Hooyo Soomaaliyeed oo ku guuleysatay bilad caalami ah

10

Hooyo Soomaaliyeed oo lagu magacaabo  Hawa Aden Mohamed ayaa ku guuleysatay bilada caansanka ah ee (Nansen Refugee Award) oo la siiyo dadka ka shaqeeya arimaha qaxootiga ee ay bixiso Hay’ada UNHCR. Bilada ayaa lagu siiyay hooyada oo waxbarasho iyo dib u dajin u samaysa dumarka Soomaaliyeed.

Hawa Aden oo xarun lagu magacaabo Galkayo Education Centre for Peace and Development (GECPD) ugu furantahay magaalada Galkacyo ayaa ilaa sanadkii 1995 waxay ka shaqaynaysay waxbarashada gabdhaha, daryeelka gabdhaha loo geystay gacan hadalka iyo gudniinka fircooniga ah. Maamada oo gaalkacyo looga yaqaano “Eedo Xawo” ayaa ah qof caan ka ah bulshada ay ku dhex nooshahay si weyna looga xushmeeyo hawsha muhiimka ah ee ay u hayso gabdhaha Soomaaliyeed.

Maamada ayaa lafteeda waxay ahayd qof qaxooti ah, sanadkii 1991 ka dib burburkii dowladii Soomaaliya ayay u carartay dalkaasi Kenya iyadoo uga sii gudubtay Kanada oo ay ilaa 1995 ku nooleyd. Balse waxay go’aansatay in ay isaga laabato qurbaha oo dalkeedii hooyo iyo dadkeeda wax u qabato. Xawo Aaden ayaa ah qof aad u jecel waxbarashada, waxay jaamacad 8 sano ah uga soo baxday dalka India oo ay ka baratay quudinta iyo horumarinta caruurta.

Xarunta ay furtay Xawo Aden ayaa waxaa wax ka barta qiyaastii 250 gabdhood iyo wiilal, gabdhaha ayaa loo dhigaa waxbarashada caadiga ah iyo waxbarashada xirfadaha. Wiilasha ayaa sidoo kale la baraa waxbarashada xirfadaha si ay u shaqeystaan.

Agaasimaha guud ee hay’ada UNHCR António Guterres ayaa sheegay in marka hooyo Xaawo ay gabaryar gacanta ku dhigto in ay nolosheeda dib u soo noqoto. Waxa uu  sheegay in biladu ay tahay aqoonsiga iyo mahadcelinta hawsha muhiimka ah ee ay qabato Xaawo Aadan.

Hooyada ayaa waxaa sidoo kale u hambalyeey aktarada caanka ah ee Angelina Jolie oo ku tilmaantay Xaawo aadan in ay tahay qof geesi ah oo nolosheeda u hurtay horumarinta nolosha dumarka qaxootiga ah iyo waxbarashada gabdhaha yaryar.

Maamada ayaa markii loo sheegay in ay ku guuleysatay bilada caalamiga ah waxay sheegtay in aad ugu faraxsantahay isla markaana ay la qeyb sanayso dadka la shaqeeyo oo ay sheegtay in aysan la’aantood waxba noqoteen.

Bilada Nansen Refugee Award ayaa ah biladaha ugu muhiimsan ee ay bixiso UNka, biladaan ayaa la aasaasay sanadkii 1954 iyadoo ilaa hada la siiyay 60 qof iyo ururo isugu jira. Biladaan ayaa loogu magacdaray nin lagu magacaabo Fridtjof Nansen oo ahaa Saynis yahan oo u dhashay dalka Norway, waxa kale oo uu ahaa agaasimihii ugu horeeyay ee Hay’adii hore ee ay badashay UNHCR. Qofka ku guulaysata bilada ayaa la siiyaa 100,000$.

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here