Hooyo Soomaaliyeed oo lagu amray in ay bixiso lacag ka badan 300.000 kr

Hay’ada Caymiska Sweden Försäkringskassan ayaa hooyo Soomaaliyeed oo ku nool magaalada Borlänge ku amartay in ay bixiso lacag gaaraysa 335 904 kr ka dib markii lagu qabtay in ay been ka sheegtay aabaha caruurteeda. Hooyada ayaa lacagtaan ku qaadatay lacagta caruurta aabaha aan lahayn (Underhållsstöd) iyo taageerada guriga (bostadsbidrag) balse hadda ayaa lagu amray in ay soo celiso lacagtaas.

Aabaha caruurta ayaa reerka la nool balse hooyada ayaa FK u sheegtay in uusan ahayn aabaha caruurta balse uu yahay nin ay qol ka kireysay. Balse dacwad qarsoon ayaa waxaa ka gudbiyay qof magaciisa qariyay oo u sheegay Hay’ada Caymiska in ninkaan uu yahay aabaha. Ka dib xiriir ay la sameeyeen Kamuunka Borlänge iyo baaritaano kale ayay cadaatay in hooyadaan ay been sheegtay sida uu qoray wargeyska Dalarna Tidning.

Bishii Janaayo ayaa hooyadaan laga goostay lacagtii la siin jiray isla markaana lagu amray in ay soo celiso lacagtaan aad badan. Qofka been u sheega Hay’ada Caymiska ayaa ugu horeyn lagu amrayaa in uu soo celiyo lacagtii uu qaatay balse xitaa mararka qaarkood ayuu qofku mudan karaa xabsi.

Arinta ku dhacday Hooyadaan Soomaaliyeed ayaa cashar u ah dadka kale, ee doonaya in ay si tuugonimo ah ku qaataan lacagta dowlada isla markaana been ka sheegaya guurkooda.

Faafi mowduucaan

Jimcale

Asc ku soo dhawaada Somaliska.com. Waxaan rajaynayaa in aad ka faa'idaysateen mowduucaan isla markaana aad fikrado qiimo leh ku darsan doontaan. Xumaan, qabyaalad, aflagaado iyo arimaha siyaasada Somaliya waa ka manuuc halkaan. Fadlan aan iscaawino oo su'aalaha qofkii jawabaha haya dadka ha u faa'ideeyo. MAHADSANIDIIN!

Akhriso mowduucyo kale oo xiiso leh...

31 Responses

  1. hodan says:

    asc Waxa aybo mudned xabsi madama ay qayamo wen sameysay gurkeda xalashane ayka Ben awurtay xagdin iyo xag dhaqane ayna ahen mid habon haku tusalaqatan dumarka la midka ah o hakaso labtan qaladkoda

    Fikrad lala dhacay Thumb up 19 Thumb down 1

  2. Kala degan says:

    Hidden due to low comment rating. Click here to see.

    Fikrad aan lala dhicin Thumb up 7 Thumb down 12

  3. ifka says:

    waa wax lalaa yaabo waayo sweden hadii aad qadato lacagta aaabaha iyo hadii kaleba markasta waxad hoosjoogta shooshaalka oo ku xiisabiinayo wiixii kusogala ee maxaay u sheegii waayday abaaha caruurta in uu joogo waxan oo dhiiba kuma dhaaceen walahay laacagta aabo la aanta waa biilka caruurta waxana ku qasban in aay biixiiiyan shooshaalka markastaa ee somalida magaranayo seey wax u faahmaan yaab lacagta aabo llanta waa biilka caruurta waxana ku qasbaan qoladaa ciirta

    Fikrad lala dhacay Thumb up 8 Thumb down 0

  4. Kaw says:

    Naago badan oo in ay waxbartaan diiday ragoodana iskala qora oo beensheega ayaa casharkaan iloo dhigo ubaahan

    Fikrad lala dhacay Thumb up 16 Thumb down 4

  5. Anzalooti says:

    Saana waa sugaayey maryooleey … Been ku Qaata lacagta Qayaanada.. waa mantageysiin lkn makeey Qaraxdo sheekada,,

    Fikrad lala dhacay Thumb up 9 Thumb down 0

  6. Somalida ayaga ayunbaa isku maqan qofka dacawadeeyey ee magacisa la qariyey baara waa somali walibana soo ogaada waa arin qabyalad dabada la galeyso lkn lagana fakarin ceebta kaga imaneso somalida waayo waan ogahay qoftani tolkeedaa u qaaramaya waana ka baxee mida kale lacagta halmar ma wada bixineso waa yaryarenesa lkn magac xumada inoo hareyso lagama fakirin ani waxaan arkay so.ali badano iska daba shaqeyso war qof walbow sirtada qarso anaga anaga unbaa cadaw isku ah is cebeyno wlh somalinimada waa laga xishoonaya xili aan fogeyn waayo waad aragteen wariyeyaashi reer australia ee rabay iney decumentary sameyan waxa öagu sameyey war fanaan kana heesi karo waa lo qabyaladenaya fadhi kudirir lacagta ay dowlada ka qaatan ururka riks 4.5 baa lo qeybsada 4 nin bey jeebkoda ku dhacda sxbyaal indhaha furoo somalay isu laabta aqliga ka shaqeysiya

    Fikrad lala dhacay Thumb up 16 Thumb down 1

  7. Quman says:

    Yaaalaha

    U codee: Thumb up 2 Thumb down 0

  8. Quman says:

    Ilaahay hakabaqaan somalidu aakhiraa danbaysee

    Fikrad lala dhacay Thumb up 7 Thumb down 0

  9. asraa says:

    wa kumacdahay waliba xabsii daaiman ah ayaa kusi fican iyada iyo qofkasta oo wax qiyaanto waayo muslim iyo galbaa waa xaraam in wax laga qiyaano

    Fikrad lala dhacay Thumb up 5 Thumb down 0

  10. Afhayeenka says:

    Hooyada waxa kabixinayo qabiil keeda

    U codee: Thumb up 2 Thumb down 3

  11. Naseem Mohamed says:

    Horta beentu waa wax aad iyo aad u xun diinteena macaan ee muslimka ahna ay naga xaraanti nimeysay. .. hase ahaatee aad hada moodaa arintaan dadbadan oo misaajidada u inta alle u dhowaanshaha ah kaagaga horeeyaan ineysameeyan sidaan hadii aad u sheegto ood dhahdo inkomst keena waa yar yahay xoogaa anaga masheeqo hada waa uun wadaadkeyga. .. waanada koowaad waa maxaad ciriiriga isku galiseen iskala habeeya marka atintaas oo iska nasiib daro ah qof weyn oo kugu waaninaayo been sheeg. …kowo hooyada iyo aabuhuba ay sheqeystaan balse hooyadu ay qaadan jirtay oo hal malyan oo boqol dhiman lagu soo dalacday baan aqaana oonana meelna isku soo qorin ee waxooda la aamusay oo aan anigu shaqsi ahaan ilaa hada is weydiiyo maxaa ku kalifay. .. marka alle subxana watacalla umadiisa xaqa ha tuso ileen markay xaaraan ku koriyaan oo laba waalid isaga raali noqdaan oo uu ilmihii weynaado wado qalada qaato ayey dhahayaan maxaa qaldan oon sameeyay ilmihii waa ayaga iga halaabeene. .. Subhanallah

    Fikrad lala dhacay Thumb up 6 Thumb down 0

  12. Mohamed Farah says:

    Bismillaah naagtu been badanaa ilaah haa sahlo beentu waa xaraan

    U codee: Thumb up 1 Thumb down 0

  13. qoolaab says:

    Baxsey baxsey, la qabey la qabey, baa ku xigta

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  14. umu Munasib says:

    Subxaanalah saw qofku islaam ma’ahan Walahi xabsiga waxaa ka drn “ina laahu sha diidi ciqaab” ceebta aduunka carada Ale ayaa keentay Alo xaqa hana tuso inshalah dhamanteen.

    U codee: Thumb up 1 Thumb down 0

  15. Omar says:

    Asc aad ban uga xumahey arinta ku dhacdey walaasheen waayo waa qof islaam ah hadane somali sii ah kuma faraxsani sababtoo ah waa wax saameyn nagu yeelanayo waxana u geeyey hunguri weyni waxan leeyahey illaah u towbad keen waxan ku fikirey hädan maanta miljoner ahaan lahaa in aan Ka bixin lahaa gudaha swedena Ka furi lahaa shirkad weyn oo ay ka shaqeynlahaa qof walbo oo muslim ah iyo somalida waxaana krav uga dhigi lahaa ugu yaraan inuu kasoo baxo juscama wabillaahi towfiiq.

    U codee: Thumb up 1 Thumb down 0

  16. mahadsos says:

    Waa mahad oo jooga Germany idinku xabsi iyo qayanaad kahadlaysan ilmahedii ayay qayaantay oo ay kadhigtay kuwo aysan kudhalin waxdiina illaah imaanka hanoosugo

    U codee: Thumb up 1 Thumb down 0

  17. abdirahman says:

    somaaliyeey alle ka cabsada oo beenta iska daaya hataa caruurta ayaad ka dhigeeysaan wacalo aabaha asagoo googu dhahaayo aniga ma dhalin caruurtan maxaa alle agtiisa u yaalo alle ka baqa oo iska daaya beenta aduunka waa labo maalmood

    U codee: Thumb up 1 Thumb down 0

  18. Hani says:

    Waa wax fiican in la dhaho soo celi lacagta maxaa yeeley diinkeeda ayey waxay ku qadatey lacag subhanallah

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  19. safiya says:

    Asc wax badso wax beel bay leedahay , hooyadan qarisay ninkeda wax bay Ku badso is lahed lkn waa Ku hungowday teeda kale waa run in soomaali is jaajuusto dal iyo dibad , ruuxan magacisa qariyay waxaa laga yaabaa inu yahay soomaali weliba qabiil salka Ku wato waa siduu hore u sheegay Duqa xaafada , marka Ruuxaan walaalkiis dabagalka jaajusnimada ah Ku sameeyayow qarashkaa laga soo celinaayo walaashaa tolow miyaa lagu siin doonaa???? , soomalaay isku naxariistoo joojiya qabiilka oo isku duubnaada , ogaadana in meel walba oo aad dalka dibadiisa ka joogto in aad wadaagtaan magaca Somalia , oo , aysan aduunku idiin aqoon qabiil iyo Somali kale oo aad ka tahiin uun hal soomaali.

    U codee: Thumb up 2 Thumb down 1

  20. cabdikarin guled says:

    sidan u maqlay naagta wa abgaal ninka shegeyna wa nin intakahor ayada furay oo ninka kale ka masersan ,ninka shegey naagta wa qabiilka baadicade

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  21. Alinajiib says:

    jimcaale arintaan iska soo hubi waayo DT ma qorin jibsiyada ruuxa dumarkaa lkn wuxuu shegay oo keliya in ruu dumar ah oo Borlange degen arintani ku dhacday ogada somali keliya madegana magalada lkn fadlan cadeyn hadad hayso nosheeg hadiikalena warkan kasaar raali gelina waa inaad ka dhiibtaa arintaan adan ka fiirsan
    mahad sanid

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  22. fat says:

    Waa wax laga xishoodo diinta islaamkana aanku jirin khiyaanadu balse tusaale bay u noqom doontaa dad badan oo is kala qora waana ku taageetsanahay go’aanka Fk

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  23. Sara says:

    Weey ku fiican tahay. Rinkeby iyo Tensta Ineey ka dhacda Ayaa fiicneyd.
    Aniga Naag Ninkeeda la,Dagan oo doowlada been u sheegto Ayaa Guri iga I jaaratay. Wax yar kadib Ayeey i tidhi iga Guur. Wallaahi Ilaah dartiis Ayaan isaga dhaafay mooyaane. Waan dacwoon rabay.

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  24. Ilkahay kala bexeen allaha ududeeyo maskiinta koley faqri ladirir aa u geeyay lakin maliibanaha jaajuus ayaa dabinka ku riday

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  25. asc wr wb dhamaan asxaabta fikirkeyga hadaan ka dhiibto way ku fiicantahay ganaaxa lamarsiiyay waliba waxaa u sii dhiman tii khiro ay ilaawday waayoo ayadoo xaalaal ku nool ayey ku faraxday in ay guurkeeda ka been abuurto war culumadii ayaa wacdi kala dalay oo yiri war waa xaaraam ee ka foojignaada way iska indha tireen waxayna la soo taagan yihin sxbtinimo subxanllaah ilaahay hasoo hadeeyo inta kale oo dhiman

    U codee: Thumb up 1 Thumb down 0

  26. Dheymaluula says:

    Ilaahoow ceebteena astur sharafta iyo muslimnida iyo magaca mala fiirinaayo lacag xaraan a loo indhacadeena imaanka Allaha nii sugo

    U codee: Thumb up 1 Thumb down 0

  27. ayan says:

    dadka somalida ah ilahay ha jecleyso dalkooda mawanagsana sidi dad aan dal lahen in lola dhaqmo somalalay toosa waaad huridaana

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  28. Ali says:

    arintan waa musiibo raga iyo dumarka somalida mawada xumo lakiin waan leenahay dadka dhaqan xumadaan ku dhaqmo oo aaqiro moog ubad ku dheel
    ereba waxaan ugu imid ubad aabahooda abti dhahayo
    qofka ubadkiisa dhahay waa wecel marqati uma baahno labadi iska dhashay ayaa sidaas shegtey ilaah halaga cabsado iilkii yaraay aya nasugaayo

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  29. CABDULAHI says:

    ASC.WALAALAYAAL ANAGE WAXAAN NAHAY DAD MUSLIMIIN AH MARKE WAXAA WAAJIB NAGU AH INAAN ISLAAM NIMADEENA AAN KA RUN SHEEGNO MARKE WALAALAYAAL DADKE SIDAAN OO KALE AH OO GUURKOODA XALAASHA AH KA BEEN SHEEGAAYO OO DHAHAAYO WAA KALATAGNAY AMABA SAAMBO AYAAN ILMO KU DHALAY WALAALAYAAL WAXAA OGAATAAN IN EEY JIRTO MAALIN ILAAHAY HORTIISE LA ISTAAGAAYO OO XUBNAHA BINI AADAMKA EEY HADLAAYAAN OO KUUGU MARQWAATI FURAAYAAN AAYADAAS WAXEEY KU JIRTAA SURADE FUSILAT YOWMA TASH HADU CALAYHIM ALSINATAHUM WA EYDIIHI BIMAA KAANUU YACMALUUN..AAYADO BADAN IYO AXAADIIS BADAN AYAA KADIGAAYO KHIYAANADE IYO BEENTA LAAKIIN TAN HADE AAN KAHADLEENO EE AH DAD XALAAL ISKU GUURSADAY OO MAAL ADUUNYO DARTIIS ISKU INKIRAY AMA IS QARINAAYA WAXAABA QATAR AH AMABA LAGA YAABAA IN HADII EEY DHAHAAN ISMA QABNO INEEY KALA FURMAAN KADIBNE XIRIIRKOODA WAXUU NOQONAAYAA XAARAAN QATCAN AH MARKE WALAALAYAAL ILAAHAY AAN KABAQNO ADUUNKE WAALAGATAGAAYAA TANKALE SUMCADE DIINTEENE ISLMAAKA AH YEEYNAN WASAQEYNIN EE ILAAHAY HALAGA BAQO….

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0