Idaacada Sweden oo bilowday taxane ku saabsan Soomaalida

9

Idaacada Sveriges Radio (SR) ayaa bilowday taxane loogu magacday Sverige och somalierna oo lagu soo bandhigi doono barnaamijka lagu magacaabo KONFLIKT. Qeybtii ugu horeysay ee barnaamijka oo la sii daayay isbuucii la soo dhaafay.

Waxaa looga hadlay xaalada guud ee Soomaalida Sweden ay ku suganyihiin. Idaacada ayaa wariye u dirtay magaalada Nairobi taasoo wareysi ka qaaday dhowr qof oo ka mid ah kuwa lala mideynayo reerahooda ku nool Sweden. Wariyaha idaacada ayaa waxaa la yaab ku noqday dhaqdhaqaaqa ganacsiga ee ay Soomaalidu ka sameeyeen Nairobi. Barnaamijka ayaa dood ka yeeshay sababta aysan Soomaalida Sweden u gaarin heerka ay gaareen kuwa ku nool Kenya, UK iyo Maraykanka. Waxay sidoo kale wareysi ka qaadeen Soomaali ku nool Rinkeby iyo Helsingborg.

Barnaamijka ayaa sidoo kale looga hadlay arimaha lala xiriiriyo Soomaalida Sweden ee lagu sheegay dad’aan waxbarasho lahayn, cunsuriyada ka dhanka ah Soomaalida, baahida iyo colaaada ka jirta wadankii hooyo. Barnaamijkaan oo dhowr qeybood ka kooban ayaa qofka doonaya waxa uu ka dhagaysan karaa Sveriges Radio (P1) maalinta sababtida kl. 09.03 ama habeenkii 22.05. Qeybtii koowaad ayaad ka dhagaysan kartaa HOOS.

Lyssna: Konflikt : Sveriges somaliska samtid, del 1 20120908 09:03

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here