Idaacada Sweden oo ka warantay xaalada amaanka Muqdisho

Idaacada Sverige (SR) ayaa wariye u dirtay magaalada Muqdisho si uu uga soo waramo xaalada amaanka ee magaalada Muqdisho ka dib markii ay ka bexeen Al-shabaab.

Wariyaha idaacada Sweden ayaa soo sheegay in xaalada Amaanka ee magaalada Muqdisho uu ku yimid isbedal weyn oo ay xaaladu soo hagaagtay, ganacsigu dib u bilowday, noloshuna ay caadi ku soo noqoneyso.

Warbixinta ayaa lagu sheegay in qaar badan oo ka mid ah dadka qurbaha ku nool ay hada dib ugu noqonayaan Muqdisho. Wariyaha ayaa wareystay nin magaciisa ku koobay Xasan oo ka tagay magaalada Göteborg si uu dib ugu noqdo Muqdisho. Xasan ayaa sheegay in mudo 23 sano ah uusan cag dhigin Muqdisho balse uu hada ku laabtay.

Wariyaha ayaa sidoo kale wareystay mid ka mid ah dhalinyarada Muqdisho oo doonaya in uu u soo tahriibo Yurub. Wiilka ayaa sheegay in uu doonayo in uu Libya doon ka raaco oo uu sidaas Yurub ku galo.

Si kastaba ha ahaatee, xaalada amaanka ee soo hagaagtay ee magaalada Muqdisho ayaa laga yaabaa in ay saameyn ku yeelato go’aamada Laanta Socdaalka ee ku aadan dadka cusub ee is dhiibay kuwaasoo isku dhiibay in ay ka soo carareen dhibaato ka jirta magaalada Muqdisho.

Faafi mowduucaan

Jimcale

Asc ku soo dhawaada Somaliska.com. Waxaan rajaynayaa in aad ka faa'idaysateen mowduucaan isla markaana aad fikrado qiimo leh ku darsan doontaan. Xumaan, qabyaalad, aflagaado iyo arimaha siyaasada Somaliya waa ka manuuc halkaan. Fadlan aan iscaawino oo su'aalaha qofkii jawabaha haya dadka ha u faa'ideeyo. MAHADSANIDIIN!

Akhriso mowduucyo kale oo xiiso leh...

22 Responses

  1. Soomaali-Boy says:

    Maxeey ku Nuugtaa , Maxayse ku Nuugtaa !!

    Run ahaantii Sverige Radio qiyaali cad ayay ku jirtaa , maxaa yeelay Dalkaa Gumaysiga ku jira min Madax ilaa Shacab GUMAYSIGU haysto ayay leeda waa Nabad .

    Qof walboo Soomaaliyeed oo aaminsan , in Xabashida , Kenya , Uganda , Burundi , iyo reer Galbeedka TAAGEERAA , DAN u wadaan, Dalka soomaaliyee , Danta Soomaaliyeed , iyo Diinta Islaamkaaba ,wallaahi been ayaa isku sheegtay inaysan AMXAARO dan soomaaliyeed noo wadin !!

    Waa sida iyagu Nabad u yaqaanaane , Alloow Gumaysigaa naga Bixi , BAD iyo BERIBA waa kusoo duuleen , Cir iyo Carana waa ka Imaadeen.

    Rabiyoow adaan kuu nimid , inagoo ah adoomadaada Dulman .
    Alloow Nooga Hiili .

    Fikrad lala dhacay Thumb up 9 Thumb down 4

    • Mustaf says:

      Somali boy << horta asc wr wb walalaha somaliyed, walalkey somali boy waxan ku odhan lahaa inta anad edeyn cid kale amba haa ahatoo reer galbed , amxaro iyo cid kale waxad ogataa.
      In Somaliyaa somalii ee babisay meshii dayacan ee cid ilashaata anan jirin cid walbaa way iska so galii markaa intaa anan reer galbed iyo ugandha wax ka sheegin, waxan ku darii lahaa somaliyey toos oo indhahaa kala furaa waad aragtan in cadowgu meel walba idinka so galay.
      Hadad wax noqotan cid idin ku so dhicimeyso

      U codee: Thumb up 3 Thumb down 0

  2. Abdiraxman says:

    Asc all bahda somaliska Walahi waa arin caqabadeda leh weyna dhicikarta eney caqabad kukento somalida xalka alaha sahlo sidi qer ah rabaoge

    U codee: Thumb up 2 Thumb down 3

  3. Abdirahman Mac. says:

    Asc. Dhaman bahda Somaliska. Waxaan Alle kabaryaa in warbixinta Beenta ah ee Wariyaha Sverge uu inoo rumeeyo. Hadii Dalkeenu Nabad Noqdo Runtii asagaa Nagu filan Allow Nabad Nooga Yeel Dalkeena Hooyo.

    Fikrad lala dhacay Thumb up 7 Thumb down 2

  4. kadar kadar says:

    Asc dhamaantiiba walaalayaal hadii ilaahay dalkeena nabad ka dhiga waaa sidii loo baahnaa hadayse beentay wararkan aysoo tabinayaan o ay sweden rabto marmarsiiyo dee ilaahaybaan leenahay ee asaga aan tala saarano gaal xun waxba kuuma maamilee waxaa loo baahan yahay markastinaan alllah Tala saarano ilaahay sidii khayrku ku jiro haka dhga asaga QAADIRE…ameen!

    Fikrad lala dhacay Thumb up 7 Thumb down 2

  5. Yusuf olad says:

    A c dhaman bahda somaliska magalada muqdisho waqtigan wa nabad ruxi ka naxaya o gal macin ka raba iimanka alaha gelsho ayan leyahay tan kale ninka itobia uganda iyo burundi wax ka shegaya waxan leyahay waxa yimid dad ka yimid wadamo kale o kii nolana dilaya kii dhintayna xabalaha ka so saraya marka ninkas waxan leyahay ma maqashay mahmah dhahaysa hadi furuq la arko aya warabow faraha la lef noqda marka saxib amxaro burundi iyo ugandha way ka tagayan hadad nabad hesho balse kuwa kale waxay leyihin anaga xukun ma rabno balse alqaida ayan jecelnahay in an ku warejino wadanka ilahow kuwas naga qabo

    U codee: Thumb up 2 Thumb down 4

  6. yuusuf says:

    muqdisho waa nabad dadka oo dhan in la celiyo ayaan rabaa , dadka ka naxaayo muqdisho waa nabad ilaahey meel xun ha geeyo , kan dhahaayo gumeysi , asiga ayaa ku juro gumeysi oo joogo sweden vivaan

    Dood kulul. Ka Jawaab? Thumb up 8 Thumb down 4

  7. Bashir abass says:

    As,waxan u arka arintan beena ha shegin runa hashegin waxad sheektana ha waayin,swidan sasan sanadkan yeli ma waxay kubadashay wariye ayan muqdisho udirnay?cajib xishod darana,xaqiqada dalka gumaysi ayu kujira dalki mel lagu noqdaba malahan bahala galen ayu noqday,waxan oran laha dadka qurbaha joga war dal idankamadanbeyo wa lakala gosgostay,e meshad jogtan dhalasho karatsada,waxad ogtihin in la ansixiyay in qar xildhibano dibada laga keno o christian ah shirki garawe 2 ayu qodobka lagu ansixiyay,

    U codee: Thumb up 1 Thumb down 4

  8. Dayniile-Boy says:

    Maanshsa allah wadankeenii wadada nabada ayuu cagta saaray. Ilaah ah noo sii siyaadiyo nabada. hadii wadankeenu uu nabad qabo waxaan aaminsanahay in aan ka maarmi doono sweden oo yurub oo dhan waayo wadankeena waa ka qanisanyahay sweden iyo wadamo kalaba hadii aan qeyraadkiisa ka faaiidesano.

    Waxaan ilaah ka baryeenaa in nabada hada soo bidhaantay uu ilaah noo siyaadiyo.

    Fikrad lala dhacay Thumb up 6 Thumb down 1

  9. Sogalooti says:

    ASC Dhamaan waa idin salaamay bahda somaliska iyo akhristashaadeedaba hadii aan ka hadlo raygayga horta waa nabad muqdisho lakin hada wax dagala kama jiraan lakin waxaa ka jira tii ugu darayd waayo qof naftiisa halagay if iyo aakhiraba ayaa hada ka ira markaa laguma nolan karo

    U codee: Thumb up 1 Thumb down 2

  10. ikraan says:

    Asc walaal jimcaale waxaan ku weydiinaa arimihi somalida xageey maraayaan 20 mars waa talaada horteena bari uun baa ka hartay maxaad warka heysaa iisoo jawaab walaal waana mahadsantahay

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 4

  11. abdi says:

    as dhamaan salaan sare
    ikraan howlaha soomalida soo dowlada ma dhihin go’aanka aan soowadno wuxuu hirgalayaa 1/7/2012 marka ilaa bisha 5 wax ayay badalayaan sida ku ccad webb side kooda waxaa laga doodayaa ilaa 30/5 marka wax dag dag ah majiro maadama xiliga uu hirgalayo ay tahay bisha 7

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  12. C/k says:

    Waa warbixin hore.Todobaad ka hor ah.

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 4

  13. JOORGE'GEORGE''' A FRAX says:

    XAMAR WAA LAGA XORREEYE JIRRI GI SACUUDIGA LAGA TEEGEERI JIRAY, QUWADAAFRICAAN-KA AA XAAQDEY UMMADA SOOMAALI WAXAAN U RAJEEYNAA MUSTAQ BAL qoriiyad leh, oon GACAN GOOYS IYO LUG GOOYS MIDNA LAHEEYN VIVA FREEDOM.

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 3

  14. Soomaali-Boy says:

    GAAL George – Dal , Diin , iyo Dadnimo iyo Dan midna Nalama wadaagtid , Naga dhexbax Fadlan .

    Diinta Islaamka haddaa ka baxday , dee Gaalada wax la qaybsoo naga dhexbax. Soomaaliyeey OGAADA , ninkaa GEORGE -AFRAX wata waa GAAL Diinta Islaamka ka baxay e

    U codee: Thumb up 1 Thumb down 0

  15. Massago says:

    SVERIGE WARIYE AY U DIRTO SOMALIA HADA KAMA BILAABA NAAAYO
    DHAWR BIL KAHOR AYU DIRTAAY WARIYE KASOO WARAMI JIRAY KAAMAMKA IYO CAGA BARARKA WEEEYNA KABAXSANTAHAY INAAN NABAD LAGU SEEXA KARO MAHAAS AALIN DAWLADA KA,ARIMISO
    INKA YAR SADAX XAAFAD. IYO MADAXADA WADANKA QIYAANTAY OO 20% QURBAHA IYO SAFAR LEEKA BIXI LA,, XALL ALAHA NOO KEENO HADII WADANKAANYU NABAD NAQDO ANUNKAANBA RABIN CIIR IYO SFI, QASHINKA AG ROGOGIISA BEERTAANYA AAN FALA LAHEENE

    U codee: Thumb up 2 Thumb down 0

  16. Bashir abass says:

    Nasib xumaa qof islam ahaa o gaal dortay!!!

    U codee: Thumb up 1 Thumb down 0

  17. Maxamed Cali Maxamed says:

    sck waa wax lgu farxo ka naxoow nafta waa muqdisho waa xor ee kii da yar oo aan arag doladnimo ha ogaado in aan la noonaankarin dowlad la aan.
    waxaa hartay in la badalo labashariif oo ah laba toog laba qq in

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  18. Maxamed Cali Maxamed says:

    bashiiroow waad yartahay meelaaad joogtaba waxaa la arkaa in aadan arag wax dolad ah bashiiroow soo bar baar
    .

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  19. rumeey says:

    war somaali mat meel ku doorsateen ceertaas aat dhuqeeysaan aat ugu xilaneeysan ee ALOW somaali dowlad xitaa yeeysan ka dhalanin xabada iyo dilalka qorsheeysan lee hadee naga dhaafi la haayeen waan ku laaban leheeyn meeshaan aanba necee ALLE hana celiyo

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  20. ismaan dhagool says:

    s. dhagool
    anigaa waxaa ka oron lahaa ama aan sheegi lahaa maanta in eysan nabad ka jirin soomalaiya maxaa yeelay waad aragtaan in ey wali joogaan ciidamada shisheeye marka ey ka baxaan ayaan u aqanaa in ey nabad jirto in kastoo ey hada yar dhaanto sidii hore
    qof waliba wuu rabaa in uu ulaabto dhulkiisa hooyo macaan maxaa yeelay dadka waxaa diley baraf qaboow iyo habo xumo wim

    U codee: Thumb up 1 Thumb down 0

  21. Najmo says:

    masha,allah wadanka waa nabad ee dadka qurba jokta ah ha so labtano cml wadan aan wadadnkada ahen waa daren ku joog

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0