Holland oo si rasmi ah u mamnuucday Khaatka

24

Dowlada Holland ayaa maalintii sabtidii si rasmi ah u mamnuucday cunida iyo iibinta khaatka. Holland ayaa khathoray u ahayd saldhiga ugu weyn ee Khaatka laga soo dajiyo kaasoo lagu iibiyo wadanka iyo wadamada kale ee qaarada Yurub.

Mamnuuca khaatka oo lagu dhawaaqay sanadkii hore ayaa dhaqan galay isbuucii la soo dhaafay. Sababta ay dowlada holland u mamnuucday khaatka ayay ku sheegtay in uu abuuray dhibaatooyin xaga bulshada ah qaasatan bulshada Soomaalida oo la sheegay in ragga cunna khaatka ay noqdaan kuwo qaylo badan, qashin badan wadooyinka ku reeba iyo isla markaana reerahooda aan masuul ka noqon.

Ilaa 10% ragga Soomaalida ee ku nool Holland ayaa la sheegay in khaatku uu si ba’an u dishay. Mamnuuca khaatka ayaa la sheegay in Holland ay bartilmaameed kaga dhiganayso Soomaalida ee aysan ahayn arin ku saabsan muqaadaraad ama dhibaato kale oo uu khaatku sababo.

Sanadkii la soo dhaafay ayaa Holland waxaa la soo galiyay khaat lagu qiyaasay lacagtiisa 18 milyan oo dollar oo laga soo dhoofiyay dalka Kenya. Beeralayda Kenya ayaa hada cabasho weyn ka muujiyay qasaarada la soo darsi doonta marka mamnuucaan uu hirgalo.

Mamnuuca Khaatka ayaa ah arin u wanaagsan wadamada kale ee Yurub qaasatan Sweden oo khaatka lagu iibiyo uu ka soo galo dhinaca Holland. 16 wadan oo ka tirsan Yurub ayuu hada khaatku mamnuuc ka yahay.

Hadaba sidee u aragtaa mamnuuca Khatka ee holland? Ku darso fikradaada…

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here