Hooyo Swedish ah oo sheegtay in gabadheeda si qarsoodi ah loogu kexeeyay Soomaaliya

31

Hooyo Swedish ah ayaa sheegtay in si qarsoodi ah gabadheeda loogu kaxeeyey Soomaaliya iyadoo uu sidaas sameeyay aabaha gabadha oo kala dhacay Somaliland.

Hooyadaan oo lagu magacaabo Connie Maurtitzon ayaa ii sheegtay in gabadheeda Aisha bartimihii bishaan Maarso uu kaxeeyay aabaheed oo u sheegay in ay dalxiis ku tagayaan Dubai. Sida ay sheegtay hooyada aabaha oo magaciisa ay ku goobtay Omar ayaa watay qorshe kala isagoo aan cag dhigin Dubai balse toos uga dagay Hargeysa.

Iyadoo ay ahayd in ay wadanka ku soo laabteen aabaha iyo gabadha 3 maalmood ka hor ayaysan taasi dhicin. Connie ayaa bilowday olole balaaran oo dhinacyo badan taabanaya si ay aduunka ugu wargaliso in gabadheeda la “afduubtay”. Waxay bogg ka abuurtay Facebook kaasoo ay durbadiiba ku soo biiraan dad ka badan 5,000 oo qof.

Hooyada ayaa sheegtay in aabaha gabadha uu iska iibiyay dhamaan waxyaabihii uu lahaa, shaqadiisiina isaga tagay. Waxay sheegtay in beryihii ugu dambeeyay uu soo wanaagsanaaday xiriirkooda taasoo ay ku macnaysay in uu diyaarinayay qorshe uu kula baxsado gabadha yar.

Si kastaba ha ahaatee, ma ogin dhinaca kale ee sheekada. Waxaa wali meesha ka maqan fikrada aabaha iyo sida ay wax u dheceen. Waxaan jeclaan lahaa cidii macluumaad ka haysa arinta aabahaan ama taqaana qaab laguma xiriiri karo in ay ii sheegaan si’aan u ogaado dhinaca kale ee sheekada.

Hooyadaan ayaa hada ku guuleysatay in ay arinteeda gaarsiiyo xitaa warbaahinta Sweden iyo tan Soomaalida balse wali ma ogin dhacdada dhabta ah ee ka dambeysa arintaan.

Ma ahan markii ugu horeysay ee caruur si qarsoodi ah loogu kaxeeyo Soomaaliya ee arintaan waxay mudo dheer ka dhex jirtay waalidiinta Soomaalida. Hadaba sideed u aragtaan in waalidka mid ka mid ah uu si qarsoodi ah caruurta ula dhuunto? Sidee ayaad isleedihiin waa lagu xalin karaa arinta ku dhacday hooyadaan Swedish ah?

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here