyda xisbiga xoghayaha ka ah ee lagu magacaabo  Carin Jämtin ayaa la filayaa in ay la wareegto booska gudoomiyaha si ku meel gaar ah ilaa inta laga qabanayo shirweynaha xisbiga.

Faafi mowduucaan

Jimcale

Asc ku soo dhawaada Somaliska.com. Waxaan rajaynayaa in aad ka faa’idaysateen mowduucaan isla markaana aad fikrado qiimo leh ku darsan doontaan. Xumaan, qabyaalad, aflagaado iyo arimaha siyaasada Somaliya waa ka manuuc halkaan. Fadlan aan iscaawino oo su’aalaha qofkii jawabaha haya dadka ha u faa’ideeyo. MAHADSANIDIIN!

Akhriso mowduucyo kale oo xiiso leh...

7 Responses

  1. muhdeen jama says:

    asc dhaman akhyarataa somaliska.com gaar ahaan jimcale add baan kuu salamay sxb siyasi anan lacaag haadiin maa jiiro ee lakeen waxaan oo malaynayaa inaay gabar kuu ficantahy ,,, waayo sweden badaanaa naago oo baa hore buudaa,,,loool

    U codee: Thumb up 1 Thumb down 5

  2. filsan says:

    kkkkk …. hadalka nagu xirtay muhden soo sorry jimcale adine dulqado please any way gud bye

    U codee: Thumb up 1 Thumb down 0

  3. Cabdi says:

    Juholt inuu baneeyo ayaa u sumcad wanaagsaneyd xisbiga S sababtoo ah tageeradda xisbiga ayaa hoos u dhacday, marka hada iyo hogaan kale oo u roon Somalida danaheeda.

    U codee: Thumb up 1 Thumb down 0

  4. Abdukadir Hoshow says:

    Run ahaantee maalmihii ugu dambeeyay xisbiga S waxa uu kujiray xaalad adag oo ah ineey laciiftay taageeradii xisbiga waxaanse rajeenaa in xisbiga galo marxalad cusub kadibka hogaanka cusub ee lagu dooran doono sharweeynahay xisbiga oo dhawaan qabsoomi doona. Sida lawada ogyahay xisbiga Socialdemokraterna waa xisbiga ugu weeyn Sverige waxaanan isleeyahay Socialdemokraterna waxaa wadada guusha ku hogaamin kara Thomas Bodstöm oo ah rugcadaa siyaasi ah

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  5. Massago Till Håkan Jhlt says:

    Heleey wayaaba hooyiboow haka lusho haraadigaas
    Hawo malahan Håwkanee Hawyga Wareego Hiiradaaaan
    Hadoosa waa hagaajiseen minaad habaski hoojiseen
    Anoo u haayo hiilya hoo aw sii hyreeyay lägenhet
    Hidihiyahoow Hareer maree heysku haleeynin habaskaas
    Aniga waxeey ila tahay in loo dhiibo hawsha Karin Jämtin iidaa ugu afka dheer islaamaha <S< minii kale 10 bilood kastaba doorasha cusub waa galaayaan

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  6. nasra says:

    kkkkkk nabee ayaan daraa ku dhacday xisbigii

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  7. fatima says:

    waa qoslay walaahi gaaladii hadaa waa u shirbenaa

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0