Hoos ma iskula hadalnaa?

Dhowr bilood ka hor waxaan la kulmay nin Falastiini ah oo aan ka sheekeysanay arimo badan oo la xiriira soo galootiga qaasatan Soomaalida. Waloow ay Carabta iyo Soomaalidu aad isugu dhow yihiin qaab dhaqanka hadana ninkaas waxa uu ii soo bandhigay cabashooyin badan oo uu ka qabo qaab dhaqanka Soomaalida. Waxaan isku dayay in aan difaaco Soomaalida isla markaana aan eedeeyo Carabta balse waxaa ii cadaatay in aanan guul ka gaareyn difaaca Soomaalida waayo arimaha uu ninkaas ka dhawaajiyay waa kuwo iska waadixa balse waxaan ku heshiinay in aysan Soomaalida keliya ahayn ee soo galootiga kale ay dhibaatada la wadaagaan.

Cabashooyinka ninkaas uu ka hadlaayay waxa uu ii sheegay in ay tahay mid isagu uu fahmaayo balse uu u cabsanaayo sumcada soo galootiga iyo qaasatan tan Soomaalida oo uu sheegay in dhaqamada qaarkood ay aad uga yaabinayaan dadka u dhashay wadanka. Waxaa ka mid ahaa waxyaabaha uu ii sheegay in uu magaalada ku arkay 3 dhalinyaro Soomaali ah oo sheekeysanaysa iyaga oo wadada goynaya oo dhawaqooda laga maqlayo agagaarka oo dhan. Waxa kale oo uu soo bandhigay waalidiinta caruurtooda garaaca iyo dhibaatooyin kuwaas ka badan.

Markii aan sheekada sii wadnay ayaa waxaan isla keenay fikrad ah sida lagu xalin karo arintaan iyadoo ay noqotay in wacyi galin la sameeyo. Waxaan isla garanay in ay haboontahay in la qabto shir ay ka soo qeyb galaan inta badan Soomaalida kaasoo HOOS LAYSKULA HADLAAYO oo runta laysku sheegayo isla markaana ceebaha iyo qaladaadka lagu soo bandhigayo. Arintaas waxay iila muuqatay mid macquul ah waloow isagana aan ku iri waa in aad shir u qabataa carabta maadaama iyaga xitaa ay sameeyaan ficilo guracan sida waxa loo yaqaan dilka sharafta oo aan Soomaalida ku badneyn balse gaaladu u haystaan in Islaamku farayo.

Muhiimadu waxay tahay shirkii ma aanan qaban balse wali madaxayga kama bixin hadase waxaan higsanayaa in wacyi galinta aan ka bilowno halkaan oo aan HOOS ISKULA HADALNO. War Caliyoow iyo Caashooy waan ognahay dabeecadaha qalafsan ee xitaa markii dib loo fiiriyo aysan diinta Islaamku ogoleyn ee aad maalinkasta sameysaan. War aan dib isku fiirino oo aan isqiimeyno.

Sumcada Soomaalidu waa mid sii dhimaneysa balse dib u qabasho leh, wali ma aanan gaarin heerka bulshada Romaha balse haddii aanan is daba qaban mudo gaaban ka dib waan ka hoos mari doonaa inagoo la dagi doona magaca diinteena sharafta leh. Qofkasta waa in uu kan la saaxiibka ah iyo kan la walaalka ah runta u sheegaa oo layska dhaafaa dabeecadaha qalafsan ee wax u dhimaya magaceena isla markaana naga hor keenaya bulshada aan ku dhex noolnahay.

Waa dood furan…Hoos ku soo qora dhaqamada qaabka daran ee aad aragteen >>>

Faafi mowduucaan

Jimcale

Asc ku soo dhawaada Somaliska.com. Waxaan rajaynayaa in aad ka faa'idaysateen mowduucaan isla markaana aad fikrado qiimo leh ku darsan doontaan. Xumaan, qabyaalad, aflagaado iyo arimaha siyaasada Somaliya waa ka manuuc halkaan. Fadlan aan iscaawino oo su'aalaha qofkii jawabaha haya dadka ha u faa'ideeyo. MAHADSANIDIIN!

Akhriso mowduucyo kale oo xiiso leh...

23 Responses

  1. Abuxudayfah says:

    Asslamu Calaykum : Jimcaale walaal run ahaantii boogtaan aad damqiday dikaankeeda waaba ka joogi waayay .

    Run ahaantii dhibaatadaan waa dhibaato aad u gallaafatay Sumcadeenii , haddana sidaa oo ay tahay dabo qabasho waan leena , run ahaantii Bulshada Roomada ayaan ka hoos maraynaa haddii aanan la is daba qaban .

    Dhaqamada Laga Roonya ee Bulshadeena Samayso Waxaa Ka Mida :

    1: Codka dheer , waxaa mararka qaar arkaysaa , islaamo ama dhalinyaro dabaqa 4 aad ama ka hor saaran oo mid dhulka taagan la hadlaysa !!

    2: Jidadka La Dhoobanaa : waxaa arkaysaa Jidad la iska turanya , oo haddana xayn xayn in ta la iskula istaago la qaylinaa !

    3: Qashinka aan La Kala Soocayn , laguna hagaajinayn meeshiisa , amaba mararka qaar caruurta inta loo soo dhiibto Guriga Qashinka Hor dhigaa .

    4: Guryaha Marka la joogo , oo iyana la Buuqo.

    Eedaheenu ma yara , waxaanse isleeya waa kala horeeyaane , intaan waa inta Gallaafan Karta Sumcadeena ! Awalaa Anuu Xumaa Xoon i Qaniinay , hadda awalba inagoo iska daalaa dhacaynay , haddii ceebahaan aan leena waa dhibaato kale balse waa in si deg deg loogo hawl galaa , oo magaalo walba Jaaliyada degan arimahaan baraarujis ka samaysaa isla markaana qof walba Subcada Dadkiisa Masuul ka Noqdaa .

    Qiso Yar : Dhacadaan waxay la xariirtaa hadalka kor u qaadida , maalin aniguu ka soo socda dugsiga/iskuulka , ayaa jid waxaa iiga hor yimid m caruur soomaaliyeed oo Dugsi Quraan ka soo baxday .

    Ilmubu waxay ahaanyeen 3 ilaa 4 canug oo wiilal ah , marka way qaylinayeen , isla markaana iyagaa dhexdooda wax isku haystay .

    Waan salaamay , markaa ayaan ku dhahay : Ma fiicna in kor loo qayliyo , oo deriska dad waayeela ayaana xaafadahaan degane aayar iskula hadla .

    Mid dhalinyaradii ka mida ayaa igu Yiri : ANAGA SOOMAALIYAA NAHAY !!!

    Aad baan u dhaygagay , runtii balse waxaan ogaaday in caunagaa uu hadalkaa Xaafada ama meel kale kasoo maqlay , marka walaalayaal waxaan hadalka ku soo afmeeraa , arimaha subcadeena dhaawici kara waa in aan deg deg u Joojinaa .

    Jidad la is istaago , iyo iyadoo la buuqana , Diintu waa inagooga digtay , oo Nabiga asxaabta waxa auu ku yiri jid ka fariisanina ilaa xaqeeda siisaan mooyee, xaqqana waxaa ka mida in dadka la samaalo dumar maraana aan la eeg eegin , isla markaana wax dadku dhibsanayaan aan la samayn .

    Sidoo kalama Deriska waa la mid , Islaamkuna Waqtiga Qiimihiisa waa Na Baray !

    Dood Furan Waalaha Kale …….

    U codee: Thumb up 5 Thumb down 1

    • abdorahman says:

      ascww dhaqamada aan arkay waxa ka mid marka hospitaalada la joogo wxad arkaysa hooyo dhowr caruura wadata oo qolka jawaab sugida fadhida caruurtuna ay qaylinayaan ama ay oynayaan iyaduna kadab qaylinayso meeshana dad waawayn ay fadhiyaan oo dhibsanaya qaylada wa wax aan wanaagsanayn dadkana layaab ku ah marka walaalayal sumcada bulshada hala ilaaliyo barnaamijkan aad ayan utaagayrayna insha alah wa inlaga wada shaqeeya sumcada bulshada say u hagaagi lahayd ……………………………………………………………….

      U codee: Thumb up 1 Thumb down 0

  2. maxamed says:

    wad ku mahadsantihin sheekadan maanta aad sogudbisen jimcale horta waxa jira dad badan oo nadabku ka maqanyahay hada waxad ka soqada ilmaha yar ee yiri anaga waxan nahay somali wuuxuu ka maqlay walidkii oo saas leh marka somaliyey halaa xishodo oo halaisdhoro shirkada somaliska wa katalo xaata waxa jira reer aan aniga daariis nahay oo saas ah iskama qadan qashiinka qashinka guurigi wa lagaso saray laakiin in laa geeyo meshii lobaxna lama garan waxa kaso horjeeda nin iswedhisha maliin kasta wa dood iga qada qashinkan iyo iga daa qeelida gaalyahow mida kale naag iswedhisha ayaa aniga igu tiri somalida ma hada ugu horaysa telifoon waxan ku jawabay maya markasay igu tiri dee maxa ugu wacan markasta qofkasta aad indha ha saarto wuuxuu ku mushqul sanyahay telifoon waxana u badan dumarka hala xishodo somaliyey mahadsanid

    U codee: Thumb up 4 Thumb down 0

  3. zamzam says:

    asc aniga wax
    an dhihi lahaa soomaalidu aad ayan aniga ba uyaabay ilaah hasoo hanuniyo kuwaan dhaqan ka xun ku dhaq mo lagu daqmaa allaha toosi yo dad keena wanagsan oo wada mus lin ka ah

    U codee: Thumb up 3 Thumb down 0

  4. daade yare says:

    salaan sare

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  5. xamsa says:

    scw jimcaale walaal waxan kuwaydiiyay ma ii sheegi kartaa adarayska maxkamada yurub waxan rabaa inaan codsi uqorto waxan ahay wiil soomaliyed dagan swedan mudo 4sano sharciga la iidiiay wadanka wan kaa saarayna ayay dhahen waxan haysta xaas iyo laba cunug

    U codee: Thumb up 3 Thumb down 0

  6. xamsa says:

    jimcaalow waxankaa iloobay xaaska iyo caruurta sharci ayay leeyihin

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  7. Amin says:

    Jimcale jazakalah hawshan fiican ee aad umada u hayso. dadku ma wada dareemayaan ceebaha ay samaynayaan, dhaqan keena Geelaydana ceeb kuma aha in la buuqo ee waaba la isku amaani jiray ruuxa aamuska badan ama hadalkiisu hooseeyo waaba la isku caayi jiray oo wuxu ahaa qof aan Geel qaadi karin kiisana dhacsan karin. caalamka oo dhana waa la inagu yaqaan qaylada iyo buuqa lakiin maaha in aan sharciyaysano ee waa in aan ku dadaalno in aan iska reebno inkasta oo ay mudo dheer iyo jiilal badan qaadan doonto sidaan filayo.

    U codee: Thumb up 1 Thumb down 0

  8. jimale says:

    War sxb anigaba arinkaa wan arkay, ee lakiin maxuuu xalku noqonkaraa, dadbadan ayaan damcay in aan arinkaas kala hadlo, nasiib daro waaba ila dagaaleen

    U codee: Thumb up 2 Thumb down 0

  9. fikrad cusub says:

    Hidden due to low comment rating. Click here to see.

    Fikrad aan lala dhicin Thumb up 0 Thumb down 5

  10. Amin says:

    Xamse sxb jawaabta Jimcale hadii aan ka hordhaca dad badan ayaa arintan ku jira ama kasoo gudbay waxaan kugula talin lahaa in aad Loyar adeegsato adiga codsigaaga waxa ka muhiimsan midka looyar janiska aad haysataana waa hal mar
    waa aragtidayda .

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  11. rashka says:

    a.s dhamaan aqyaarta, jimcaale sxb waa arrin jirto somali haddii aan nahay codka dheer inan ku wada hadalno wey jirtaa sxb , iyo in la arko somali istaagan bila amivno melaha köpcentrum-ka ah marka waxa muhim ah in aan codka hoos u dhigno shekadana an yareyno marka aan ku jirno melaha aan hadalka badana looga bahneyn sida bankiyada, hospitada iwm

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  12. Ahmed says:

    Asc
    Mahada 1aad ALLAH iska leh, 1aad jicmalle waad ku mahadsan tahay sida wanaagsan ee aad noogu daadihiso barmaamuj yada iyo dhacdooyinka carigan aan ku suganahay,

    Hadaan u soo gudbo Aragtidan ah WAR AAN HOOS ISULA HADALNO waa arin wanaagsan waana dhaqan xun oo aan caadeysano

    Balse waxaa iga su’aala bulshada soomaliyeed ee xiliyihii dambe sixun wax u aragu ku batay madareemi karaan dhibka dhaqanka xun uu u gaysan karo sumcada somaliyeed iyo wanaaga waanada iyo wax isusheegu leeyahay?

    Somalidu waxay ku maah maahdaa ( wax badan baad aragtaa wax wax ku siiya balse cid wax kuu sheegta maheshid) waanada wanaagsan waa noo dawo walal kaana waa laga qaataa, waana loo bahad cishaa

    Dhacdadii ugu dambeysan saaka ayaan u soo joogay laba dhalin yaro ah oo sifool xun u qoslaya oo walaalood kale oo somali ah ku jiri war walaalayaal hoos meesha waalagu badan yahaye

    waxay ugu jawaabeen soomaliya miyaan joognaa, xadiis rasuulka kasugnaaday csw ayuu usoo dareeriyay oo ku saabsan qosalka dheer iyo hadalka dheer

    aflagaado ayay ugu jawaabeen

    Subxaana llah
    Tawfiiqda alla hana waafajiyo ficiladeenana aan wanaagsano dhamaan masuuliada farabadan ayaa ina saaran shacsi kasta oo soomali ah oo qurbaha jooga waxa laga daalacanayo soomali waa asaga islaamka dadka laga daalacana yaana waa inaga

    wabilaahi tawfiiq

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  13. faysal says:

    asc , qaladaad ka somalida waxaa kamid ah, marki bus ka saran yahay qelidooda waxaa laga maqlaa qeba darawal ka fadhiyo, iyo bus ka dhexdisa marku tefon uso dhaco aad bay u qeliyaan, aniga waxaan maqlay in somalida mar baritaan lagu sameyay jamacada uppsala waxaana laga helay jirkoda Genetic ah in u dhikooda iska kac sanyahay habeen iyo malin waana waana wax ay u dhasheen, marka aniga fikir kayga waxay ila tahay in haduu qofka bulshada dhexdeeda ku qeliyo in la ganaxo, thats my opinion

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  14. ali says:

    waa been tiis carabka beenta badan leh ee falastiiniga ah ee cunsuriga ah aduunka waxa augu necbahay carabta waxaan ka jeclahay yuhuuda wlaahi waa aniga oo ah ali bergsjön.com

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 1

  15. Aden says:

    Asc dhamaantiin walaahi waa arin aad iyo aad aan udareemay shakhsi ahaan waayo waa rin markasta lagu xanto bulshada somalida ah.
    shalay ayay ahayd markii nin dhalinyaro ah oo kayimid somalia uu talfone kur oogu qayliyay dhamaan dadkii meesha joogay way wadada naxeen waan usheegay in dhaqankaan uubadalo lkn wuxuu iishegay in uusan goyn karin dhaqankaan
    waa arin ceed wayn ku ah somalida iyo ciraqiyiinta xitaa kor ayay uhadlaan intaada badan
    ayadoo arintu sidaas tahay ayaa hadana waxaa jiro dad somali ah oo aad udhaqan fiican oo runtii lagu dayaynkaro

    U codee: Thumb up 1 Thumb down 0

  16. gaani says:

    asc mahad dhamanteed eebbe weyne ayay u sugnaatay akhyaarta waanidin salaamay waa arin wanaagsan inaan si hoose isula hadallo
    markaan wax gadanayno iyo markaan safar ku jirro iyo markaeynu guryeheena joonoba mida kalae waa in la yareeyaa ku hadalka telefoonka bilaa macnaha ah
    waayo dhaqan ayay inoo tahay hadaynu in yar cidlo ah dareno inaynu saaxiibadeen telefoon ku garaacno kuna hadallo telefoonka ilaa muddo labasaacadood ugu yaraan
    nadaafadana waa ineynu ilaalainaa khaasatan dhalinyarada sigaarka cabta
    waxaan kalee oo la talinayaa dadka caruurta leh waa iney caruurtooda ku tarbiyadeeyaan hab dhaqanka wanaagsan iyo sida dadka loola dhaqmo iyagoo
    ilaashanaya diintoodooda iyo sharaftooda

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  17. awil says:

    ANIGU BUUQA IYO QEYLADA SOOMAALIDA MADAX XANUUN AYAAN KAQADAY OO NEERFO,
    MARKA SOOMAALI HADII AAN NAHAY WAAN WAALANNAHAY BALSE ISMA OGIN,
    MARKA WAXAAN U BAAHANNAHAY DAAWEYN, WAXA AAN KU DHAQANNO MA AHAN DIIN EE WAACAADO CUSUB OO FOOLXUN EE AAN KATANAASULNO.

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  18. bravom says:

    walaahi arin aan mar walbo is weydiiyo ayaa manta laga hadlay lkn su aasha is weydiinta mudan waxey tahay sidee loo badali karaa dabeecadaas , maxaase tartiib inaan u hadalno noo diiday hadaan nahay Soomaali ?? ceebteena Allaha astura walaalayaal , ceeb badan waa la arkay !!!

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  19. abdiqani says:

    asc walalayaal waa run waxyabaha nalaga shegayo lkn ma ahan mid aan ku heyno swedan kaliya waa aduunka oo dhan layaab malahan somali xitaa waxa ey dhaqankan buuqa bareyn umadii kale stockholm ayan ayaa nin carab ah ku arkay maalin waxa uu iyiri somalida caqli ayaa kabatay maxa ku aragtay ayan kudhahay waxa uu iigu jawabay waxaad arkeysaa somali arin muhiim kawada hadleysa hadane meelo qaali ah matagaayaan istaag ayeey kudhameysanayaan marka layaab maleh waa dabeecad xun ee yaa la isku dalin

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  20. Yaa la dhahaa Somali says:

    ASC dhamaan salaan kadib waa wax la ga fiican yahey inaad nafsadiina been u sheegtaan marka ha iloobin qofkastoo somali ah inaadan wax horumara aadan Dunidaan ka sameen karin, Tan xigta ma iloowdey in reer hebel aad tahey oo aadan aqoon qofkaleba inuu aduunkan joogo mana miisaantey iimaankaaga dhanka qabiilka iyo dhanka Diinta keebaa xoog badan ama culus.waxaa kaloo is weydiisaa matahey qof tashan kara, mise waxaad tahey qof aaminsan tuugsiga casriga ah kuna faraxsan Qaxootinimada dadkii aad ka soo tagteyna kuu arkaan qof wax tar leh, Runtii inaan Somali ahaado waan ku faraxsanahey laakiin inaan Somali nahey waa wax laga faano. hadii aad tahey qof is huba bal tijaabi ilamahaaga iney adiga ku raaceen ileen Anaga ma dhihin bulsho xadaarad leh ama taariikh lehe, wiil 15 oo Somali ayaa maalin ilmo Swedish ah wey diiyeen meesha uu aadaayo xiliga kuleelaha markaas ayuu ku dhahey Abaheen wadankiisa nooma sheegin ee wuxuu na barey Qabiilka uu ka dhashey iney Power ful yihiin, waa wax lagu qoslo midkalaa ku ajnabi ku dhaheen anaga xagaagaan wadan keena ayaan aadeenaa markaas ayuu ku dhahey aniga inta ayaan joogaa, markii la weydiiyey maxaa wadankaaga ugu xagaa bixi weysena wuxuu yiri Aniga wadan keyga xaguu ku yaala dagaala ka socdee, marka is weydii adiga ilamaha sidaa ah ee murugta ku koraya oo kuriga eey ku noolyihiin labdiiba dhahshey nolosha somalia taala ku dhex jira hurumarka aad ka sugeyso wadan malihid ha iloobin dadka aad la nooshaheyna waxey kuu arkaan qof aanan cilimiga dunida ka jiraba aqoon marka qaar Somalida waxa lagu dhaha waxaan adiga ma taqaanid qofka somaliga markaa wuxuu u arkaa in la cunsuriyeeynaayo laakiin xaqiiqda midaa waa ka fogtahey oo markii aad wadan kaan iska dhiibeysey ayaa laga yabaa inaad sheegatey wax ma qoro mana aqriyo marka adinkey idiin taala Somali wiligiin dhaha meelkasta oo aduunka waa nala nacey ama waanala cunsuriyeeyaa. Wabilaahi towfiiq.

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  21. sak says:

    Mashallah Abuxudayfah ayaa hadalki oo dhan gontiisa taabtey.Jsk!

    Anigu waxa ku daraya mobilka plz ha ku hadlina basaska dhexdiisa, haday wax muhiim ahna tahayna ha badnina hadalka.Dad badan oo daalan oo skuul iyo shaqo ka so baxay ba idin dhibsanaya.Oo qayladu madaxa ka galeysa.

    U codee: Thumb up 1 Thumb down 0