Holland oo mamnuucday khaatka

12

Dowlada Holland ayaa mamnuucday iibinta iyo cunitaanka Khaatka oo si weyn uga  soo dega wadankaasi isla markaana loo qeybiyo wadamada kale ee Yurub sida Germany iyo Sweden.

Wasaarada Socdaalka iyo cadaalada ayaa sheegtay in la mamnuucay qaatka ka dib markii cilmi baaris la sameeyay lagu ogaaday in uu dhibaato ku yahay nolosha Bulshada qaasatan soo galootiga Soomaalida ah.

Dhibaatooyinka laga soo wariyay khaatka ayaa waxaa ka mid ah in dadka cunaa ay wadooyinka wasaqeeyaan, in ay qaylo badanyihiin isla markaana ay cabsi galiyaan dadka deegaanka.

Soomaalida ku nool Holland oo lagu qiyaasay 27,000 ayaa la sheegay in ay isdhexgalka ku liitaan taasoo uu qeyb ka yahay khaatku.

Khaatka ayaa hada si sharci ah uga soo degga Holland afar jeer isbuucii iyadoo wadanka la soo galiyo 843 tan oo u dhiganka lacag gaareysa 14 milyan oo euro. Khaatkaas ayaa loo sii qeybiyaa wadamada kale sida Germalka, Sweden, Norway iyo ilaa Finland. Khaatka ayaa sharci ka ah Ingiriiska iyo Holland oo keliya iyadoo sidoo kale ay jiraan wadamo badan oo Yurub ah oo aan si cad u mamnuucin.

Booliska Sweden oo dhibaato ku qabay baaritaanka khaatka ayaa soo dhaweeyay mamnuuca ay soo rogtay Holland.

Si kastaba ha ahaatee, mamnuuca lagu soo roggay khaatka ka soo degga Holland ayaa la filayaa in uu saameyn weyn ku yeesho khaat cunayaasha ku nool Sweden iyo wadamada la dariska ah oo isha ugu muhiimsan ee ay khaatka ka keeni jireen ay ahayd Holland.

Mamnuuca ayaa hirgali doona sanadka nagu soo aadan.

 

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here