Idaacada Sverige qeybta Af-Soomaaliga oo dacwadii laga dhaafay

2

Sidii aan dhowr isbuuc ka hor soo qornay idaacada Sweden (SR) qeybteeda afka Soomaaliga ayaa la dacweeyay ka dib markii uu wadaad Soomaali ah dood ay qabteen idaacada ku baaqay in la dilo dadka diinta Islaamka ka baxay. Hadaba xeer ilaaliyaha cadaalada (Justitiekanslern, JK) ayaa go’aamiyay in aan loo baahneyn in la baaro dacwada idaacada maadaama uu wariyaha kula dooday wadaadka hadalkiisa.

Dacwada ayaa waxaa gubdiyay nin lagu magacaabo Erik Johansson oo ka tirsan kaniisad kaasoo sheegay in asxaabtiisa Soomaalida ah ay u turjumeen hadalkii wadaadka ka socday masaajidka Rinkeby Stockholm. Ninkaan ayaa dalbaday in idaacada lagu soo oogo dambi naceyb ah. Idaacada ayaa markii la dacweeyay waxay ka saareen barnaamijkii bogooda.

Dooda ay qabteen idaacada SR ayaa ka dambeysay ka dib markii niman Soomaali ah oo diinta ka baxay ay bandhig ku qabteen xaafada Rinkeby ee Stockholm kuwaasoo ku baaqay in Soomaalidu ay diinta Kiristaanka qaataan.

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here